Sidan ayaad u helaysaa guri

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 3/5-2023

Waxaa jira qaabab badan oo kala duwan in lagu helo meel lagu noolaado. Halkan waxaa ku jirta warbixin ku saabsan sida aad samayn karto.

Idaacada Waxbarashada ee Iswiidhan (UR) ayaa soo saartay filim talooyin lagu siinayo adigaaga raadinaya guri. Filimkan waxaa lagu helayaa iswiidhish oo keliya.

Shirkadaha guryaha iyo ururada guryaha

Dhamaan degmooyinka Iswiidhan waxaa ka jira shirkado guri oo maxali ah. Degmooyin badan waxay leeyihiin ururo guri. Iska diiwaan geli inaad tahay guri raadiye dhinaca shirkadaha guryaha ee kala duwan iyo ururada guryaha. Iyagu badanaaba waxay boggag ku leeyihiin baraha intarnat-ka halkaasi oo aad ka samayn karto diiwaan gelintaada.

Shirkado badan oo guryaha ah iyo ururada guryaha waxay leeyihiin wax lagu magacaabo safka guryaha. Fursadahaaga inaad hesho guri way sii kordhaan marka uu sii dheeraado wakhtiga aad ku jirtay safka guryaha. Qawaaniinta way ku kala duwanaan karaan shirkadaha guryaha ee kala duwan.

In si fir-fircoon loo raadsado hoy

Hadii aad xataa guryo ka raadsatay shirkadaha guryaha weey fiican tahay hadaa meelo kale xataa ka raadsatid. Internetka waxaa jira meelo badan oo guryo la kireynayo lasoo dhigo waxaadna heli kartaa qandaraaska kkoowaad ee guriga ama gacan labaad ayaa ku degi kartaa. Halkaas waxaa xataa ka heli kartaa dad raadinaya ineey qol ka kireeyaan guryahooda. Weey fiican tahay xataa inaad guryo ka raadsid joornaallada.

Waxaa jira shirkado guri oo yaryar oo aadan iska diiwaan galin laakiin waxeey leeyihiin webside yo aad ka eegi kartid hadeey hayaan guryo bannaan isla markaana aad raadsan kartid. Weey fiicantahay inaad xiiseyntaada tustid shirkadaha yaryar ee guryaha.

Hadaad rabtid inaad degtid guri aad jeclaatay waxaad shirkada iska leh guriga ka fiirin kartaa jaranjarada hoose ee guriga. Shirkada waxeey meeshaas ku dhaaftay macluumaad xiriir oo lagula xiriiro qofka guriga dayactirkiisa mas'uulka ka ah.

Si kale oo guri lagu raadiyo waa inaad ogeysiis inaad guri doon tahay ku dhajisid meelaha warqadaha lagu dhejiyo ee agagaarka dukaamaha, maktabadaha, jaranjarooyinka guriyaha iyo meelaha kale ee warqadaha lagu dhejiyo.

Hoyga iyo guryaha la badh-iibsado

Hadaad rabtid inaad guryaha badh-iibsiga ama guryaha caadiga ah aad gadato waxaad la xiriirtaa dallaalada ka jira degmada. Waxaa internetka laga helaa shirkado badan oo gado guryaha kala duwan iyo dhulalka oo wadanka Iswiidhan oo dhan ah. Waxaa kaloo jira xayeeysiis lagu sameeyo joornaallada.

Degmooyinka barahooda intarnat-ka waxaa badanaaba laga helaa warbixinta ku saabsan guryaha iyo dhulka banaan ee iibka ah.