Nordmaling

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 30/11-2022

Degmada Nordmaling waxey u dhexeysaa magaalooyinka Umeå iyo Örnsköldsvik. Nordmaling waa degmo ammaankeedu fiicanyahay waxaana ka jira jaaliyado badan oo firfircon, waxaa jira jaaliyado ku howlan isboortis iyo nolol dhaqameed, waxaa kaloo degmada ka jira urur deemeedyo kala duwan.

Kommunens logotype

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

7110

Cabirla dhulka

2509 kiilomitir oo laba jibaaran

Degmadu waxeey adeega bulshada oo dhan sida daryeelka carruurta, rug caafimaad, dukaamo cunto iyo dhar, maktabad. Jidadka soo gala degmada oo fiican aawgeed iyo wadada Botniabanan ayaa waxeey sababeen in magaalada eey ka baxaan basas iyo tareenno labadaba. Waxyaabaha kale oo eey degmadu dadka kusoo jiidato waxaa ka mid ah jawiggeeda oo macaan iyo badda iyo keymaha oo udhow.

Deegaan

Degmada Nordmaling waxaa ku yaal shirkado badan oo guryaha kireeya. Shirkadda ugu weyn waa tan degmada oo magaceeda la yiraahdo Nordmalingshus waxeeyna guryo ku leedahay xaafadaha kala duwan ee degmada oo dhan. Waxaa kaloo jira shikado gaar loo leeyahay iyo dillaalyo guryaha iibiya. Sida loola xiriiro waxaad ka heleysaa degmada boggeeda internetka.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Nordmaling waxaa degan waddamo kala duwan kasoo jeeda. Luqadaha ugu waaweyn marka laga reebo iswiidhishka iyo ingiriiska waa tigree, daari iyo carabi.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Nordmaling waxaa ka jira illaa 80 jaaliyadood. Waxaa ka jira jaaliyado ku howlan isboortiska kala duwan sida kubadda cagta, ciyaarta xeegada barafka, farda fuulka, kubadda gacanta, ciyaarta jiheynta iyo ciyaarta ulaha barafka lagu socdo. Degmada waxaa kaloo ka jira jaaliyado ku howlan hiddaha iyo dhaqanka sida tiyaatarka iyo muusikada, fanka iyo soo bandhigidda farshaxanka. Degmada Nordmaling waxaa ku yaal uruo diimeed kala duwan sida kaniisada pingstkyrkan, baptisterna, Svenska kyrkan, missionskyrkan iyo EFS.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Nordmaling waxaad ka heleysaa adeega bulshada asaasiga ah oo dhan. Waxaa ku yaal dukaamo cunto iyo kuwo dhar iyo kabo. Hadaad rabtid inaad gadatid alaab rakhiis ah waxaa jira goobo lagu iibiyo alaabaha duugga ah sida Repahusets loppis. Iskoolka iyo meesha lagu dabbaasho waxeey isku meel ku yaallaan maktabadda.

Dalyeelka carruurta

Degmada Nordmaling waxaa ku yaal 10 xanaanada carruurta ah waxeeyna ku yaallaan xaafadaha Nordmaling, Rundvik, Lögdeå, Håknäs, Nyåker iyo Gräsmyr ardayda loogu tala galayna waa kuwa da'doodu tahay 1-5 sano. Waxaa kaloo jira xanaanada carruurta furan oo loogu tala galay in waalidiinta eey carruurtooda ku heystaan kulana kulmaan waalidiin iyo carruur kale waana lacag la'aan. Waxaa kaloo degmada ka jira guriga xanaanada carruurta oo loogu tala galay in carruurta meel jawiga guriga oo kale ah lagu xanaaneeyo.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmadu waxay bixisaa dugsi hoose dhexe waxay siisa ardaysa dhigata ilaa iyo fasalka sagaalaad. Websidka degmada waxaad ka heli kartaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dugsiga hoose dhexe iyo xataa fursado ilaa iyo waxbarashada dugsiga sare.

Furadaha waxbarasho

Degmada Nordmaling waxaad ka baran kartaa waxbarashada dadka waaweyn ee sfi (iswiidhishka dadka qaxootiga eey bartaan) waxbarasho heer dugsi hoose-dhexe ama sare ah oo dadka waaweyn loogu tala galay iyo weliba waxbarasho gaar ah ee dadka waaweyn.

Caafimaadka

Degmada Nordmaling waxaa ku yaal rug caafimaad oo dadka degmada siineysa daryeelka iyo daawada eey u baahan yihiin. Waxaa ka shaqeeya xarunta, dhakhaatiir, kalkaalisooyin, kalkaaliyaha masaajada iyo duugniinka jirka iyo kalkaaliyaha dadka ka caawiya dhaqdhaqaaqa xubnaha. Bartamaha degmada Nordmaling waxaa ku yaal rugta ilkaha. Isku guri waxaa ku yaal xafiiska daryeelka qoyska iyo rugta caafimaadka dhallaanka iyo umulisada. Isbitaalka ugu dhow waxuu ku yaal magaalada Umeå.

Caawinaad turjubaan

Markaad ka kulmeeysid xafiisyada dowladda sida kuwa degmada Nordmaling waxaa laguu diyaarinayaa turjubaan. Sida caadiga ah turjubaanku waxuu kaaga turjumaa dhinaca taleefanka.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Nordmaling waxey u dhexeysaa magaalooyinka Umeå iyo Örnsköldsvik. Waxeey degmada leedahay tareen isteeshin eey kabaxaan basas iyo tareenno labada waxeyna ukala gooshaan koofur iyo waqooyi marar badan maalin walba. Waxaa kaloo jira basas aada xaafadaha ku yaalla degmada bannaankeeda. Weey in bas ama tareen laga raaco degmada Nordmaling loona qaato magaalooyinka Umeå iyo Örnsköldsvik. Warbixin dheeraada oo ku saabsan basaska iyo tareeennada booqo bogga internetka ee Tabussen.nu.

Shaqo iyo ganacsi

Howlaha ganacsiga degmada Nordmaling waxeey ku saleeysanyihiin shirkado yaryar oo badan iyo shirkado waaweyn oo aan saas u badneyn. Shaqa bixiyaha ugu weyn ee degmada waa isla degmada oo shaqaaleeysiiso 800. Shirkadaha ugu waaweyn ee degmada waa warshadaha waxsoosaarka sida Olofsfors AB, Masonite Beams iyo kuwa gaadiidka alaabta lagu raro. Maadaama eey degmada Nordmaling u dhaxeeyso Umeå iyo Örnsköldsvik weey fududahay inaad shaqo u raadiso labadaas magaalo.

Hadaad rabtid inaad shirkad furatid la xiriir degmada qeeybteeda u xilsaaran kor u qaadidda ganacsiga kuwaasoo caawimaad iyo talo siiya dadka raba ineey shirkado furtaan.