Töreboda
Degmada Töreboda waxeey ku taal nawaaxiga Göta kanal, waxeeyna u dhaxeeysaa labada balli oo waaweyn ee Vänern iyo Vättern. Degmadu waxeey leedahay jaaliyado iyo dhaqdhaqaaq ganacsi oo firfircoon. Waxeey leedahay gaadiidyo safar oo wanaagsan, isuguna jira basas iyo tareenno.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
9312
Cabirla dhulka
541 kiilomitir oo laba jibaaran
Deegaan
Degmada waxeey leedahay shirkado badan oo guryaha laga kireysan karo, liis dheer ayeey ku yaallaan. Shirkad dowladeedka degmada ku taal waxaa la dhahaa Törebodabostäder.
Liis eey ku yaallaan shirkadaha guryaha waxaad ka heli kartaa degmada boggeeda internetka ah.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Luqadaha looga hadlo degmada waa iiraani, carabi, af-soomaali iyo tigree.
Jaaliyado iyo ururu
Degmada Töreboda waxeey leedahay jaaliyado badan oo wanaagsan sida kuwa hiddaha iyo dhaqanka, isboortiska iyo kuwa dabiicada.
Maxaa ka ag dhaw
Bartamaha Töreboda waxaa ku yaal dukaamo, maktabad, makhaayado, caféer, jirjimicsi iyo farmashiiye. Waxaa kaloo Töreboda ku yaal xafiiska bulshada u qaabilsan arrimaha qoyska iyo qofka, Warbixin dheeraada oo ku saabsan sida loola xiriiro waxaad ka heli kartaa degmada boggeeda internetka ah.
Dalyeelka carruurta
Degmada Töreboda waxeey leedahay dugsiyada xanaanada caruurta da'doodu jirto 1-5 sano. Warbixin dheeraada oo ku saabsan iskoollada oo dhan iyo sida loola xiriiro ka akhriso degmada boggeeda internetka ah.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Degmada Töreboda waxeey leedahay dugsiyada hoosedhexe iyo sare. Waxeey kaloo degmada leedahay dugsiga sare ee beeraha ee Sötåsen. Warbixin dheeraada oo ku saabsan dugsiyada hoosedhexe iyo sare waxaad ka heli kartaa degmada Töreboda boggeeda internetka ah.
Furadaha waxbarasho
Degmada Töreboda waxaa ku yaal xarumaha waxbarashada dadka waaweyn.
Caafimaadka
Degmada Töreboda waxaa ku yaal rug caafimaad iyo rugta daryeelka ilkaha.
Caawinaad turjubaan
Degmada Töreboda waxeey turjubaan kaaga dalbeysaa xafiiska adeegga turjubaannimo ee Väst.
Xiriirka gaadiidka
Isgaarsiinta xagga gaadiidka ee degmada aad ayuu u fiicanyahay. Warbixin ku saabsan safarrada iyo qiimahooda waxaad ka heli kartaa Västtrafik iyo SJ.
Shaqo iyo ganacsi
Dhaqaalaha Töreboda wuu fiicanyahay. Shirkado badan oo dhinaca wax soosaarka ah ayaa ka jira degmada. Isla degmada Töreboda ayaa ah shaqo bixiye weeyn, gaar ahaan dhinacyada iskoollada iyo caafimaadka.