Tjörn
Tjörn waa degmada-jasiiradeed, jasiirada lixaad ee Iswiidhan ugu weeyn, waxeeyna ku taala xeebta-galbeedka Iswiidhan.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
15989
Cabirla dhulka
167 kiilomitir oo laba jibaaran
Tjörn waxeey lee dahay dabiicad weeyn, jawi urureed iyo dhaqamed oo xiiso leh, jawi shirkadeed oo kala duwan taasi oo markii la isku geyo keeneeyso in dadka dooranaayo in ku noolaadaan badanayaan "Tjörn – jasiirada fursadaha". Mashuraacyaal badan oo dhismo ayaa socdo, isgaarsiintana waxeey keeneeysaa in si sahlan lagu tago, loogana imaado Göteborg
Deegaan
Degaanka caadiga ee jasiirada waa guriyaal-yaryar oo gaar ah laakin sido kale waxaa jiro guryiaal la kireysto iyo kuwo la iibsado.
Tjörns Bostad AB waa shirkada anfaca-guud ee guriyaasha iyo milkilaha guriyaasha ugu weeyn ee degmada Tjörn. Shirkada waxaa leh degmada. Waxeey lee dahay 550 guriyaal iyo sideetan-yamo goobo oo degmada meelaha badankood uga yaalo. Shirkada guriyaasha waxeey kala dalaashaa laga bilaaba guriyaasha la kireeysto ee caadiga ah ilaa guriyaasha safka isku tixan ee leh irid-gali oo gaar ah iyo balkoon.
Sido kale waxaa jiro dhowr guri-kireyaal oo madaxbanan. Kuwaas kuwa ee yihiin waxaad warbixin uga heli kartaa adiga adeegsanaayo xarunta-macmiilka Tjörn.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Sido kale waxaa jiro dad meesha degan oo luuqadaha waqooyiga-yurub uu tahay luuqada koobad, luuqadaha kale ee looga hadllo waa af isbaanish, af dari, af soomaali, af tigrinya, af carabi iyo afka albaaniya.
Jaaliyado iyo ururu
Tjörn waxeey lee dahay jawi urureed oo badan oona sii fiican uu shaqeeynayo ayadoo leh dhowr ururo oo badan lehna jiheeyn kala duwan. Diwaanka-urureed ee ku jiro bogga degmada waxaad si gaar ah uga raadsan kartaa ururo ka hoowl galo xisahaada.
Maxaa ka ag dhaw
Tjörn waa degmad hadafkeedu yahay in jasiirada dhan ee ka sii dhigto mid noo. Taasi mecnaheed waxeey tahay in ee san jirin bartame weeyn ee laakin jiraan bulshooyin-yaryar, xaafadaha weeyn waa Skärhamn, Rönnäng, Kållekärr, Höviksnäs och Myggenäs.
Xafiiska shaqada iyo qasnada ceeymiska ugu dhaw waxeey ku yaaliin Stenungsund.
Dalyeelka carruurta
Xanaanada-caruurta ee degmada waxaa ku yaalo dugsiyaal xanaano, xanaanada maalmeedka ee qoyska iyo xanaanada caruurta iskulka (guriga-xilliga firaaqada).
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Tjörn waxeey lee dahay dugsi hoose oo fiican oo ururka macaliimiinta galshay kaalinta lixaad e dalka, sidaas ayuu ku yahay midka ugu fiican Galbedka-Iswiidhan. Waxaa jiro sideed dugsiyaal-hoose halkaasi ee labo lee yihiin iskuulo leh fasalada dhexe.
Dugsiga sare ee ugu dhow waxuu ku yaalaa Stenungssund.
Furadaha waxbarasho
Barshadada iswiidhishka loogu tala galay ajnabiga waxaa lagu kala wadaa Stenungsund oo halkaas xataa ka jirto waxbarashada dadka waa weeyn. Barshada-iswiidhishka ee la badshay oo loogu tala galay dadka dalka cusub waxaa taasi la qabtaa ayadoo lala kaashanaayo degmooyin kale, waxaana lagu qabtaa Göteborg.
Tjörn waxaa ku yaalo dugsiga dadka waa weeyn ee Billströmska. Halkaas waxaa ka jiro koorsooyinkaan soo socdo; koorso guud (la socoto ama la socon doorashada heesaha, masawirka ama dhar-sameeynta), barnaamijka sayinka ee asaaska, barnaamijka heesaha iyo koorska-safka ee xuquuqda da' yarta.
Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn oo ku qoran:
Caafimaadka
Gobolka Västra Götaland ayaa masu'ul ka ah daryeelka caafimaadka.
Tjörn waxaa ku taalo labo rug caafimaad ee gudaha Kållekärr, Skärhamn iyo Myggenäs. Meelahaan waxaa ku taalo oo kale ruggagta caafimaadka caruurta. Isbitaalka ugu dhaw waa isbitaalka Kungälvs.
Akhri dheeraad ku saabsan daryeelka bukaanka.
Daryeelka ilkaha ee dad weeynaha waxuu ku yaala Skärhamn, sidoo kale kuwo madaxbanaan ayaa ka jiro jasiirada.
Xafiiska adeega bulshada ee degmada ayaa ka heli kartaa talobixin iyo tagero, wac Mottagningsgruppen.
Caawinaad turjubaan
Anaga muhiim ayee noo tahay in markii aad degmada la xariireeyso hesho xanaanada iyo caawinaad si aad uu fahmi karto. Haddii ee kuugu adag tahay fahmida iyo ku hadalka iswiidhishka waxaad xaq uu lee dahay in aad hesho caawimaad oo aad ku adeegsaneeyso turjumaan. Haddii aad uu baahan tahay turjumaan markii aad nala kulmeeso, arintaan wargali xog-hayahaada ama markii aad balan sameeysaneeyso.
Xiriirka gaadiidka
Isgaarsiinta Tjörn waxaa ku jiro basas iyo dooman. Dooman oo si joogta ah uu socdo ayaa tago jasiiradaha sii yaryar sidii Dyrön, Åstol iyo Härön. Västtrafik ayaa ka masu'ul ah isgaarsiinta guud.
Tareen ka ma jiro Tjörn. Boosteejada-tareenka ugu dhow waxeey ku taala Stenungsund.
Garoonka diyaaradaha ee ugu dhow waa garoonka diyaaradaha Landvetter. Baska taga dayaarada wuxuu istaagaa shantaraalka Göteborg halkaas oo lagaga badalan karo baska tagaya Tjörn.
Shaqo iyo ganacsi
Ku dhawaad 1 000 qof ayaa ka shaqeeyso degmada Tjörn taasi oo keeneeyso in degmada ee tahay goobta shaqadeed ee ugu weeyn jasiirada.
Jawiga shirkadeed ee Tjörn waxuu ka kooban yahay shirkado yaryar iyo kuwo xoogaa weeyn. Waxaa Tjrön ka jiro in yar oo dhaafeeyso 1 900 oo shirkad oo ka howl galo laamanka badankooda, laakin qeeybta ugu weeyn waa ganasiga-badmaxnimada, hoowlaha la talinta, dalxiiska, ganacsiga, hoowlaha dhismaha iyo beeraha/beerista dhirta/kaluunka. Shirkadaha badankood waxeey lee yihiin in ka yar 10 shaqaale. Diiwaanka-shirkadaha ee degmada waxaa laga heli karaa shirkadaha badankood.
Shaqo dhiibayaasha kale ee ka weeyn Tjörn waa Wallhamn AB, Tarbit Shipping AB, Per Jacobsson Byggnads AB och Seniorbolaget i Sverige AB.
Shaqada degmada waxeey tahay in ee sameeyso shardiga-mustaqbaleed ee ugu fiican sii loo helo hormurid fiican oo laga sameeynaayo shirkadeeynta hada jirto iyo kuwo cusub. Shardi-mustaqbaleed oo lagu soo jiidan karo Tjörn shirkadleeyaal kale oo badan waa in jireen fursadaha fiican oo ku beegan degaan fiican, nolaal wanaagsan iyo masruufida shakhsiyeed. Waxaa jiro adeeg-macmiil oo sii fiican uu dhisan oo wada shaqeeynayaan iskuulada, hoowlaha dugsiyada xanaanada iyo xanaada bulshada oo fiican. Soo bandhiga weeyn ee howlaha xilliga firaaqada iyo dhaqanka oo keeneeyso tayo-nololeed oo sareeyso. Uu dhawanaanshaha Göteborg iyo dabiicada quruxdeeda waxeey Tjörn ka dhigeeysa meel soo jiidashoo uu leh in la dago.