Staffanstorp
Qofka ku nool degmada Staffanstorp waxba kama foga. Waxaa u dhow abuurka bilicsan, miyi iyo magaallo. Shaqada, adeegyada iyo dukaamada. Degmada Staffanstorp waxaa u dhow magaalooyin tiro badan sida maqaalooyinka Köpenhamn, Malmö iyo Lund.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
25108
Cabirla dhulka
107 kiilomitir oo laba jibaaran
Deegaan
Degmada waxaa ka hawlgalaan shirkadaha guryaha. Waxaad ka dalban karta guryaha la kireysto, kuwa la iibsado iyo kuwa noocyo kale ah. Badidooda waxaa laga raadsada bogga internetka Boplats Syd.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Degmada waxaa ku nool dad badan oo ku hadla luqooyin kala duwan. Waxaa la hela fursadda wax kub arida afka hooyo. Imminka waxaa lagu hela af-albaani, af-carabi, af-danish, af-ingriisi, af-finish, af-girik, af-iceland, af-talyaani, af-kroat, af-kurdi/badinani, af-mandarin, af-holland, af-bersi, af-bolish, af-romani, af-isbanish, af-thai, af-jarmal iyo af-hangeriya.
Jaaliyado iyo ururu
Degmada waxaa ka hawlgala ururro aad u tiro badan, kuwaasoo jihayn kala duwan leh. Tusaaale ururrada isboortiga, kuwa dhaqamada, kiniisadyaaha iwm.
Maxaa ka ag dhaw
Degmada waxaa laga hela wax kasta oo aad isleedahay waan u baahan nahay. Sida maktabad, dukamada raashinka lagu iibiyo, adeegyo iyo dukaamado kale. Waxaa laga hela xitaa goobaha isboortiga lagu ciyaaaro iyo dhaqdhaqaaqyada dhaqamada iyo wakhtilummiska oo aad u tiro badan. Goobta lagu dabaasho [Bråhögsbadet] waxaad ku dabaalan karta gudaha iyo dibada ba. Waxaa degmooyinka degmooyinka Staffanstorp iyo Hjärup ku yaallo xarumaha isboortiga, maktabad, iyo dugsiga musikada. Holka farshaxanada Staffanstorp wuxuu leeyahay bandhigyo badan.
Xafiiska adeegyada hay'adaha Försäkringskassan, Skatteverket iyo Arbetsförmedlingen ee ugu dhow waxaa laga hela magaalada Lund.
Dalyeelka carruurta
Degmada waxaa laga hela dhaqdhaqaaqa dugsiga xannaanadda, kaasoo loogu talagalay qofka adigoo kale ah oo gurijoogto ah oona carruur leh. Degmada waxay leedahay dhaqdhaqaaqa wax barid ku salaysan, dugsiga xannaanadda, qoys-xannaanadeedka loogu talagalay carruurta da'dooda u dhaxayso 1-5 sano. Warbixin dheeraad ka aqriso bogga internetka ee dowladda hoose.
Degmooyinka Staffanstorp iyo Hjärup waxaa xitaa laga hela xitaa dugsiga xannaanadda albaabada u furan öppen förskola, halkaas waxaa ku kulma waalidiinta iyo carruurta da'dooda u dhaxayso 0-6 sano. Adiga oo ah qof waalid, waxaa adiga iyo ilmahaaga booqan kartaan dugsiga xannaanadda albaabada u furan, halkaas ayuu ubadkaaga ka heli karaa ciyaar, aqris, hees iyo wadajirsanaanta ilmaha iyo dadka waawayn.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Dugsiyada biloowga/hoose/dhexe ee degamada Staffanstorp waxay ku yaalaan degmooyinka Staffanstorp iyo Hjärup. Degmada waxaa laga hela dugsiyada biloowga/hoose/dhexe loogu talagalay ardayda dhigata ilaa sannad-dugsiyeedka 9:aad.
Degmada Staffanstorp lagama helo barnaamij qarmeed dugsiga sare, laakiin adigoo adeegsanaayo shahaadada dugsiyada biloowga/hoose/dhexe, ayaa waxaad dugsi sare ka codsan karta Skåne iyo västra Blekinge.
Furadaha waxbarasho
Hvilan utbildning wuxuu ku yaalla degmada Staffanstorp. Waxaana laga dhigta barnaamijka isku diyaaragarynta waxbarashada kulliyadaha iyo waxbarashada xirfadaha.
Waxbarashada dadka waawayn degmada Staffanstorp, waxaa laga waxbarasho loogu talagalay dadka degmada degan oo ah heer [Komvux], iyadoo maamulka u boosaska waxbarashada ka iibsanaayo dowladda hoose kale. Waxaa la hela boosaska barashada luqada iswiidhishka ee soo-gaaleetiga loogu talagalay (sfi), kuwaasoo laga iibsado degmooyin kale, fsiiba Burlöv, Lund iyo Malmö.
Caafimaadka
Degmooyinka Staffanstorp iyo Hjärup waxaa laga hela xarumaha daryeel-caafimaadeedka guud. Waxaa kaloo ku yaalaan kuwa daryeel-caafimaadeedka iyo dumarka. Daryeel-caafimaadeedka ilkaha ee dadwaynaha waxaa laga hela degamada Staffanstorp.
Caawinaad turjubaan
Haddii aadan fahmayn ama aadan ku hadli karin af-iswiidhish, waxaad markii xiriir la yeelanayso hay' adaha xaq u leedahay turjubaan. Markii aad ka ballan qabsanayso goob-bulshodeedka arrinta khuseeyso waa inaad u sheegta, in aad qof turjubaan u baahan tahay.
Xiriirka gaadiidka
Gaadiidka ugu fudud ee lagu tago degmada Staffanstorp iyo agagaarkeeda, waa iyaado bas la adeegsado. Magaca shirkadda gaadiidka ee goobahaas ka hawl gasho waa Skånetrafiken. Degmada Hjärup waxaa lagu tegi kara bas iyo tareenba.
Shaqo iyo ganacsi
Degmada Staffanstorp waxaa ka hawlgala shirkado badan. Waxaa degmada laga hela shaqobixiyeyaal waawayn iyo kuwa yaryar. Degmada waxay leedahay suuqa shaqada oo heer sare ah. Tirada shaqolaaweyasha way hooseeysa. Fursadda shaqo ka helida degmada waa heer sare. Waxaa laga hela fursado heer sare ah ku saabsan gaadiidka u dhaxeeya degmooyinka qaarkood, sida kuwa Malmö iyo Lund.