Forshaga

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 30/11-2022

Degmada Forshaga waxaa degan 11 300 oo qof oo qiimeeynaa micanaha nolosha ee fudud. Waxaan ku nabad qabnaa Deje, Forshaga iyo Olsäter, sido kalena waxaan si fiican uga nolnahay dabiicada värmland ee baadiyaha.

Kommunens logotype

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

11488

Cabirla dhulka

397 kiilomitir oo laba jibaaran

Ku soo dhawaaw degmada caruurta ee gudaha Värmland! Dhawanaanshaha waxeey noo keeyneeysaa fursado. Jawiga magaalada ama xasiloonida dabiicada? Halkaan labada nuuc ee bey'adeed waa heeynaa.

Deegaan

Guri maa ka raadineeysoo Forshaga? Shirkadeena guriyeed ee degmadeed FABO waxeey kireeysaa guriyaal fiican. Boggena internetka waxaan ku soo koobnay warbixin ku saabsan goobaheena-degaamo, waxaana halkaas ku jiro oo kale liiska kireeyaasha guriyada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada waxaa looga hadla ugu yaraan tobadanaan luuqado, waxaa ka mid ah carabi, afka iraan, afka burmo , tigrinya iyo af soomaali.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Forsahaga waxeey taajir ka tahay jawiga urureed ayadoo leh in ka badan 100 urur oo ka howl galo isboortiga, dhaqamada iyo in kale. Badankoodna waxeey lee yihiin hoowlo caruured iyo dhalinyaro. Diiwaanka-ururada waxaad ka raadin kartaa urur gaar ah, waxaana ka heli kartaa oo kale warbixin ku saabsan ururada oo ka howl galo meelo gaar ah.

Maxaa ka ag dhaw

Halkaan waxaa ku taalo labo maktabad (Forshaga iyo Deje), Guriga-Dhaqanka, Guriga dadweeynaha, xafiiska bulshada, goobta xilliga firaaqada, goobta isboortiga, goota jimicsiga, goobta barafeedka, janiinada ciyaarta alwaax raacida, buur barafeed, jid leh iftiin , goobo dabaal iyo xarunta dib isticmaalida.

Sido kale halkaan waxeey lee dahay qaabilaad-qaxooti, xarunta reerka, xafiiska shaqada, Kupan ee lee dahay laanta cas (goob-kulan, jiheeyaal-qaxooti iyo dukaamo gacan labaad gado), kaniisado, dukaamo raashin, banki, biibito, timo-jarayaal iyo boosteejo-bensin iyo in kale. IKEA, xarunta iibka iyo dukaamada gacan labaadka (Gengåvan, Myrorna, Solareturen). Waxeey ku yaaliin Karlstad.

Dalyeelka carruurta

Dugsiyaal xanaano, guriga maalmeedka reereed iyo guriga xilliga firaaqada waxeey ku yaalo meelo kala duwan ee ka tirsan degmada, waxaana la soo bandhigaa laga bilaabo maalinta uu canuga gaaro hal sano haddii aad shaqeeyso aa tahay shaqo dhiibe ama shaqeeyneeyso. Xarunta-reerka waxeey lee dahay oo kale xanaanad furan iyo biibito-caruur.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Forshaga waxeey lee dahay shan dugsiyaal hoose ee degmadeed, halkaasi ee labo ka mid ah yihiin dugsiyaal leh fasalada dhexe. Adiga oo waalid ah si wadajir ah adiga iyo canuugada waxaad xaq uu lee dihiin in aad doorataan dugsi hoose oo aad adiga uu aragto in uu haboonyahay danta canugaada.

Forshaga kuma yaalo dugsi sare oo ee degmada kala wado. Waxaa ku yaalo dugsi sare oo madaxbannan, ForshagaAkademin oo leh afar jiho oo waxbarasho. Ardayda dugsi sare ee degmada badankooda waxeey tagaan dugsiyaal sare oo kala duwan kuwadana yaalo Värmland.

Furadaha waxbarasho

Waxbarshada dadka waa weeyn ee degmadeed ee gudaha Forshaga waxaad ka akhrisan kartaa waxbarsho heer hoose iyo dugsi sare iyo waxbarsho shaqo iyo waxbarshada iswiidhiska loogu tala gala ya ajnabiga (sfi).

Waxbarshada sare ee shaqadeed (YH) waa hab waxbarsho ee ku xigo heer dugsi sare. Akhris iyo shaqeeyn ayaa la isku dhex wadaa, waxbarashadana waxeey lee dahay jiheeyn shaqo dhanka dimirka-bulshadeed. Sido kalena agagaarka waxaa ku taalo jaamacad, jaamacada Karlstad.

Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn oo ku qoran:

Caafimaadka

Degmada waxaa ku taalo rug caafimaad, rugta caafimadka caruurta iyo hooyoyinka, daryeelka ilkaha ee dad weeynaha iyo farmashiye. Daryeelka waxaa lagala xariir 1177-jiheeynta daryeelka.

Caawinaad turjubaan

Caawinaad-turjumaan waxaad ka heli kartaa ayadoo la adeegsanaayo xafiiska-turjumaanada Karlstad. Halkaas waxaa ka diiwaangalsan 205 turjumaan oo kuligood wada yaqaano 135 luuqad.

Xiriirka gaadiidka

Gaadiidka-Värmland waxuu degmada ka wadaa basas badan. Haddii aad meelo kala duwan usii baxeeyso waxaa jiro fursado fiican ee baseed iyo tareen ama dulimaad ka baxaayo Goobta-duulimaadka Karlstad.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada waxeey lee dahay shirkado badan oo yar iyo kuwo dhexdhexaad ah oo ka wada hoowl galo la'amo badan. In badan oo ka mid ah waxeey ku wada jiraan farsamada-ilkaha iyo daryeelka iyo baxnaaninta dhalinyarada. Degmada Forshaga waa shaqo dhiibaha ugu weeyn, shirkada madaxbanaan ee ugu weeyna waa shirkada Stora Enso. Dad badan oo degan Forshaga waxeey ka shaqeeyaan degmooyinka hareero gaar ahaan Karlstad.