Svedala
Iyadoo garoonka diyaaradaha ee Malmö ku yaalo gudaha xuduudka degmadan oo masaafo raaxo leh u jiro buundada Öresundsbron waxaa magaalada Svedala ku taala goob istaratiiji ah una dhow lehna qaabab loogu safro magaalooyinka waaweyn sida Malmö iyo Lund.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
22080
Cabirla dhulka
227 kiilomitir oo laba jibaaran
Degmadan 20 000 qof ee deggan qiyaastii 10 000 oo qof ayaa ku nool gudaha magaalada Svedala. Wakhtiyada bixitaanka ee isku dhow ee tareenka iyo tareen toos uga yimaada Danmaark ee tareenka Öresundståget ayaa kaalmaysay dareenka inay tahay gobol magaalooyin waaweyn leh oo faa'iido u leh magaalooyinka yar yar.
Deegaan
Degmada Svedala waxay leedahay guryo soo jiidasho leh iyo u dhawaanshaha deegaanka dabiiciga ah. Guryahan waxay ka koobanyihiin filooyin iyo guryo caadi ah labadaba. Svedala shirkadeeda guryaha ee degmadu leedahay waxaa lagu magacaabaa Svedalahem.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Gudaha degmada Svedala waxaa laga helaa ugu horeyn kooxaha ku hadla luuqadaha Taylaandiiska iyo Carabida. Waxbarashada luuqada hooyo waxaa lagu bixiyaa qaar ay ka mid yihiin Taylaandiis, Carabi, Albaani, Baashto, Faarsi iyo Soomaali.
Jaaliyado iyo ururu
Degmada Svedala waxaa ku taala kiniisada Svenska kyrkan. Waxaa ku yaala xitaa ururo isboorti iyo dhaqan.
Maxaa ka ag dhaw
Bartamaha Svedala waxaa ku yaala noocyo kala duwan oo dukaano ah iyo bangiyo, farmasi, maktabad iyo goob dabaal oo caan ah iwm. Dukaamada raashinka ee ugu waaweyn waxay meel loo luugeyn karo u jiraan bartamaha magaalada.
Dalyeelka carruurta
Degmada Svedala waxaa ku yaala dugsiyo xanaano oo badan. Wakhtiyada la sugo booska dugsiga xanaanada way yartahay, taas oo micnaheedu tahay inaad badanaaba boos u helayso ilmahaaga si dhakhso ah.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Degmada Svedala waxaa ku yaala dugsi hoose-dhexe gudaha saddexda qaybood ee Svedala, Bara iyo Klågerup. Dugsiga sare ee Nils Fredriksson Utbildning, NFU ayaa ku yaala Svedala.
Furadaha waxbarasho
Waxbarashada dadka waaweyn iyo Sfi waxay ku yaalaan Nils Fredriksson Utbildning, NFU kuna taala Svedala. Waxbarashooyinka kale waxaa laga helaa Malmö iyo Lund.
Caafimaadka
Svedala waxaa ku taala rug caafimaad, rugta caafimaadka hooyooyinka, rugta caafimaadka caruurta iyo daryeelka ilkaha. Gudaha Bara waxaa ku taala rug caafimaad. Isbitaalka ugu dhow wuxuu ku yaalaa Malmö (qiyaastii 20 kiilomitir).
Caawinaad turjubaan
Haddii aanad ku hadlin ama fahmin afka Iswiidhishka waxaad xaq u leedahay caawimaada turjubaan ah dhanka luuqadaada wakhtiga wada-hadalka lala leeyahay hey'addaha dawladeed.
Xiriirka gaadiidka
Xiriiryo fiican oo dhanka tareenka iyo baska ah ayaa jira marka laga baxayo Svedala ilaa meelo ay ka mid tahay Malmö, Ystad, Lund iyo Trelleborg. Xitaa tareen toos ah ayaa taga Köpenhamn oo ka baxa Svedala.
Shaqo iyo ganacsi
Maadaama xiriiryadan aada magaalooyin waaweyn fiicanyihiin waxaa jira shaqo-bixiyayaal badan oo u jira masaafo loo safri karo.