Åmål
Åmål waxuu ku taala Dalsland halkaasi uu Vänern uu tagaayo ilaa ku dhawaad bartamaha magaalada, dadka-gäst waxeey uu dhawdahay goobta suuqa. 48 degmo iyo Åmål waxeey isku noqonayaan gobolka Västra Götaland.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
12699
Cabirla dhulka
481 kiilomitir oo laba jibaaran
Åmål waxeey ku taala qeeybta waqooyiga ee dalka, waxeeyna xadka halkaas uga saaran tahay Värmland. Degmada Åmål waxaa la sameeyay 1 janaayo 1971 ayadoo ka soo baxday isku taga magaalada Åmål iyo degmada Tössbo. Åmål waxeey magaalo noqotay isla 1643:dii markii boqorada Kristina 1 abriil saxiixday waraaqda dheefka. Xaafadaha kale ee degmada waa markii la weeyninki laga bilaabo Fengersfors, Tösse-Tydje, Fröskog, Ånimskog, Mo och Edsleskog.
Deegaan
Maamulaha guriyaasha ugu weeyn waa shirkada guriyaasha ee Åmål kommunfastigheter, ÅKAB. Shirkada waxeey soo bandhigeeysaa gruiyaal ku yaalo jawi bartamed iyo jawi baadiyeed.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Degmada Åmål waxaad ka heleeysaa koox-luuqadeedkaan soo socdo: afka alabaaniya, af carabi, afka serbokroshiya, afka finishka, afka fransiiska, af iraan, afka ruushka, af soomali, afka isbaaniya, afka iswiidhishka iyo afka turkiga.
Jaaliyado iyo ururu
Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan ururada firfircoon dhamaantood bogga degmada Åmål.
Maxaa ka ag dhaw
Bartamaha Åmål waxaa ku yaalo xariirka Åmål oo aad halkaasi kula xariiri karto qasnada ceeymiska, xafiiska shaqada iyo hoowlaha bartamaha shaqada ee degmadeed.
Bartamaha magaalada ee Åmål waxaad ka heleeysaa dukaamo-cunto, dukaamo dhar, maqaayado iyo biibitoyaal.
Bartamaha Åmål waxaad ka heleeysaa maktabada-magaalada. Haddii aad dooneeysoo in aad ka gadato alaab grui iyo alaab kale oo gacan labaad ku soo dhawaaw qeeybta suuq galinta si aad uu fiiriso haddii aad ka hesho wac ku anfaco oo sicirkoodu jaban yahay.
Dalyeelka carruurta
Degmada Åmål waxeey soo bandhigeysaa xanaaneeyn waxbarasho, xanaano furan iyo dugsi xanaano. Ka akhriso in dheeraad ah, ka helna habka loo xariiro iskuulada oo dhan bogga degmada.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Degmada Åmål waxaad ka heleeysaa 4 dugsiyaal hoose oo degmadeed iyo labo dugsi madaxbanaan oo waxbaro ilaa fasalka 6:aad. Waxaan lee nahay dugsi leh fasalada dhexe ee 7-9 iyo dugsi sare oo leh goobo casri ah iyo barnaamijyo badan.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Furadaha waxbarasho
Waxbarashada dadka waa weeyn ee degmada Åmål oo lagu qabto isla goobta dugsi sare ee degmada waxeey soo bandhigeeysaa tageerada diwaangalinta iyo jiheeynta doorashada waxbarashada. Isla goobta ayaa lagu soo bandhiga waxbarashada ee iswiidhishka loogu tala galay ajnabiga. Waxbarashada dadka waa weeyn waxaa lagu soo bandhigaa oo kale "Högskola på hemmaplan" halkaasi oo aad ku dhigan karta waxbarasho sareeyso oo masaafadeed.
Caafimaadka
Bartamaha Åmål waxaad ka heleeysaa ruggaga caafimaadka Närhälsan Åmål iyo Balderkliniken.
Caawinaad turjubaan
Degmada Åmål waxaan isticmaalnaa gobolka adeegiisa turjumaaneed.
Xiriirka gaadiidka
Åmål waxeey ku taala markii la sii raaco Jidka-yurub 45, ku dhawaad 170 kilomitir waqooyiga Göteborg iyo 70 kilomitir koonfur-galebeedka Karlstad. Masaafada ilaa Oslo waa ku dhawaad 180 kilomitir.
Waqtiga-safarka ilaa goobta-duulimaadka (Karlstad) waa ku dhawaad 50 daqiiqo.
Åmål waxeey lee dahay jid-tareen iyo bas oo fiican, ayadoo xariir isgaarsiin oo siican maalin kasto la lee dahay Stockholm iyo Göteborg.
Jidka-gobolka 164 waxuu ka baxaa åmål, waxuuna Åmål iyo bartamaha Iswiidhan ku xiraa xeebta-galbeed (Strömstad).
Åmål waxaa ku yaalo dakad-gudo.
Shaqo iyo ganacsi
Degmada Åmål waxaad ka heli kartaa talobixin iyo taageero haddii aad dooneeyso in aad furato shirkad gaar ah. La xariir hormariyaha jawiga ganacsiga Åmål adigoo adeegsanaayo bogga degmada.
Bogga degmada waa shaqo dhiibaha ugu weeyn. Masaafad-safareed gudaheed waxaad ka heleeysaa shaqo dhiibe weeyn sidii Opcon, EuromaintAB iyo Spicer nordiska kardan AB.