Munkedal
Munkdalen- nolol dheeraad ah! Degmada Munkedal waxey leedahay dabeecado is badelo leh,oo isugu jira buuro iyo dhul dabeeceed saafi agh aadna u qurux badan.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
10535
Cabirla dhulka
634 kiilomitir oo laba jibaaran
Waxkasta weey kuu dhow yihiin haddi aad degantahay degmada Munkedal. Göteborg waxeey kuu jirtaa hal saac oo baabuur ah. Oslo waa laba saac, Köpenhamn na waa 4,5 saac. Xeebta waxeey kuu jirtaa 30 daqiiqo. Si aad u aragtid dhulka dabiiciga ah waxad u baahan tahay inaad u baxdid albaabkaada bannaankiisa.
Deegaan
Degmada Munkdal waa degmo baadiyo ah oo caadi ka ah filooyin iyo dhulbeereed banaan, laakiin xataa waa mujtamac guryo ama filooyin leh.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Iswiidhisgh, Ingilish. Luqada ay ku hadlaan dadka wadanka ku cusub: Carabiga, af Iiraanka, af Tigreega, af Dari, af Punjabo, af Soomaaliga, af Roomka, af Luganda
Jaaliyado iyo ururu
Degmada munkdal waxa ay leedahay waxyaabo badan oo lakala doran karo oo xiliyada firaaqaha la sameeyo. Waxaa halkan ka heleysaa inta ugu badan cayaaraha, sida goolofka, farda raacida, jimicsiga caruurta, dhaqdhaqaaqa jimicsiga, gubada cagta iyo cayaarta barafka iyo kuwa kale oo badan, laakiin xataa ururada waxbarashada, jaaliyadaha dhaqanka, ururada caawinaada iyo ururka diimaha. Jaaliyadaha sida ugu fudud ee aad ku heli karto waa in aad wacdaa. Telefoon nambarkooda waxaad ka heli kartaa boga internetka ee degmada.
Maxaa ka ag dhaw
Dingle
Adeega ganacsiga: ICA (wakiilka cayaarta, mashiinka lacagta lagala baxo), rugta shidaalka, maqaayadaha biidsada, tima jarayaal, garaashka baabuurta.
Hedekas
Adeega ganacsiga: dukaamada cuntada (meesha baakadaka laga dirsado, wakiilka dukamada qamriga), dukaamada xaafada ( farmashiye, maqaayada biidsada), kaalinta shidaalka.
Hällevadsholm
Adeega ganacsiga: ICA (boosto, meelaha wax lagu dhaqo, meesha lacagta lagala baxo, kaarka baska), kaalinta shidaalka ( meesha baakada laga diro, qasnada wax laga dhiibo, wakiiilka ciyaaraha), guryaha yar yar oo banaanada ka dhisan, meelaha la dhigto baabuurta la dhexdego.
Munkedal
Adeega ganacsiga: ICA (boosto, meesha baakada laga diro, meesha lacagta lagala baxo), COOP (meesha lacagta lagala baxo), Hemköp, dukaanka xaafada, maqaayada biidsada, bangi, kaalinta shidaalka, tabakaayo iyo tukaanka ciyaaraha (qasnada wax laga bixiyo), dukaanka qamriga, garaashka baabuurta, meesha baabuurta lagu dhaqo, dukaanka dharka, foorno, dukaanka muraayadaha iibiya, timo jare, dukaanta ubaxyada iibiya, dukaanka alaabta dhismaha lagu iibiyo, dukaanta raadiyoyaasha iyo telefishinada, dukaanka alaabta waaweyn, alaabta lasoo isticmaalay, alaabta banaanka lagu iibiyo iyo wax kale oo badan.
Agagaarka: Rasta Håby dukaan habeen iyo maalin furan, huteel yar, kaalinta shidaalka ( xataa gaas iyo koronto) (ku yaala inta u dhaxeysa Dingle iyo Munkeda) IKEA iyo rugta adeega ee Torp (degmada Uddevalla), suuqa adeega ee Tanum (degmada Tanum)
Dalyeelka carruurta
Degmada Munkedal waxaa ku yaal iskoollada xanaanada caruurta iyo guryaha xanaanada carruurta waxeyna ku yaallaan xaafadaha oo dhan. Xaafadaha Munkedal waxaa kaloo ku yaal iskoollada xanaanada furan.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Degmada Munkedal waxeey waxbarashadu ka tahay shey mudnaan la siiyo. Degmadu waxuu tiigsanayaa in tayada heerarka kala duwan ee waxbarashada kor loo qaado. Iskoolka xanaanada iyo dugsi hoose illaa fasalka 6 waxeey ku yaallaan xaafadda Dingle, Hällevadsholm iyo Munkedal waana afar meelood. Dugsiga dhexe ee Kungsmarksskolan waxaa dhigta ardayda dhigata fasllada 7–9. Sörbygden waxaa ku yaal iskool xanaanada caruurta ah, dugsi hoose oo illaa fasalka lixaad ahna waxu ku yaal Hedekas.
Ardayda dooneyseyna dugsiga sare waxaa jira dugsiga sare ee Uddevalla gymnasieskola o barnaamijyo waxbarashadeed badan haya. waxaa kaloo jira dugsi sare oo ku xiriira shirkada warqadaha e Arctic Paper AB, Processtekniska gymnasiet, oo haya waxbarasho xirfadeed ah dhinacyada farsamada boroseeska iyo warshadeynta. Dugsiga sare waxuu kaloo leeyahay barnaamij waxbarashaded gaar ah oo ku xiran waxbarashada dadka waaweyn ee Kunskapens Hus. Dugsiyada hoosedhexe iyo sare ee dadka dhimirka la waxey ku yaallaan Munkedal.
Furadaha waxbarasho
Waxbarashada dadka waaweyn ee, komvux, Kunskapens Hus ee ku yaal Munkedal waxu kuu hayaa marxaladaha kala duwan oo dhan ee loogu tala galay dadka waaweyn iyo waxbarasho heer SFI ah.
Caafimaadka
Qaabilaada caafimaadka iyo daryeelka bukaanka ee degmada Munkedal
Dingle: qaabilaada bukaanka ee kalkaalisada degmada, dhakhtarka ilkaha, dhakhtarka xaywaanaadka
Hedekas: Qaabilaada bukaanka ee kalkaalisada degmada
Hällevadholm: dhakhtarka ilkaha
Munkedal: Rugta caafimaadka, rugta caafimaadka hooyooyinka (MVC), rugta caafimaadka carruurta (BVC), farmashiye, dhakhtarka ilkaha
Ka agdhaw:
- Rugta qaabilaada degdega ah: NÄL, Trollhättan
- Rugta qaabilaada degdega ah ( jirka iyo indhaha): isbitaalka Uddevalla
- Xarunta heegaanka: isbitaalka Lysekil
Caawinaad turjubaan
Warbixinta xiriirka dadka cusub: informationnyanlanda@munkedal.se haddii kale 072-214 12 25 ( isniin ilaa iyo khamiis 8.30-11.00)
Xiriirka gaadiidka
Jidka E6 waxuu maraa bariga degmada Munkedal waa jid fiican oo safarka baabuurka u fiican. Gaadiidka dadweynaha waxaa maamula Västtrafik waxuuna ka kooban yahay tareen, bas iyo tåg, buss iyo waxa la halmaala.
Shaqo iyo ganacsi
Ganacsiga degmada Munkedals waxaa koow ka ah shirkada warqadaha ee Arctic Paper AB oo ah shaqa bixiyaha ugu weyn degmada. Laakiin shirkadaha yaryar ayaa ah kuwa ugu badan. Halkaan waxaad ka heleysaa qeybaha kala duwan ee ganacsiga sida, beecmushtarka, adeegyada kala duwan. Tareen haddaa ka qaadatid degmada Munkedal weey kuu dhowyihiin goobaha shaqada ee ohuslän, Fyrstadsområdet iyo Göteborg.