Vingåker
Degmada Vingåker waxaa degan 8 800 oo qofood waxeeyna can ku tahay ganacsiga dharka. Degmada Vingåker waxaa ka jiri jirtay shirkad lagu sameeyn jiray futushaariyada oo maanta isku bedeshay suuq weyn oo lagu gado dharka qaaliga ah, lana dhaho Vingåkers Factory Outlet.
Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
9123
Cabirla dhulka
439 kiilomitir oo laba jibaaran
Deegaan
Degmada Vingåker waxeey ka koobantahay todobo xaafadood oo kala ah Läppe, Österåker, Högsjö, Viala, Baggetorp, Marmorbyn iyo Vingåker. Degmada waxeey leedahay shirkado guryo oo nuuc walba leh isla markaana la xiriiri kartid markaad u baahatid.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Degmada Vingåker waxaa looga hadlaa luqadda iswiidhishka marka laga reebo, luqadaha turkish, kurdish, iiraani, daari, carabi, teeyaandees, faransiis, amaxaari, roomaani, af-ruush, baashtuu, tigree, albeeniyaan, bengaalish, ingiriis, burtuqiis iyo siiriyaan.
Jaaliyado iyo ururu
Degmada Vingåker waxaa ka hawlgala ururro tiro badan, sida tusaale Vingåkers volleybollklubb, Båsenberga slalomklubb iyo Vingåkers ryttarförening. Degmada waxay leedahay shirkado yaryar oo tiro badan. Tan ugu wayn o horay u sii wada taariikhda Vingåker, ee soo sarta dharka waxaa weeyaan Vingåkers Factory Outlet, waxay qiimo jaban ku iibisa dhar tayadooda heer sare ah. Warbixin ku saasan dhammaan ururrada waxaad ka heleysa diiwanka ururrada ee dowladda hoose.
Maxaa ka ag dhaw
Bartamaha degmada Vingåker ku dhowaad wax kasta waa laga hela. Xafiisyada Dowladda hoose, maktabad, goobaha lagu dabaasho iyo Säfstaholmsslott. Warbixin dheeraad ku saabsan waxaa laga hela bogga internetka ee Dowladda hoose.
Kiniisada dalka Iswiidhan iyo Lanqayrta cas waxay tan iyo dhowr sannadood maamulaan Mötesplatsen, waa goob dhammaan dadwaynha ku nool degmada Vingåker ku kulmaan. Xafiiska adeegyada Vingåker Åbrogården wuxuu ku yaaalla wadada Storgatan 55, waxaa tusaale ku yaallo xafiiska adeegyada, Xafiiska maamulka adeegga bulshada, saldhigga ciidanka booliska iyo dugsiga loogu talagalay dadka waawayn Viadidakt.
Qofka doonaayo in uu Xafiiska Shaqada la xiriiro, waa in badi ahaan kahor u ballan ka qabsada. Haddii kale waxaa la adeegsada farsamada taleefanka shaashada leh.
Dalyeelka carruurta
Degmada Vingåker waxaa ku yaal 11 dugsiyada xanaanada carruurta ah. Saddax kamida waxeey ku yaallaan Vingåker, xaafadaha Högsjö, Österåker, Marmorbyn waxaa ku yaal hal dugsi xanaaneed midkiiba. Xarunta daryeelka qoyska waxeey kuu heysaa dugsiyada xanaanada oo qoyskasta u furan.
Lix dugsiyadaas ah ayaa waxeey ku yaalliin degmada Vingåker. Labo waxeey ku yaallaan xaafada Vingåker, hal waxuu ku yaal Marmorbyn, halna Högsjö iyo hal kale oo ku yaal Österåker.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Shan dugsiyada hoosedhexe ah ayaa ku yaal Vingåker. Dugsiyadaas oo dhan waxeey leeyihiin laga bilaabo fasalada xanaanada ilaa 6. Iskoolka Vidåkersskolan waxuu leeyahay fasalada 7-9. Shantaas iskool saddax kamida waxeey ku yaallaan Vingåker, halna Högsjö halkalana Marmorbyn.
Degmada Vingåker malahan dugsi sare, marka laga reebo laba barnaamij oo ah kuwa lagu diyaariyo maaddooyinka aadan ku baasin dugsiga dhexe. Degmada waxeey heshiis la gashay degmooyinka Katrineholm, Flen iyo Hallsberg, heshiiskaas ayaa ah in ardayda degmada boos looga banneeyo dugsiyada dhexe ee degmooyinkaas.
Furadaha waxbarasho
Degmada Vingåker waxeey kuu heysaa waxbarasho dadka waaweyn oo laga barto xarunta Viadidakt. Viadidakt waa xarun loogu tala galay is dhexgalka dadka degmada, shaqo abuuris iyo waxbarashada dadka waaweyn ee degmooyinka Katrineholm iyo Vingåker.
Warbixin ku saabsan mujtamaca oo loogu tala galay qaxootiga
Warbixin ku saabsan sida eey bulshada iswiidhishka u shaqeeyso oo loogu tala galay dadka soo galootiga ah ayaa jira. Waxaa kaloo jira waxbarasho ku saabsan wadanka iswiidhan iyo sida uu u shaqeeyo loo loogu tala galay dadka qaxootig ah ayaa jira.
Waxbarasho luqadda iswiidhishka oo loogu tala galay qaxootiga
Waxbarasho (sfi) loogu tala galay dadka aan ku hadlin luqadaha iskandaneefiyaanka ah ayaa jira. Waxaa loogu tala galay qaxootiga. Sfi waxaa xaq uleh qof kasta oo wadanka degan, buuxshayna 16 sano. Qofka dalbanaya waa inoosan waxba ka aqoon luqada iswiidhishka ah maadaama waxbarashadan loou tala galay dadka aan waxba ka aqoon iswiidhishka.
Qofka kasta waxuu xaq u leeyahay waxbarasho iyo gacan qabasho xagga barashada luqadda iyo shaqada ah, si uu bulshada usoo galo sida ugu dhaqsiyaha badan. Dhirarka waxbarashada waxuu ku xiranyahay waxa aad horay usoo baratay iyo maskaxdaada sida eey u fiicantahay.
Waxbarashada aasaasiga ah ee dadka waaweyn
Waxbarashada aasaasiga ah ee dadka waaweyn waxaa loogu tala galay qofka da'diisu eey ka weyntahay 20 sano, oo aan soo baran waxa eey carruurta iyo dhalinyarada iskoolka lagu baro. Waxbarashada waa lacag la'aan qasabna ma'ah.
Adigaa go'aaminaya qaabka aad wax ubaraneysid iyo dhaqsida aad rabtid inaad ubaratid. Waxaad wax baran kartaa adigoo shaqeynaya ama baranaya waxyaabo kale. Dadka dhimirkoooda wax si ka yihiin waxeey Viadakt u heeysaa waxbarasho qaas u ah dadkaas.
Waxbarasho heer dugsi sare ah oo loogu tala galay dadka waaweyn
Waxbarasho heer dugsi sare ah oo loogu tala galay dadka waaweyn ayaa jirta. Waa haddii aad rabtid inaad heer jaamacadeed inaad gaartid iyo hadii shaqo eey kaaga xirantahay.
Jaamacad, machad iyo iskoollada xirfadaha
Fursado heer jaamacadeed ah ayaa ka jira Katrineholm. Viadakt waxuu wada shaqeyn la leeyahay jaamacado iyo machadyo fara badan. Taasna waxeey fududeeysay inaad waxbarasho nuucyo kala duwan leh aad ka baran kartid Katrineholm.
Lookallada ama dhismaha Viadakt
Haddii aad tahay arday jaamacadeed waxaad isticmaali kartaa lookallada Viadakt ee ku yaal Åbrogården, Storgatan 55 ee degmada Vingåker. Qololkooda iyo lookalladooda waxaa yaalla kombuyuutarro, internet, koobbi gareeye, fax, taleefan, meel cuntada lagu cuno, biibito aad ka gadan kartid shukulaato, shaah iyo kaffee. Lookallada maalin walba weey furayihiin haduusan qof hore u qabsan.
Caafimaadka
Degmada Vingåker waxaa ku yaal rugta caafimaadka ee Vingåker, xarunta daryeelka qoyska, rugta ilkaha iyo rugta dhakhtarka ilkaha ee Vingåker. Isbitaal leh meesha emerjensiga waxuu ku yaal degmada Katrineholm waxaana la dhahaa Kullbergska sjukhuset.
Caawinaad turjubaan
Marka aad la kulmeeysid xafiisyada dowladda oo dhan iyo goobaha caafimaadka waxaa lagaa caawinayaa turjubaan. Inta aadan tagin ayaadna ogeysiineysaa inaad turjubaan ubaahantahay.
Xiriirka gaadiidka
Basaska ka baxa degmada Vingåker waa basaska gobollada Örebro iyo Sörmland. Tareennada SJ ayaa ka baxa tareen isteeshinka.
Shaqo iyo ganacsi
Degmada Vingåker waxeey ku taal meel bartama ah waxeeyna safar hal saac oo kaliyah u jirtaa magaalooyinka Örebro, Eskilstuna, Nyköping och Norrköping. Tareenka ka baxa Hallsberg una socda Stockholm waxuu maraa degmada Vingåker Katrineholm, Flen, Gnesta iyo Södertälje. Taasna waxeey keeneysaa in masaafada u dhaxeysa degmada iyo magaalooyinka waaweyn ee yaraato.