Sollefteå
Degmada Sollefteå waxay ku taalaa Gobolka cimilada wanaagsan ee Ångermanland. Waxaa degmada mara webiyada Ångerman, Fax iyo Fjällsjö. Waxaa degmada degan taqriiban 20000 oo qof, 9000 oo ka mid ah waxay degen yihin Magaalada sellefteå gudaheeda.
Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
19140
Cabirla dhulka
5761 kiilomitir oo laba jibaaran
Deegaan
Waxaad ka helaysaa shirkado badan oo guryaha kireeya. Ka akhriso wixii faahfaahin ah bogga internetka.
Liistada guri-kireeyayaasha
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Degmada waxaa jira dhaqamo iyo luqado kala duwan. Sellefteå waa degamada ugu badan wadabka Iswiidhan dhinaca qaabilaada qaxootiga.Waxaad ka heleysa luqadaha carabi, taylandiis, tigringa, soomali, iiraani iwm.
Jaaliyado iyo ururu
Sollefteå waa magaalo aad xiisaheedu u sarayso xaga jaaliyadaha, waxaadna ka heleyso jaaliyado badan oo kala duwan.
Maxaa ka ag dhaw
Sollefteå wax badan ayaa u dhow. Dukaamo soo dhoweyn heer sare ah leh ayaa ku yaala tuuloyinka Ramsele, Junsale, Näsåker, Långsele och Sollefteå. Sollefteå waxaadna ka heleysa dukaamo ibiiya alaabta gacan labaadka ah oo aad ka iibsan kartid sida dharka, alaabta guryaha oo aad ku heleysa qiimo jaban.
Dalyeelka carruurta
Sellefteå waxaad ka heleysa 12 skool oo ah xanaanada caruurta; Prästbordet, Rödsta, Junsele, Ramsele, Långsele, Skedom, Kalknäs, Lilänget, Näsåker, Resele, Helgum iyo Öhn.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Sollefteå waxaad ka heleysa 13 skool oo ah hoose-dhexe; Prästbordet, Rödsta, Valla, Junsele, Ramsele, Långsele, Nipanskolan, Kalknäs, Lillänget, Näsåker, Resele, Helgum iyo Öhn. Skoolka sare ee Sellefteå waxaa la dhahaa Gudlav Bilderskolan.
Furadaha waxbarasho
Reveljen waxaa la yidhaahdaa Rugta waxbarashada ee Sollefteå. Halkan waxaad ka heleysaa maadooyin heer jaamacadeed ha madooyon dhinaca xirfadaha kala duwan ah waxaa intaas sii dheer waxbarasho loogu tala galay dadka waaweyn.
Caafimaadka
Isbitaalka Sollefteå waa isbitaal buuxa oo qaabilaada deg-degga leh. Isbitaalkan waxaa yaala qalab casri ah markay noqoto qalabka farsamada casriga ah iyo shaqaale xarfaan ah labadaba. Dhanka Gobolka Västernorrland boggeeda intarnatka waxaad ka helaysaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan ruggaha caafimaadka iyo goobaha daryeelka ee kale ee kuu dhow.
Caawinaad turjubaan
Is fahanku qof walba muhiim ayuu u yahay. Marka in laga caawiyo dadka qaxootiga ah turjubaanimada aad ayeey degmadu muhiim ugu tahay. Hadii aanad garanayn luqada iswiidhishka xaq baad u leedahay turjumaan luqadaada ku hadlaya. Turjumaanku waa bilaash. U sheeg qofka aad la kulmaysid hadii aad u baahantahay turjumaan, markaa waa laguu raadinaya kulanka ka hor.
Xiriirka gaadiidka
Madaarka Höga kusten wuxuu u jiraa 20 daqiiqo Sollefteå. Tuulooyinka waxaa intooda badan ka baxa basas iyo gaadiid, waxaana ka masuul ah DinTur. Tareen waxaad ku aadi karta Kramfors C, halkaasna ku bedeleysa bas soo aadaya Sollefteå.
Shaqo iyo ganacsi
Sollefteå waxaa ku yaalla shirkado badan oo waaweyn sida:
- Degmada Sollefteå
- Gobolka Västernorrland
- E.ON
- Svenskt Linjebesiktning AB
- Haglöf Sweden AB
- TT ThermoTech Scandinavia AB
- Gjersvold Trädgård & Mark AB
- Själanders Åkeri AB
- Hedströms Virkestransporter AB
- Statkraft AB