Norberg
Degmada Norberg waa degmo caan ku ah buuraha qodida macdanta, waxeeyna ka mid tahay degmooyinka ugu qadiimsan ee laga soo saaro macdanta ee wadanka Iswiidhan. Degmadu waxeey ka koobantahay xaafadaha kala ah Norberg oo eey ku taal Kärrgruvan iyo Karlbenning. Waxaa kaloo jira tuulooyin yaryar oo ku yaal degmada bannaankeeda.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
5715
Cabirla dhulka
448 kiilomitir oo laba jibaaran
Degmada Norberg waxeey ku taal waqooyiga gobolka Västmanland waxeeyna xiriir la leedahay magaalooyinka Fagersta, Sala iyo Dalarna (Smedjebacken, Hedemora iyo Avesta). Deegaanka waxuu inta badan ka koobanyahay keymo iyo dhulbeereed waxaa kaloo ku badan balliyada. Boqolkiiba 80% waxeey dadka degmada degen yihiin bartamaha degmada.
Deegaan
Degmada waxaad ka heleysaa guryo kiro oo aad ka kireysan kartid shirkadda guryaha ee degmada iyo shirkadaha baraayfatka ah. Warbixin dheeraada oo ku saabsan sida guryaha la kireysto waxaad ka heli kartaa degmada Norberg boggeeda internetka ah.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Norberg waxaa looga hadlaa luqadda iswiidhishka marka laga reebo luqadaha carabiga, tigreega, af-soomaaliga, daariga iyo kawa kale. Luqadaha looga hadlo degmada waxeey ku xirantahay hadba dadlka eey u dhasheen dadka qaxootiga ah ee usoo guuro ama ka guura degmada.
Jaaliyado iyo ururu
Degmada Norberg waxeey caan ku tahay jaaliyadaha badan. Jaaliyadaha kala duwan waxey kala yihiin kuwa farshaxanka, isboortiska iyo kuwa kaloo badan. Waxaa kaloo jira jaaliyado isboortis oo dhalinyarada loogu tala galay sida kuwa kubadda cagta, cayaaraha ku orodka ulaha barafka iyo baaskiil wadida. Warbixin dheeraada oo ku saabsan jaaliyadaha ka hirgalsan Norberg waxaad ka heli kartaa degmada boggeeda internetka ah.
Maxaa ka ag dhaw
Degmada Norberg waxaa ku yaal farmashiiyihii, bangiyo, maktabad, rug caafimaad, dhakhtarka ilkaha, 2 dukaamada cuntada oo waaweyn, dukaanka iibiya alaabta lagu cayaaro, tima jare, dhakhtarka xoolaha, dukaan macmacaanka oo caan ah lana dhaho Elsa Andersons Konditori iyo biibito kale, dukaaan gacan labaad iyo makhaayado. Dukaaanka Ikea waxuu ku yaal magaalada dariska ah ee Västerås. Dukaanka JYSK la dhahana oo dukaan alaabta guriga lagu gado ah waxuu ku yaal degmada Avesta. Xafiiska shaqada, xafiiska ceymiska iyo xafiiska cashuuraha waxeey kuwada yaallaan degmada Fagersta.
Dalyeelka carruurta
Degmada Norberg waxeey leedahay shan dugsiyada xanaanada carruurta ah oo eey dowladdu leedahay iyo mid kuwa gaarka loo leeyahay ah. Warbixin dheeraada oo ku saabsan iskoollada oo dhan ka akhriso degmada boggeeda internetka ah. Waxaa kaloo jira dugsi xanaaneed ufuran waalidiinta iyo carruurtooda, waxuuna wada shaqeyn eey ka dhexeysaa kaniisada Svenska Kyrkan.
Barnaamijyo loogu tala galay carruurta eey da'doodu weyntahay waxaa lagu maaweeliyaa Unkan.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Degmada Norberg waxeey leedahay dugsiyada hoosedhexe 1-9. Dugsi sare iyo sfi waxeey ku yaallaan Fagersta.
Furadaha waxbarasho
Dugsiyada waxbarashada ee dadka waaweyn waxeey degmada wada shaqeyn kala leedahay degmooyinka Fagersta iyo Skinnskatteberg.
Caafimaadka
Rugta caafimaadka iyo iyo rugta ilkaha waxeey ku yaallaan bartamaha Norberg. Waxaa kaloo isla meeshaas ku yaal rugta daryeelka hooyada, rugta daryeelka carruurta iyo rugta daryeelka qoyska "Lärkan".
Caawinaad turjubaan
Degmada waxeey turjubaan kaaga dalbeysaa xafiiska adeegga turjubaannimo ee gobolka Västmanland.
Xiriirka gaadiidka
Warbixin dheeraada oo ku saabsan basaska ama tareennada maro degmada waxaad ka heli kartaa gobolka Västmanland xafiiskeeda u qaabilsan gaadiidyada safarka.
Shaqo iyo ganacsi
Shaqooyinka bannaan isla markaasna looga baahanyahay degmada waxaad ka heli kartaa bogga xafiiska shaqada uusoo dhigo shaqooyinka bannaan.