Kramfors
Gudaha Kramfors – oo ay ku jirto Ådalen iyo meesha taariikhiga ee xeebta Höga kusten – waxaa ka jira fursadaha in lagu joogo amaan iyo u dhowaansho nolol fiican. Magaalada Kramfors oo ay ku jiraan deegaanada yar ya ee ku hareersan ee muhiimka ah waxaa laga helaa deegaan dabiici ah oo qurxoon kuna dherersan webiga yar ee Ångermanälven oo gaara xeebta iyo duurka.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
18353
Cabirla dhulka
2891 kiilomitir oo laba jibaaran
Deegaan
Degmada Kramfors waxaa laga helaa guryo noocyo kala duwan ah iyo fursada in la helo guri u dhow xeebta ama webiga yar ee Ångermanälven. Markay noqoto guryaha la kireysto, fiilo gaar ah ama dhismayaasha wakhti firaaqaha labadaba waxaa laga helayaa doorashooyin qiimahoodu fiicanyahay.
Boggayaga intarnatka ayay ku jiraan macluumaadka iyo meesha lala xiriirayo. Waxa kale oo aad booqan kartaa Välkommen hit, hagahayaga dijitaalka u soo guurida kaas oo ku siinaya macluumaad. Halkaas ayaad ka helaysaa xitaa macluumaadka ku saabsan guryaha, qiimaha kirada, guri kireeyayaasha, masaafada safarka, iskoolada iyo waxyaabo kale.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Kooxaha luuqadaha ugu weyn gudaha degmadan waa Carabida, Tigrinya, Faarsi/Daari iyo Soomaali. Waxaa kuwaas dheer inay jiraan ilaa shan iyo tobaneeyo kale oo kooxo luuqadeed ah oo ka jira degmadayada.
Jaaliyado iyo ururu
In ka badan soddon ah goobaha dabiiciga ah oo fiican ayaa laga helaa degmadayada. Dhankayaga waxaa laga helaa fursado fiican dhanka dhaq-dhaqaaqa jirka, tababar iyo nolol waxyaabaha banaanka lagu sameeyo oo kala duwan sanadkii oo dhan.
Waxaanu leenahay hoolal dabaal iyo meelo lagu dabaasho, hoolasha barafka, isboortiga iyo baawlinka, jidadka barafka lagu ciyaaro iyo buuro yar yar oo barafka lagu ciyaaro. Waxaa intaas dheer inay jiraan in ka badan 300 urur oo lagugu soo dhaweynayo inaad xubin ka noqoto. Ururada isboortiga, ururada sida tusaale ahaan kaluumeysiga, isboortiga baabuurta, daansiga, dhaqanka, farshaxanka, siyaasada iyo heesaha koox ahaan waxay kordhiyaan in la wada lahaado isku duubni iyo wadajir.
Maxaa ka ag dhaw
Bogga intarnatka ee Välkommen hit, hagahayaga dijitaalka u soo guurida, waxaa laga arkayaa waxa laga helo aagaga dhow iyadoo la adeegsanayo khariidad. Halkaas ayaad ka arkaysaa meesha, tusaale ahaan, meelaha basaska lagu sugo, iskoolada, suuqyada, meelaha isboortiga iyo isbitaalka meesha ay ku yaalaan iyadoo la kala dooran karo qaybo kala duwan.
Dalyeelka carruurta
Waxaanu bixinaa hawlaha dusiga xanaanada ee loogu talogalay adigaaga guriga la jooga caruur. Waxaanu leenahay dugsi xanaano iyo hoyga qoyska maalintii looguna talogalay caruurta u dhaxaysa 1 iyo 5 sano. Eeg boggayaga intarnatka si loo helo macluumaad dheeraad ah.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Boggayaga intarnatka waxaad ka helaysaa macluumaad ku saabsan dugsiyada hoose-dhexe iyo waxbarashooyinka dugsiga sare ee ku yaala degmada Kramfors.
Furadaha waxbarasho
Waxbarashooyinka dadka waaweyn ee kala duwan iyo Iswiidhishka loogu talogalay ajnabiga, sfi, ayaa xitaa jira. Boggayaga intarnatka waxaad ka akhrin kartaa dheeraad ku saabsan fursadaha jira.
Caafimaadka
Dhanka Gobolka Västernorrland boggeeda intarnatka waxaad ka akhrin kartaa wixi ku saabsan daryeelka iyo caafimaadka oo ka helaysaa macluumaadka ku saabsan ruggaha caafimaadka iyo daryeelka, isbitaalada, daryeelka ilkaha iyo ruggaha qaabilaada deg-degga.
Caawinaad turjubaan
Degmada Krafmors waxay diyaarin kartaa turjubaanada telafoonka haddii loo baahdo.
Xiriirka gaadiidka
Way sahlantahay in loo safro lagana safro Kramfors dhanka bas, tareen iyo diyaarad. Akhri dheeraad ku saabsan xiriiryada gaadiidka oo ku qoran boggayaga intarnatka.
Shaqo iyo ganacsi
Gudaha degmada Kramfors iyo masaafo loo safri karo waxaa laga helayaa shaqo-bixiyayaal yar iyo kuwa waaweyn labadaba. Boggayaga intarnatka waxaa laga helayaa shaqooyinka ka banaan degmadan iyo macluumaad loogu talogalay adigaaga xiisaynaya inaad bilowdo shirkad gaar kuu ah.