Tranemo
Ku soo dhawow Tranemo, magaca waxaa ku qarsoon tuuloyin iyo magaalooyin yaryar oo wanaagsan, dad kala duwan. Cimilo aad u wanaagsan o deggan ayey leedahay iyo tariikh aad qaali u ah.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
11886
Cabirla dhulka
741 kiilomitir oo laba jibaaran
Waxaana gobolku uu leeyahay aayo dambe oo iftiin badan, rabitaan shaqo, xuquux baniaadan iyo ilaalin cimilada ah. Taasi waxay ka muuqataana jaaliyadaha gobolka. Waxaad heleysa jaaliyado xiiso walba daboolaya.
Deegaan
Shirkada ugu weyn ee guryaha waa mid eey dowladdu leedahay magaceeduna yahay Tranemobostäder, waxay leeyihiin guryo gaaraya 800 oo ku kala yaala 13 meelood oo ka mid ah degmada. Degmada Tranemo waxaa kale oo jiro shirkado madaxbanaan.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Luqadaha ugu waaweyn waa carabi, soomali, romani iyo albani.
Jaaliyado iyo ururu
Degmada Tranemo waxay leedahay jaaliyado qaabilsan dhinaca isboortiga, dhaqanka, bulshada iwm. Kaniisada Svenska Kyrkan iyo isbaheysiyo masiixi ah waxay degmada ku leeyihin meherado. Jaaliyado jinsiyado iyo diimo kala duwan leh waxay ku yaalan Borås.
Maxaa ka ag dhaw
Bartamaha degmada waxaa ku yaala xafiiska degmada, dukaamo isbooorti ah, dukaamo dhar, saldhig iwm. Limmared, Länhem iyo Dalstorp waxay iyagu leeyihiin dukaamo cunto. Dukaamo gacan labaad oo iibiya allabta guriga waa Byggstenen Tranemo iyo Återbruk Limmared.
Dalyeelka carruurta
Dugsiyada Xanaanada caruurta ee dawlladu leedahay waxay ku yaallaan Tranemo, Limmared, Länghem, Dalstorp, Nittorp, Grimsås, Sjötofta, Ambjörnarp iyo Uddebo. Xanaanada caruurta oo kuwa gaarka loo leeyahay ahna waxay ku yaalaan Limmared, länghem, Månstad iyo Mossebo.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Dugsiyada waxbarasho ee ku yaal Tranemo waa kuwo dowladeed. Tranemo, Limmared, Länghem, Dalstorp, Grimsås, Sjötofta och Ambjörnarp waxaa ku yaala skoolo loogu talagalay ciyaalka yar yar. Fasalada 7-9 waxaa laga heleyaa Tranemo. Skool sare waxuu ku yaala Tranemo.
Furadaha waxbarasho
Degmada Tranemo waxaa ku yaal dugsiyadaha waxbarasho ee dadka waaweyn sida Sfi iyo Särvux. Waxeey kaloo degmada wada shaqeyn dhinaca waxbarashada la leedahay degmooyinka dariska la ah oo eey si wada jir ah u maal galiyaan waxbarashada dadka waaweyn.
Caafimaadka
Rugta caafimaadka, rugta caafimaadka hooyooyinka, rugta caafimaadka caruurta waxaad ka heleysa Tranamo. Kalkaalisada caafimaadka ee degmada waxaad ka heleysa Tranemo, Limmared, Länghem och Dalstorp. Tranemo waxaa ka heleeyaa Daryeelka ilkaha ee dadweeynaha iyo mid gaar ah ah Tandvärkstan.
Caawinaad turjubaan
Wixii xidhiidh oo dhinaca xafiisyada dowladada ah waxaa diyaar kuu ah caawimaad turjumaaneed.
Xiriirka gaadiidka
Västtrafik oo ah shirkada leh gaadiidyada safarka waxay gaadiidyadoodu maraan dhowr meelood oo degmada ah. Waxaa kaloo jira tareen taga tuulada Limmared.
Shaqo iyo ganacsi
Degmada Tranemo, Nexans oo ku taal Grimsås, Ardagh Glass oo ku taal Limmared iyo sherkado badan ayaa degmada nawaaxigeeda ku yaala.