Sundbyberg
U dhawaanshaha eey u dhowdahay magaalada Stockholm iyo garoomada diyaaradaha iyo adeega bulshada oo fiican ayaa keenaya eey noqoto meel eey dadka oo dhan xiiseynayaan ineey degaan.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
52823
Cabirla dhulka
9 kiilomitir oo laba jibaaran
Sundbyberg waa degmada ugu baaxadda yar ee iswiidhan isla mar ahaan taasna waa midda ugu korriimaha fiican wadanka oo dhan. degmada waxeey sababtaas aawgeed ka mid noqotay degmooyinka eey guryahooda aadka isugu dhowyihiin.
Degmadu waxeey leedahay dukaamo, makhaayado, bangiyo iyo gaadiidka dadka oo heer sarreeya leh. Waxeey kaloo leedahay jaaliyado nolodhaqameed qani ah. Waxaa intaas usii dheer meelo fiican oo loo damaashaad tagi karo.
Deegaan
Degmada Sundbyberg waxaa ku yaal guryo nuucyo kala duwan leh oo aad ijaaran kartid ama aad gadan kartid. Mid ka mid ah mashruucyada dhisme ee ugu weyn Iswiidhan ayaa ka socdo meeshaan, Ursvik, waxeeyna sababi doontaa in dadka degan degmada eey sii bataan.
Sundbyberg waxeey leedahay shirkad guryaha kireeysa oo magaceedu yahay Fastighets AB Förvaltaren waxaadna ka kireysan kartaa guryaha. Waxaad saf u gali kartaa guryaha la kireysto haddii aad booqatid degmada boggeeda internetka. Dhalinyarada degan degmada, da'dooduna u dhaxeeyso 16 iyo 25 sano waxaa loo ballanqaadayaa ineey guri ka helaan degmada.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Luqadaha qalaad ee loogu hadlo degmada waa tigree, amaxaari, carabi iyo iiraani.
Jaaliyado iyo ururu
Degmada Sundbyberg waxaa ka jira jaaliyado badan, sida kuwa isboortiska, dhaqanka iyo muusikada. Waxaa jira jaaliyado loogu tala galay dadka howl gabka ah iyo kuwa loogu tala galay dadka qaxootiga ah tusaale ahaan jaaliyada Ereteriyaanka.
Maxaa ka ag dhaw
Waxaa la sheegaa in Sundbyberg eey ka mid tahay degmooyinka ugu makhaayadaha badan ee wadanka Iswiidhan oo dhan, waxaa kaloo eey leedahay degmada dukaamada cuntada, dukaamada kale, dukaamo gacan labaad. Waxeey leedahay bangiyo, labo maktabad, goob dabaal. Garoomo isboortis, garoon baraf, meelaha ciyaalka ku cayaaraan, darjiiinooyin doog wanaagsan iyo meelo lagu luga baxsado. Waxaa kaloo ku yaal darjiinka Marabou xaruntooda farshaxanka, xarunta hiddaha iyo dhaqanka iyo matxaf. Jaaliyada faras magaalaha Sundbyberg waxuu ka shaqeeyaa si eey degmada u noqon laheyd meel eey dhaqdhaqaaqeeda ganacsi soo jiidasho leedahay.
Guriga degmada waxuu ku yaal jidka Östra Madenvägen 4 ee xaafada Hallonbergen. Waxaa kaloo meesha ku yaal xafiiska adeegga bulshada och dad ka shaqeeya arrimaha dadka qaxootiga. Hallonbergen waxaa laga baran karaa waxbarashada dadka waaweyn ee sfi.
Degmada Sundbyberg waxaa ku yaal xafiiska migareeshinka, xafiiska cashuuraha, xafiiska shaqada ee ugu dhow waxuu ku yaal Solna iyo Stockholm.
Dalyeelka carruurta
Degmada Sundbyberg waxaa ku yaal 40 iskoollada xanaanada carruurta ah ( kuwo dowladeed iyo kuwo gaar looleeyahayba). Mid ka mid ah iskoolladaas waxuu furan yahay habeen iyo maalin waxaana loogu tala galay carruurta eey waalidiintoodu shaqeeyaan habeen iyo maalin.
Waxaa jira xitaa daryeelayaasha caruurta ee maalintii, halkaas oo caruurtu joogaan iyagoo kooxo yar ah deegaan guri oo kale ah.
Bartamaha magaalada waxaa ku yaal xanaanada furan oo ka kooban saddax iskool. Waxaa iskoolladaas imaan kara waalidiinta ciyaalkooda guriga lajooga si eey ula kulmaan waalidiin iyo carruur kale oo eey isku wadci yihinn, isla markaasna ugu qeyb galaan meherado kala duwan.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Degmada waxaa ku yaal labo iyo toban dugsiyada hoosedhexe ah ( kuwo dowladeed iyo kuwo gaar looleeyahayba). Iskoolladaas mid ka mid ah waxaa loogu tala galay carruurta cuuriyaamiinta ah iyo kuwa caqliga dhiman, ardaydaas waxaa lagu siinayaa iskoolkaas caawimaadka dheeraadka ah oo eey u baahan yihiin.
Ardayda dhigata illaa fasalka 3 waxeey iskoolka kadib iyo maalmaha fasaxa ah aadi karaan guriga xilli firaaqaha. Kuwa dhigtana fasalka 4-6 waxaa loo sameeyay guri xilli firaaqeed oo iyaga loogu tala galay.
Sundbyberg waxaa ku yaal afar dugsi sare (kuwo dowladeed iyo kuwo gaar looleeyahayba). Mid ka mid ah iskoolladaas S:t Martins gymnasium, waxaa lagu bartaa farsamada gacanta sida farshaxanka, moodada dharka iyo sameynta naqshadaha. Iskoolka Löfströms gymnasium waxaa loogu tala galay ardayda aan ku baasin maadooyinka laga rabay oo dhan si eey ugu gudbaan waxbarashada dugsiga sare. Iskoolkaas waxuu ardayda baraa si eey shaqo u heli lahaayeen ama ineey bartaan waxbarasho kale.
Furadaha waxbarasho
SFI (barashada iswiidhishka ee qaxootiga) waxaa loogu tala galay qafkii ka weyn 16 sano.
Meesha Centrum för vuxenutbildning waa meel eey dadka waaweyn ka baraan waxbarashada heerka dusiga hoosedhexe iyo dugsiga sare illaa heer jaamacadeed. Waxaa kaloo lagu bartaa farsamada gacanta.
Xarunta waxbarashada (gaarka ah ee dadka waaweyn) waxaa logu tala galay dadka kaalmada dheeraadka u baahan iyo dadka aan iskool hore waligood usoo dhigan rabana ineey aqoontooda kor uqaadaan.
Caafimaadka
Degmada waxaa ku yaal rugag caafimaad, waxaad waqti ka ballansan kartaa dhakhtarka ama waxaad si dhaqsi ah u dalban kartaa in si degdeg ah laguu qaabilo hadaad emerjensi tahay. Degmada waxaa kaloo ku yaal rugta hooyada iyo dhallaanka. Waxaa kaloo ku yaal rugag ilko oo badan.
Caawinaad turjubaan
Degmadu waxeey heshiis la leedahay shirkad turjubaan waxeeyna ka dalbataa turjubaanno marka eey u baahdaan.
Xiriirka gaadiidka
Xiriirka gaadiidka dadweynaha ee degmada Sundbyberg weey wanaagsanyihiin. Waxaa la raaci kartaa tareennada dhulka, tareennada caadiga ah. Waxeey qaadaneysaa 10 daqiiqo inaad u safartid bartamaha Stockholm. Gaadiidyada degmada ka baxa waxeey ku geynayaan meelo kaloo badan.
Degmada waxaa u dhow garoomada diyaaradaha ee Bromma iyo Arlanda. Waxaad u qaadan kartaa baabuur ama gaadiidka dad weynaha.
Shaqo iyo ganacsi
Degmada Sundbyberg waxaa ku yaal goobo shaqo oo badan. Waxaa ka dhisan shirkado gaaraya 4 000 oo isugu jiro kuwo yaryar iyo kuwo waaweyn. Xarunta Nyföretagarcentrum waxaad ka heleysaa kaalmo dhinaca tala siinta ah haddii aad rabtid inaad shirkad furatid. Waxaa talo lagaa siinaa sida aad umaal gashan laheyd iyo ganacsiga aad rabtid sida uu yahay.
Degmada ganacsigeeda iyo shirkadaha
1 800 qof ayaa xarumaha degmada ka shaqeysa. Intaas kasokoow waxeey degmada rabtaa ineey dad kale sii shaqaaleeysiiso maadaama eey dad badan usoo guurayaan Sundbyberg si adeeg bulsho oo tayo leh loo siiyo dadka degmada degan oo dhan. waxaa jira shaqooyin bannaan oo laga raadsan karo iskoollada xanaanada carruurta iyo rugta daryeelka waayeelka.