Sharciyada farxad ku noolaanta

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 2/12-2022

Waa adiga iyo deriskaaga kuwa si wada-jir ah u abuuraya iskaashi iyo ku qanacsanaanta meesha aad degantihiin. Dhanka guryaha dhowr qoys deganyihiin waxaa ka jira qawaaniinta ku qanacsanaanta kuwaas oo dadka degan ay tahay inay ku dhaqmaan si dadka oo dhan u qanacsanaadaan.

Shirkadaha guryaha kireeya ee kala duwan ama ururada guryaha waxay lahaan karaan qawaaniin kala duwan. Halkan waxaad ka helaysaa dhowr ah qawaaniinta ugu caadisan.

Dhanka guryaha dhowr qoys deganyihiin waxaad degantahay meel u dhow deriskaaga. Tani waxay tahay inaad muujiso qadarin oo u dul-qaadato dadka kale qaabkooda nolosha. Qaababka hoyga waxay shuruud ku xiraan dhamaan dadka halkaas degan inaanay is-dhibaatayn iyo in la raaco qawaaniinta ku qanacsanaanta iyo nidaamka ee jira.

Galabtii iyo habeenkii waa in qofku haboonaysiiyaa heerka sanqarta oo qadarin dheeraad ah siiyaa deriskiisa. Qofku wuxuu tusaale ahaan ka fikiri karaa in aan la samayn heer cod dheer dhanka Tiifiiga ama sameecadaha, aan la qodin ama musmaar lagu garaacin gidaarka lana iska ilaaliyo in la isticmaalo makiinadaha guriga xilliyada dambe ee galabtii iyo habeenkii.

Sababo dhanka dabka ah awgood iyo si loo sahlo nadiifinta waa inaanad alaab dhigin jaran-jarada, marinada ama bakhaarka hoosta.

In wax lagu dubto balakoonka badanaaba ma la oggola. Waxaa wax la oggolyahay ahaan karta in wax lagu dubto banaanka, laakiin ka fikir in qiiqa ka soo baxaya dubitaanka uu dhibi karo deriskaaga.

Sigaar cabistu waa ka mamnuuc dhamaan meelaha dadka ka dhaxeeya sida jaran-jarada, marinada, bakhaarka hoosta iyo qolka dhar-dhiqida. Sigaar cabista balakoonka way ahaan kartaa wax la oggolyahay. Ka fikir inaad qadarin u muujiso deriskaaga oo aanad balakoonka ka tuurin haashka sigaarka.

Qolka qasaalada waa meel wada-jir loo leeyahay taas oo dadka degan oo dhan ku heshiiyaan. Sidaas darteed waxaa muhiim ah in qolka dhar-dhiqida la nadiifiyo ka dib marka la isticmaalo. Guryha qoysasku deganyihiin badankooda waa in la samaysto wakhtiga dhar-dhaqida si loo dhaqdo. Tani waxaa lagu balansadaa nidaamka balansashada.

Adiga ayaa mas'uul ka ah xayawaankaaga guriga inaanay dhibin deriskaaga ama aanay wasakhayn meelaha lagu ciyaaro, jardiinooyinka, dooga iyo meelaha kale ee ku hareersan guriga.

Haddii aad doonaysid inaad rakibato anteena ama baarabool waxaad u baahan kartaa oggolaanshaha guri-kireeyahaaga ama ururka guriga.

Qawaaniinta ku qanacsanaanta way ku kala duwanaan karaan guryuhu. Eeg waxa khuseeya meesha aad adigu degantahay.