Simrishamn
Kusoo dhowoow degmada Simrishamn oo ku taal koofurta bari ee gobolka Skåne, qalbiga Österlen.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
19429
Cabirla dhulka
1254 kiilomitir oo laba jibaaran
Degmadeena waxaa ku yaal taalooyin waaweyn iyo kuwo yaryar. Dhinaca kofur waxaa ku yaal dhul siman oo beero abuur badan leh dhinaca waqooyina waxaa ku yaal keymo dhireed. Dhinaca xeebta waxaa ku yaal dhul bacaad ah oo qurux badan iyo buuro in laga kaluumeysto eey wanaagsan tahay. Cimilada xeebta agteeda aad ayeey u wanaagsan yihiin taasna waxeey sababtay in dalxiiska uu ku badan yahay degmada. Degmada waxaa ka dhisan in ka badan 300 oo shirkadood, saddaxdii shirkadleey hal kamid ah waa dumar, waana ku fiicannahay inaan hir galino shirkado cusub.
Deegaan
Shirkadda guryaha ee ugu weyn degmada waa isla shirkadda degmada Simrishamnsbostäder laakiin waxaa jira shirkado guri iyo dallaallo aa u badan oo ka shaqeysta degmada.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Degmadeena waxaa looga hadlaa luqado kala duwan: carabi, daari, albeeniyaan, faransiis iyo ingiriis.
Jaaliyado iyo ururu
Waxaa ka jira nolol jaaliyadeed qani ah degmada waxaana ka diwaan gashan illaa 400 oo jaaliyadood. Oo ku kala howlan meherado kala duwan. Urur diimeedka sida kaniisadaha Svenska kyrkan, Pingstkyrkan, Missionskyrkan ayaa iyagana jira. Jaaliyadaha diiwaanka gashan o dhan waxaad ka heli kartaa diiwaankeena jaaliyadaha.
Maxaa ka ag dhaw
Simrishamn waxaa yaal adeegyada guud o dhan sida dukaamada, maktabad, xafiiska shaqada, xafiiska daryeelka qoyska iyo qofka, xafiiska ceymiska, boolis iyo xafiiska cashuuraha. Tuulooyinka waaweyn waxaa ku yaal dukaamo waaweyn oo maalmihii furan iyo dukaamo badan oo kuwa gacan labaadka ah.
Dalyeelka carruurta
Xanaanada carruura, guriga xanaanada xilli firaaqaha iyo dugsiga xanaanada iyo barbaarint acarruurta kulligood weey ku yaallaan xaafadaha kala duwan oo dhan. Dugsiyada xanaanada oo ah kuwa gaarka loo leeyahay weey ku yaallaan degmada.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Dugsiyada loogu talagalay ardayda dhigata ilaa sannad-dugsiyeedka 3:aad, waxaa laga hela degmooyinka badidooda. Dugsiyada loogu talagalay ardayda dhigata sannad-dugsiyeedka 7-9:aad, waxaa laga hela dhammaan degmooyinka hoos yimaada degmada Simrishamn. Magaalooyinka waxaa ku yaalaan laba dugsi sare: dugsiga sare Österlengymnasiet oo leh jihayn wax ku ool ah, iyo Nova Academy oo jihayntiisa teori ah. Waxaa la heli kara beddelka dugsiyada biloowga/hoose/dhexe dowladda hoose.
Furadaha waxbarasho
Hadaad u baahan tahay inaad wax baratid ama aad sare u qaadid xirfadaada shaqo, waxaan kuu heeynaa taciin aa ugu tala galnay dadka waaweyn (eey ku jirto sfi), waxaana wada shqeyn la leennahay degmada Ystad iyo Forum Ystad. Xarunta Forum Ystad waxeey ku taal Ystad meeshaasaana waxbarashada inteeda badan lagu dhigaa. Xarunta waxbarashada ee Folkhögskola waxeey ku taal degmada aan dariska nahay ee Tomelilla, waana meel aan aad uga fogeyn Jaamacadaha Lund, Malmö iyo Köpenhamn.
Caafimaadka
Rug caafimaad waxeeey ku taal bartamaha Simrishamn (malahan qeybta degdega) iyo xaafadaha waaweyn ee ku yaal degmada banaankeeda. Rugta daryeelka ilkaha waxuu ku yaal Simrishamn waxaa kaloo jira meelo badan oo ilkaha lagu daryeelo oo kuwa gaarka loo leeyahay ah.
Caawinaad turjubaan
Hadaad turjubaan u baahan tahay wac telefoonka, 042-13 96 44.
Xiriirka gaadiidka
Gaadiidka guud ee Skånetrafik waxeey leedahay basas degmada oo dhan ka shaqeeya iyo qaar dhakhsi badan oo ukala goosha magaalooyinka Kristianstad iyo Lund. Gaadiidka guud ee gobolka Skåne waxuu leeyahay tareen ku geynaya magaalooyinka Malmö iyo Ystad. Waxaa noo dhow saddax garoomada diyaaradaha ah, Malmö Airport, Kristianstad-Österlen Airport iyo Copenhagen Airport.
Shaqo iyo ganacsi
Waxsoosaarka degmada waxuu ku dhisan yahay shirkadaha dhexdhexaadka ah iyo kuwa yaryar oo qeybo kasta ka shaqeeya. Shirkadaha waaweyn ee degmada ka dhisan waa: Plastal, Praktikertjänst, Kiviks musteri, Nordic Sea Winery, Gärsnäs och Skillinge Fisk-Impex.