Mellerud
Degmada Mellerud Iswidhan waxeey ka tahay yaraan loo okeeysiiyay mid weeyn. Halkaan waxeey lee dahay xeeb maayl dheer leh oo dhanka Vänern, dhismaha beeraha, jiqooyinka, wabiyaasha iyo dhulalal sareeyo, xaafado weeyn iyo tuulooyin yar.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
9421
Cabirla dhulka
514 kiilomitir oo laba jibaaran
Waxaan lee nahay goobo badan oo taariikhi ah, waxaana taajir ka nahay jawi dhaqameed. Mellerud waxaa ka dagi kartaa xaafad yar ama baadiyaha laakina isla markaa uu dhawaan kartaa magalooyinka waa weeyn.
Deegaan
Dad badan oo degan Mellerud waxeey degan yihiin fillo ama guri saf ah, laakin sido kale waxaan lee nahay guriyaal kiro in nagu filin. Guriyaasha badankood waxaa leh shirkada guriyaasha ee degmada Mellbo. Bogga Mellerud waxaad ka heleeysaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan guri kireeyaha iyo dalaalka guriyada iyo xariiro fiican oo ku geeynaayo boggaag.
Hel shirkadaha guryaha iyo guryaha
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Ku dhawaad boqolkiiba 12 dadka Mellerud waxeey ku dhasheen dal aan Iswiidhan ahaeeyn . Luuqado-kooxeed aan iswiidhiska waxaa ka mid ah af suuriyaanka, afka thayland, afka serbiga, afka bosniga, afka koreeshiya, af soomaali, carabi, afka booland iyo afka hooland.
Jaaliyado iyo ururu
Mellerud waxeey lee dahay jawi urureed oo balaaran ayadoo leh 100 urur oo nuucyo kala duwan. Qofkii rabo in ka howl galo heeso waxaa jiro kooxo-heeso iyo kooxyaal-fanaanin.
Waxaa jiro ururo diimeed oo badan oo ku yaalo Mellerud, waxaa ka mid ah kaniisada Iswiidhan, kaniisada faafinta, Smyrna iyo xarunta kaniisada Mellerud. Sido kale waxaa jiro urur diimeed. Masaajidka ugu dhow waxuu ku yaala Trollhättan. Bogga Mellerud waxaa ku jirto warbixin dheeraad ah oo ku saabsan ururada Mellerud.
Maxaa ka ag dhaw
Bartamaha Mellerud waxaa ku yaalo xafiiska dad weeynaha, maktabad, bankiyaalo, dukaamo badan oo nucyo kala duwan, waxaa ka mid ah sadax dukaamo gado gacan labaad, dhakhtar, dhakhtar ilko, ilko jare, xafiiska bulshada, maqaayado, goobta dabaasha iyo goob isboorti iyo in kale. Suuq iibasho oo weeyn ayaa kusii yaalo Trollhättan iyo IKEA:ha ugu dhaw waxuu ku yaala Uddevalla.
Sido kale degmada waxaan ku lee nahay goobab badan oo toobar iyo goob jimici, goob dabaal, mutxaf farshaxan, laba shaleemo iyo mid ka mid ah goobaha xafladaha ee galbeedka-iswiidhan ugu qurxoon. Xafiiska shaqada, Qasnada ceeymiska waxeey ku yaalin Vänersborg laakin waxeey adeegyo qarkood ku lee yihiin Mellerud. Xafiiska canshuuraha waxuu ku yaalaa Trollhättan. Booliska waxuu jooga Mellerud.
Dalyeelka carruurta
Degmada Mellerud waxeey lee dahay dugsiyaal xanaano oo ku yaalo afar xaafado kale duwan. Bartamaha Mellerud waxeey sido kale lee dahay xanaaneeye-caruur ee maalmeed. Guriga xilliga firaaqada waxuu ku yaalaa shan ka mid ah dugsiyadeena hoose. Sido kale waxaa ka howl wado kaniisada Iswiidhan hoowl-caruur.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Degmada Mellerud waxeey lee dahay shan dugsiyaal hoose oo loogu tala galay ardayda ilaa fasalka 6aad iyo iskuulo loogu tala galay ardayda ku jiro fasalada 7-9. Sido kale waxaan lee nahay dugsi sare oo leh barnaanimjyo badan oo kala duwan. Sido kale waxaan lee nahay dugsi-dhaqameed soo bandhigaayo waxbarasho tumida heesaha, heesaha iyo ciyaaraha heesaha.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Furadaha waxbarasho
Waxbarshada dadka waa weeyn ee Mellerud waxeey soo bandhigeeysaa, koorso dugsi sare ma ahane, oo kale barashada iswiidhiska iyo barashada bulshada oo loogu tala galay ajnabiga, koorso kombiyuutar iyo waxbarasho-xirfado qaarkood.
Jaamcada ugu dhaw waa Jaamacada Väst ee Trollhättan. Sido kale waa la dagi karaa Mellerud ayadoo la dhiganaayo Jaamacada Göteborg ama Karlstad. Dals-Långed oo jirto dhowr maayl waxaa lagaa helaa waxbarasho farshaxaneed heer jaamacada ah. Uddevalla waxaa ku taalo xarun-jaamacadeed.
Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn oo ku qoran:
Caafimaadka
Hal rug caafimaad aa ku taalo bartahama Mellerud, oo leh daryeelka hooyooyinka iyo caruurtaba. Waxaa jiro daryeelka ilkaha ee dad weeynaha iyo dhakhtarka madaxabanaan. Isbitaalka ugu dhaw waxuu ku yaala Bäckefors (25 kilmotir) uu jiro Trolllhättan iyo Uddevalla.
Caawinaad turjubaan
Dadka uu baahan caawinaad turjumaan markaa ee la xariiraayaan degmada waa la siinaa taasi. Degmada ayaa balamineeyso turjumaanka.
Xiriirka gaadiidka
Mellerud waxeey xariir tareemed oo joogta ah la lee dahay Karlstad, Trollhättan iyo Göteborg. Basas ayaa tago degmooyinka kale ee Dalsland iyo kuwo uu socdo Vänesberg iyo Trollhättan. Akhriso in dheeraad ah oo ku saabsan safarada-baxo iyo jadwalka-safarda ee Västtrafik.
Shaqo iyo ganacsi
Mellerud waxeey lee dahay lee dahay in yar oo shirkada waa weeyn eh. Laakin waxaan lee nahay boqolaal shirkado oo yaryary iyo ganacsi hormarsan. In badan oo naga tirsan waxeey ka shaqeeyaan iskuulada iyo daryeelka. Shirkada waa weeyn waxeey gacan koobaad ahaan ku yaalin Trollhättan iyo Uddevalla. Degmada waxeey taageero siisaa dadka doonaayo in ee shirkad furaan. In dheeraad ah oo ku saabsan taageerada degmada siiso jawiga ganacsiga waxaad ka heleeysaa bogga degmada.