Habab kala duwan oo loo dego

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/12-2022

Gudaha Iswiidhan waxaad u noolaan kartaa qaabab kala duwan. Waxaad kireysan ama iibsan kartaa guri yar. Waxaad kireysan ama iibsan kartaa guri weyn. Halkan waxaad ka helaysaa warbixin ku saabsan qaababka kala duwan ee loo noolaado.

Degmada kastoo Iswiidhan ku taal waxeey leedahay shirkado guri ood guryo ka dalban kartid kana kireysan kartid. Ahirkadaha waxaa iska lahaan karo dadka caadiga ah ama degmada. Shirkad guri oo eey degmadu leedahay waxaa oo yaqaanaa shirkadaha guryaha ee sida guud looga faa'ideysto. Qofkii degan guri krio ah waxaa loo yaqaanaa guri kireyste. Markaas waxaad guriga ka kireysaneysaa qof ka ama shirkadda leh.

Haddii wax ka jabaan guriga

Markeey guriga wax ka jabaan waxaa hagaajinaya shirkadda guriga iska leh. Guri kireystaha uma baahna inuu lacag bixiyo hadeey tusaale ahaan jabaan filinjeerka ama jikada cuntada lagu kariyo. Laakiin hadaad adiga sababtay dhaawaca adigaa bixinaya lacagta. Shirkada guriga iska leh ayaa kontorooleysa guriga inta aadan soo degin. Saas waxaa loo sameeyaa si aadan ubixin wax uu jabiyay guri kireysitihii kaa horeeyay adiga.

Noocyada kala duwan ee heshiis

Waxaa jiraa qandaraasyo kala duwan markaad guri kireysaneysid. Hadaad qandaraas kowaad leedahay waxaad guriga deganaan kartaa inta aad dooneysid. Qandaraas labaad hadaad heysatid waxaa si gacan labaad ku meel gaarah uga kireysaneeysaa qofka heysto qandaraaska koowaad ee guriga.

Qandaraasyada suuqa madoow

Qandaraasyada suuqa madoow ee guryaha waa in lacag lagukala iibsadaa qandaraaska guriga. Ma u banaana guri kireeyaha iyo guri kireystaha ineey lacag ku qaataan gadashada qandaraaska kireynta. Qofkii raba inuu lacag kaaga gadaa waa dambiile waxaana lagu xukumi karaa xabsi.

Guri kireystaha xaq wuu u leeyahay inuu heshiiska guri kireynta ka baxo

Adigaaga ah guri kireyste waxaad mar kastaba xaq u leedahay inaad ka baxdo heshiiska kirada haddii aad doonaysid inaad guurto. Ka dib markaad heshiiskan ka baxdo waxaad u baahan kartaa inaad sii wado bixinta kirada gurigan xilli wakhti go'an ah. Tani waxaa lagu magacaabaa wakhtiga heshiis ka bixida. Wakhtiga heshiis ka bixida badanaaba waa saddex bilood haddii wax kale aanay ku qornayn heshiiskan. Wakhtiga heshiis ka bixidu wuxuu bilaabmaa bisha ka dambeysa markaad adigu ka baxday heshiiskaaga kiro.

Guri laga kireeystaha xaq wuu u leeyahay inuu heshiiska guri kireynta ka baxo

Guri laga kireeystaha xaq wuu u leeyahay mararka qaar inuu heshiiska guri kireynta ka baxo. Taasina waxeey dhici kartaa haddii:

  • ka kireynta ama ku wareejinta gurigan ee qof kale iyadoo aan oggolaansho laga haysan mulkiilaha guriga.
  • u isticmaalka gurigan wax kale oo aan ahayn in lagu noolaado, tusaale ahaan hawlo dembi leh ama in shirkad weyn laga socodsiiyo gurigan.
  • ayaa mas'uul ka ah in xasharaad soo galeen dhismahan ama ka aamusay in la soo sheego in xasharaad ka dilaacay halkan.
  • diiday in mulkiilaha guriga loo oggolaado soo gelida gurigan, iyadoo aan la haysan sabab fiican oo ah in mulkiilaha guriga loogu diido soo gelid, tusaale ahaan xilliga dayactirka.
  • si xun u dayacay gurigan.
  • aan ka soo bixin wixi ku qornaa heshiiska kirada.
  • in ka badan hal toddobaad la habsaamay bixinta lacagta kirada.

Xuquuqda degganaanshaha aan xadka lahayn ee guryaha la badh-iibsado waa guri eey qasab tahay inaad dhiibtid lacagta qiimihiisa tahay qeyb ka mid ah. Waxeey taasi ka dhigantahay inaad qeyb ka gadaneysid jaaliyada iska leh guriga. Waxaad markaas xubin ka noqoneeysaa jaaliyadaas waadna isticmaaleeysaa guriga.

Markaad degentahay guri badh-iibsi ah waxaad bil kasta lacag khidmad ah siineysaa jaaliyada. Hadaad lacag soo deynsatay markaad guriga gadaneysay waa inaad bangiga siisaa lacagta dulsaarka/ribada iyo qeybqeyb u bixinta lacagta guriga.

Degmada waxeey leedahay dallaalyaal iyo shirkado ku tusinaya guryaha iibka ah. Degmooyinka bogagooda internetka waxaad ka heleysaa macluumaad ku saabsan shirkadaha guryaah ee ka dhisan degmada. Adiga kaligaa xataa waxaa guryaha iyo dhulalka beeca ah ka raadin kartaa internetka.

Iswiidhan guri waad ka gadan kartaa waadnka ka kireysan kartaa. Qiimaha guryaha la gato waxaa u dhaxeeyo fargi weyn waxeeyna ku xirantahay hadaad magaalo weyn ama magaalo yar ka gadaneysid. Degmada waxeey leedahay dallaalyaal iyo shirkado ku tusinaya guryaha iibka ah. Waxaad hadaad rabtid gadan kartaa dhul aad ka dhisna kartid gur kaada ah.

Degmooyinka barahooda intarnat-ka waxaa badanaaba laga helaa warbixinta ku saabsan guryaha iyo dhulka banaan ee iibka ah.

In gacan labaad guri lagu kireeyo waa ka caadi Iswiishan. Waxeey taasi ka dhigantahay inaad guriga ka kireysatid qofka heysta qandaraaska koowaad. Waxaa kaloo gacan labaad kaga kireysan kartaa dadka guryaha eey iyagu leeyihiin heysta.

Hadaad rabtid inaad guri gacan labaad ah degtid waa muhiin inaad kontorooshid in shirkada guriga eey ansixisay.

Ku fikir inaad buuxisid kontoraad markaad markaad guri ku kireysaneeysid gacan labaad. Hadaan kontoraad ama qandaraas saxiixin waxaa guriga kaa bixin kara qofka heysta qandaraaska koowaad shuruudo la'aan. Qandaraaska xataa intaadan saxiixin waa muhiim inaad ogaatid xuquuqdaada iyo waajibaadkaada.

Waad kireysan kartaa qol ku dhex yaal guri uu qof kale degan yahay. Waxaad la degantaahy qofka qandaraaska guriga haaysto. Taas ayaan la dhahaa la degeni. Shuruuc iyo waqti qandaraas joojin ayaa jira markaad la degene tahay xataa. Sidaad darteed xasuusnoow inaad qandaraas la qortid qofka aad qolka ka kireysaneysid.