Oxelösund
Degmada Oxelösund oo dadka degan eey la egyihin 11 500 waxey ku taallaa xeebta badda Östersjön, waxeyna Stockholm uu jirta hal sac. Jewiga badda waxuu ku siinayaa fursado aad ugu wanaagsan in lagu dabaasho, in lagu wado doomaha shiraaca iyo waliba doomaha usha lagu wad.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
11969
Cabirla dhulka
745 kiilomitir oo laba jibaaran
Oxelösund waa degmo waxyaabaha kala duwan oo asaasiga ah eey yaalan. Kusoo dhowoow degmada Oxelösund.
Deegaan
Degmada waxaa ku yaala shirkado guryo kuwa oo aad ka raadsan karto guryo kiroo ah, guyaha iskaashatada, iyo noocyada kale ee deegaan. Websidka degmada waxaad ka akhrisan kartaa wax badan sida guryaha banaan iyo shirkadaha xiriiriya guryaha.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Degmada waxaa ka jira luqado badan oo kala gedisan. Wixii warbixin dheeraad ah kala xiriir qeeybta qaabilaada qaxootiga ee degmada.
Jaaliyado iyo ururu
Degmada waxaa jira jaaliyado badan oo kala duwan. Tusaale ahaan jaaliyadaha cayaaraha, jaaliyadaha dhaqanka, kaniisado iyo isbahaysiyo kala duwan. Wesidka degmada waxaad ka raadin karaa jaaliyadaha ka diiwaangashan kadibna waxaad kadooran kartaa jaaliyada markaa adiga ku anfacaysa.
Maxaa ka ag dhaw
Degmada Oxelösund waxaa ku yaal dukaamo, maktabad, good maaweello, xanaanada carruurta oo furan, rug caafimaad iyo farmashiiye.
Dalyeelka carruurta
Degmada waxay bixisaa xanaano ay ugu tala gashay qofka carruurta ku haysta guriga. Degmada waxa ay leedahay qaybta waxbarida sida xananada carruurta, xanaanada qoyska ee maalinti gaar ahan kuwa da'dooda u dhaxaysa 1 -5 sano.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Degmada Oxelösund waxeey heshiis dhinaca waxbarashada heerka dugsiga sare la leedahay magaalada Nyköping oo eey ku yaallaan dugsiyo sare oo nuuc walba leh.
Furadaha waxbarasho
Campus waa magaca eey wada wadaagaan dugsiyada waxbarasho ee dadka waaweyn ee degmada Oxelösund.
Caafimaadka
Degmada dhexdeeda waxaad ka qayb qaadan kartaa noocyada kala duwan ee daryeelka caafimaad. Waxaad ka heli kartaa xarun caafimaad ee arimada dadweynaha iyo waxaad kale ee hili kartaa xarunta daryeelka carruurta, xarurta daryeelka hooyooyinka iyo daryeelka ilkaha. Websidka degmada waxaad ka heli kartaa warbixio dheeraad ah oo ku saabsan halkuu qofku ka helo karo waxa ku saabsan daryeelka kala duwan ee caafimaadka.
Caawinaad turjubaan
Degmada waxeey xiriir la leedahay Språkservice marka eey dadka u baahanyihiin turjubaan.
Xiriirka gaadiidka
Degmada waxaa isku xera gaadiidka dadweynaha. Warbixin ku saabsan jadwalka waqtiyada iyo siyaabaha kala duwan ee safarda waxaad ka helaysaa websidka degmada.
Shaqo iyo ganacsi
Shaqo bixiyayaasha ugu weyn ee degmada waxeey kala yihiin SSAB, shaqaalaha degmada Oxelösund iyo dekadda Oxelösund oo iyadana dad badan shaqaaleeysiisa.