Tierp
Degmada Tierps waxa ku yaala toolooyin kalumeysi, muuqaal qurux badan, qasri, guryo waaweyn oo beero leh. Waa meel u dhaw xeebta iyo bada iyo maagaalooyinka waaweyn ee Gävle, Uppsala iyo Stockholm. Tierps waxa kale oo ay u dhawdahay garoonka diyaaradaha ee Arlanda. Degmada waxaa degan qiyaasti 20 000 oo qofood Tierps, Örbyhus, Söderfors och Skärplinge ama miyiga.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
21136
Cabirla dhulka
2578 kiilomitir oo laba jibaaran
Deegaan
Degmada Tierps malahan xafiiska xariirka guryaha. Kaligaa waa in aad raadsato guri. Waad kiraysan kartaa ama gadan kartaa guri. Degmada Tierps waxay leedahay shirkad guryo soo lagu magacaabo Tierpsbyggen.
Waxaad ka helaysaa dhamaan gurya kireeyayaasha Tierps websidka degmada.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Degmada luqadaha ugu badan, marki laga reebo iswiidhishka waa af soomaaliga, af tigreega, af carabiga iyo af iiraaniga.
Jaaliyado iyo ururu
Degmada waxa ay leedahay meelo badan oo ay dadku ku kulmaan. Waxa kale oo ay leedahay jaaliyado. Websidka degmada waxa aad ka heli kartaa liis oo ay ku yaalaan jaaliyadaha firfircoon ee Tierps.
Maxaa ka ag dhaw
Degmada Tierps waxaa jira meelo badan oo ay ka jiraab adeega aasaasiga ah. Tierp waxaa ku yaala dukaamo badan oo lakala dooran karo, farmashiye, daryeel caafimaad, maqaayado iyo xafiis adeeg. Hadii aanad helin waxa aad raadinayso waxaad si deg deg le huga heli kartaa Uppsala ama Gävle meesha uu adeegu ka balaaranyahay.
Dalyeelka carruurta
Xanaanada carruurta waxaa luugu tala galay carruurta u dhaxayso da'dooda 1 ilaa 5 sano. Degmada Tierps waxaa ku yaala 17 xanaanada carruurta Tierps, Kyrkbyn, Mehedeby, Månkarbo, Söderfors, Tobo, Vendel iyo Örbyhus iyo Edvalla/Hållnäs, Karlholm iyo Skärplinge.
Daryeelka qoyska waxay carruurta ku haayaan gurigooda. Daryeelka qoyska waxa uu ku yaalaa Skärplinge iyo Karlholm, Kyrkbyn, Mehedeby, Tierp, Vendel iyo Örbyhus.
Xanaanada furan ee Björkgården waxaa taga waalidiinta iyo carruurta da'dooda u dhaxayso 0 ilaa iyo 6 sano.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Sharciga iswiidhishka waxa uu dhigaaya in carruurta wadanka iswiidhin joogta oo da'dooda u dhaxaysa 7 iyo 16 in ay iskool aa daan. Waxayna dhigtaan dugsiga hoose dhexe kaas oo ah laga bilaabo fasalka 1 ilaa iyo fasalka 9. Carruurta badana waxa ay bilaabaan marki ay jiraan todobo sano, lakin waxa kale ay bilaabi karaan marki ay jiraan lix sano waxayna dhigtaan xanaanada.
Degmada Tierps waxaa ku yaala 11 dugsi hoosedhexe oo ku kala yaala 10 ka magaalo oo ayy degmadu ka tirsantahay.
Degmada Tierps waxa ku yaala hal dugsi sare oo lagu magacaabo Högbergsskolan oo ku yaala magalada Tierps.
Furadaha waxbarasho
Luqada iswiidhishka ee ajnabiga (sfi) waa loo dhiga dadka waaweyn ee ajnabiga ah si ay u bartaan aasaaska luqada iswiidhidhka.
Waxaa jira waxbarashooyin badan ee dadka waaweyn ee degmada, 40 daqiiqo oo kaliya ayeey degmada u jirtaa jaamacada Uppsala.
Halkan waxaad ka akhrisan kartaa dheeraad ku saabsan:
Caafimaadka
Tierp waxa ku yaala xarunta caafimaadka ee Tierps. Waxa kale oo ku yaala xarunta daryeelka carruurta, xarunta bakaanka deg degka lagu qaabilo, dhaqtarka cilmu nafsiga, dhaqtar iyo kalkaaliyayaal.
Caawinaad turjubaan
Hadii uu qofka ku hadlaynin ama uusan fahmaynin iswiidhishka waxa uu xaq u leeyahay turjubaan.
Warbixin intaa dhaafsiisan kala xiriir edeega wadaniga ee degmada Tierps.
Xiriirka gaadiidka
Degmada Tierps waxa ay u dhawdahay Stockholm, Arlanda, Uppsala iyo Gävle. Xiriirka gaadiidga ee Uppland waxaa xakuma basaska gobolka Uppsala.
Tariinka meesha laga raaco waxa ay ku taala magaalada Tierps dhexdeeda. Tariinada dhaadheer waxa ay ka yimaadaan woqooyiga waxay kasoo baxaan Gävle iyo kuwa koonfurtana waxa ay kasoo baxaan Uppsala, Arlanda iyo Stockholm.
Tariinka gobolka waxaad u raaci kartaa ilaa iyo Gävle xaga woqooyo iyo ilaa Uppsala xaga koonfur.
Tariika waxa uu tagaa ilaa iyo garoonka diyaaradaha ee Arlanda.
Shaqo iyo ganacsi
Tierp waxaa ku yaala shikado waaweyn iyo kuwa badan oo yar yar. Tusaalo ahaan shirkadaha yaryar waxaa ka mid ah Atlas Copco, Munters iyo Erasteel. Xiriirkaga wanaagsan waxa uu kuugu dhawyahay shaqada.
Degmada Tierps waxaad ka helaysaa caawinaad hadii aad doonayso in aad shirkad samaysato. Adeega wadeniga ee degmada ayaa kuu shegaya qofki aad la xiriiri lahayd oo ku caawin lahaa, degmada ama xafiisyada dowlada.