Filipstad
Filipstad waxeey lee dahay soo jiidashada degmadyooinka yar, waxeeyna soo bandhigeeysaa fursado weeyn. Halkaan waxaad ka heleeysaa guriyaal aad ka heleeysid qabkood, waxbarsho heerkasto ah iyo shirkadeeyn leh jawi horay uu socdo. Waxaa kuu dhow shaqo, iskuul, hoowlooyinka xilliga fiirqada iyo dabiicada. Waxaa sii dheer soo bandhigid dhaqameed iyo munasabadooyinka oo leh heer fiican.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
10606
Cabirla dhulka
1712 kiilomitir oo laba jibaaran
Deegaan
Miyaad guri ka raadinaysaa Filipstad? Dhanka shirkada guryaha ee Filipstadbostäder waxaad ka helaysaa guryaha banaan. Bogga intarnatka ee degmada waxaa ku jira xitaa shirkadaha guryaha kale iyo dilaaliinta guryaha iibiya.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Gudaha Degmada Filipstad waxaa ku matalan koox-luuqadeed badan oo kala duwan, waxaa ka mid ah af soomaali, af suuriyaan, afka hooland iyo kuwo kale.
Jaaliyado iyo ururu
Degmada baaxadeed waxaa ku dhexyaalo in ku filan oo goob isboorti iyo jimicsi, tusaale ahaan goobta hawo-qaadashada ee Kallhyttans oo ka mid ah meesha ugu casiyeeysan iswiidhan ee xagga goobooyinka leh barafka sanceeysan iyo jid-socod oo ku dhexyaalo bey'ad dabiicad qurxoon.
Maxaa ka ag dhaw
Gudaha degmada Filipstad waxaa ku yaalo dukaamo cunto, suuq ganacsi, maqaayado leh cunto iswiidhish ama cunto kale oo ka socoto dhaqamo kala duwan, biibito, dukaamo dhar iyo dukaamo gacan-labaad. Sido kale halkaan waxaa ku taalo maktabad, xafiiska shaqada, farmashiye iyo dukaamo kala duwan.
Dalyeelka carruurta
Xanaanada caruurta iyo xananada maalmeedka ee reereed waxaa loo soo bandhigaa canugaada hadii aad shaqeeyso, waxbarato, shaqo raadineeyso, ku jirto fasaxa waalidka ama haddii uu canuga lee yahay baahi gaar ah.
Dugsiga heese dhexe iyo sare
Sideeda dugsiyaasha hoose ee degmada Filipstad, waxeey dhamaantood uu shaqeeyan sida ugu wanaagsan oo loogu gaaro natiijo fiican ayadoo la fiirinaayo awooda gaarka ah. Sido kale halkaan waxaa ku yaalo dugsi sare.
Furadaha waxbarasho
Halkaan waxaa ku taalo Xarun-waxbarasho oo lagu dhigan karo waxbarasho jaamacadeed oo kala duwan iyo waxbarasho-masafadeed. Sido kale waxaa halkaan laga helaa barashada iswiidhiska soo galooytiga, sfi, iyo waxbarashada dadka waa weeyn. Degmada Filipstad waxaa ku taalo labo jaamacad – Dugsiga Bergs iyo dugsiga Gammelkroppa skogs.
Caafimaadka
Filipstad waxaa ku taalo labo rug caafimaad iyo hal xarun-reered, oo waxa ku yaalo waxa ka mid ah rugta caafimaadka caruurta iyo qaabilaad dhalinyaro. Sido kale degmada waxaa ku dhexyaalo dhowr qeeybo lagu daryeelo ilkaha.
Caawinaad turjubaan
Markii loo baahdo turjumaan waa la adeegsadaa.
Xiriirka gaadiidka
Basaska jaalaha ee Värmlandstrafik ayaa kuugu dhex wadaayo gudaha degmada iyo qeeybaha kale ee Värmland.
Shaqo iyo ganacsi
Degmada Filipstad waa shaqo dhiibaha ugu weeyn, ayadoo leh ku dhawaad 1 100 shaqaale oo joogta ah, shaqaalaha waxeey ka shaqeeyaan shaqooyin badan oo kala duwan. Halkaan waxaa ku yaalo warshado weeyn, sidii Barilla iyo OLW.