Adigaaga ka soo qaxay dagaalka ka jira Yuukrayn

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 4/3-2024

Halkan waxaa ku jirta warbixin loogu talogalay adigaaga ka soo qaxay dagaalka ka jira Yuukrayn.

Adigaaga yimi Iswidhan ee ka yimi Yuukrayn waxaad joogi kartaa ilaa 90 maalmood bilaa fiiso haddii aad haysato baasaboor ah biyoomatarig. Si aad u shaqeyso oo carruurtaaduna u dhigtaan iskoolka waxaad u baahantahay inaad sharci degganaansho ka codsato Hey’adda Socdaalka.

Codso gabood sida waafaqsan xeerka qaxootiga badan

Adigaaga ka soo qaxay dagaalka Yuukrayn waxaad xaq u yeelan kartaa sharci degganaansho oo leh gabood ku meel gaar ah gudaha Iswiidhan sida waafaqsan Midowga Yurub xeerkeeda qaxootiga badan.

Hey’adda Socdaalka boggeeda intarnatka waxaad ka akhrin kartaa dheeraad ku saabsan qofka codsan kara sharci degganaansho oo ku meel gaar ah sida waafaqsan xeerka qaxootiga badan. Waxaad xitaa akhrin kartaa sida aad samaynayso si aad u codsato iyo waxa dhaca ka dib go’aanka.

Haddii aad heshay sharci degganaansho sida waafaqsan xeerka qaxootiga badan

Xeerka qaxootiga badan wuxuu bixinayaa xaqa:

  • goob hoy dhinaca Hey’adda Socdaalka (adigu ma dooran kartid meesha)
  • daryeel caafimaad oo aan la sugi karin
  • taageero dhaqaale oo cayiman
  • iskoolka carruurta
  • in laga shaqeeyo gudaha Iswiidhan.

Hoyga gudaha Iswiidhan

Adiga ayaa keligaa diyaarsan karo hoy ama caawimaad dhinaca hoyga ah ayaad ka heli kartaa Hey’adda Socdaalka. Haddii aad doorato inaad keligaa diyaarsato hoy waa inaad kirada iska bixisaa. Xusuuso in aad wargeliso Hey’adda Socdaalka cinwaankaaga haddii keligaa aad diyaarsato hoy.

Fiiro gaar ah u yeelo in Hey’adda Socdaalku ay leedahay liistada xaafado leh xaalado adag dhinaca bulsho iyo dhaqaale ahaan. Qofka doorta inuu ku noolaado xaafad noocaas ah wuxuu waayi karaa xaqa taageero dhaqaale oo laga helo Hey’adda Socdaalka. Hey’adda Socdaalka boggeeda intarnatka waxaad ka ogaan kartaa haddii cinwaanka aad doonaysid inaad u guurto uu ku yaallo xaafad raad ku yeelan karta xaqa dhaqaale laga helo Hey’adda Socdaalka.

Degmooyinka gudaha Iswiidhan

Dadka ku nool Iswiidhan oo dhan waxay ku noolyihiin degmo. Degmadu waxay noqon kartaa magaalo, meel, ama dhowr meelood. Iswiidhan waxaa ka jira 290 degmooyin ah.

Informationsverige.se waxaa ku jira warbixin ku saabsan dhammaan degmooyinka Iswiidhan. Waxaad akhrin kartaa waxa laga helo degmooyinka kala duwan, tusaale ahaan iskool, shaqo iyo hoyga.

Lambarka xiriirinta

Adigaaga sharciga ku helay xeerka qaxootiga badan ma noqonaysid qof ku jira diiwaangelinta dadweynaha ee Iswiidhan oo sidaas darteed ma heli kartid lambarka shakhsiga ee Iswiidhishka. Hase yeeshee waxaad heli doontaa lambarka xiriirinta, haddii aad tustay dukumentiyo aqoonsi markii aad codsatay sharciga deganaansho.

Lammbar xiriirin waa lambar shakhsi gaar u ah kaas oo wax fududeeya marka aad tusaale ahaan la xiriirto hey’ado dawladeed, saxeexayso heshiis shaqo ama furanayso xisaab bangi.

Hey’adda Socdaalka ayaa lambar xiriirin u codsata dadka tusay dukumentiyo aqoonsi ee helay go’aan ah gabood oo waafaqsan amarka qaxoontiga badan. Waa Hey’adda Cashuuraha ta go’aamisa lambarka xiriirinta.

Xafiiska adeega

Xafiis adeeg waxaad ka heli kartaa caawin iyo macluumaad laga helo dhowr hey’ado dawladeed oo kala duwan, tusaale ahaan Hey’adda Cashuuraha, Xafiiska Shaqada iyo Qasnadda Caymiska. Shaqaaluhu waxay kaa caawin karaan in la isticmaasho adeegyada elaktarooniga ah, buuxiyo foomamka iyo codsiyada isla markaana bixiyaan macluumaad ku saabsan arrimahaaga socda.

Qaar badan oo ah xafiisyada adeega waaweyn waxaa ka shaqeeya badanaaba shaqaale kugu caawin kara luqado dhowr ah oo aan ahayn Iswiidhish.

Haddii aad haysato xayawaan rabaayad ah oo aad kala timi Yuukrayn

Haddii aad wadato eygaaga, bisad ama xayawaan kale oo rabaayad ah kalana timi Yuukarayn waa inaad ogaato qawaaniinta ansaxaya in xayawaankaas lala soo galo Iswiidhan.

Taas waa muhiim sababtoo ah Yuukarayn sanad walba waxaa laga helaa dhowr xaaladood oo ah cudurka eyda ku dhaca ee la kala qaado laakiinse laga ciribtiray Iswiidhan. Ujeedadu waa in laga hortago faafitaanka cudurka eyda ku dhaca ee la kala qaado.

Haddii aad u baahato daryeel caafimaad

Dadka waaweyn ee haysta sharci waafaqsan xeerka qaxootiga badan waxay xaq u leeyihiin daryeelka bukaanka ee deg-degga ah, daryeel ilko oo deg-deg ah iyo daryeelka caafimaad ee aan la sugi karin. Waa shaqaalaha caafimaadka kuwa go’aaminaya nooca daryeel caafimaad ee aan la sugi karin. Adigu waxaad xitaa xaq u leedahay daryeelka ummulidda, daryeel xilliga iska soo ridid ilmo, talooyinka waxyaabaha loo adeegsado ka hortaga uuraysiga, daryeelka caafimaadka hooyada iyo daryeel waafaqsan sharciga ilaalinta cudurada la kala qaado (sharci ay tahay inuu ka hortago cudurada la kala qaado ee faafa). Si aad u hesho daryeelkaas waa inaad marka hore iska diiwaangeliso Hey’adda Socdaalka. Tani ayaa khuseysa carruurta iyo dadka waaweyn labadaba. Markaas ayaad helaysaa xitaa in lagugu casuumo baaritaan caafimaad.

Haddii aad xanuusato, dhaawacanto ama dareemayso caafimaad daro nafsiyan ah waa inaad bilowdaa inaad la xiriirto rug caafimaad. Haddii shaki kaaga jiro marka ay tahay inaad raadsato daryeel waxaad mar kastaba Hagida daryeelka ka wici kartaa 1177. Telafoon lamabrku waa +46 771 1177 00. Haddii ay jirto xaalad degdeg ah iyo khatar ku timi qof naftiisa waa inaad wacdo 112.

Khadka taageero ee adigaaga ka soo cararay dagaal

Ururka Xuquuqda carruurtu ku leedahay bulshada, Bris, wuxuu bixiyaa taageero la siiyo carruurta. Bris waxay leedahay khad taageero oo adigaaga ka yar 18 jir aad wici karta haddii aad u baahantahay in aad la hadasho qof weyn. Tusaale ahaan haddii ay jirto wax la dareemayo inay adagtahay, adigu aad welwelsantahay ama dareemayso keli inaad tahay. Waxay dadka ku casuumaan wadahadal ah afka Ruushka iyo Yuukraynka. Wax kharash ah ma laha in la waco oo waxaad ahaan kartaa qof aan sheegin cidda uu yahay.

Lambarka telafoonka ee khadka taageerada waa 020-48 48 48.

Haddii ilmahaagu u baahanyahay daryeel

Caruurta iyo dhalinyarada ka yar 18 jir waxay xaq u leeyihiin daryeel caafimaad iyo daryeelka ilkaha oo lamid ah sida ay helaan caruurta kale ee ku nool Iswiidhan. Daryeelka caafimaadka badanaaba bilaash ayuu u yahay carruurta, laakiin way kala duwanaan kartaa iyadoo ku xiran halka qofku degganyahay.

Carruurtu xitaa waxay xaq u leeyihiin tallaalka ka hortaga cudurada carruurta ee la kala qaado badankooda.

Taageero dhaqaale

Haddii aanad haysan wax lacag gaar kuu ah waxaad taageero dhaqaale ka codsan kartaa Hey’adda Socdaalka. Lacagta aad ka hesho Hey’adda Socdaalka waa inay ku filnaato raashinka, dharka iyo kharashyada qofka gaarka u ah.

Waxaad codsan kartaa taageero dhaqaale marka aad booqato Hey’adda Socdaalka ama in aad foomka codsiga dhinaca boosta ugu dirto Hey’adda Socdaalka.

Xisaab bangi

Adigaaga helay sharciga degganaansho ee amarka dad badan oo soo qaxay waxaad xaq u leedahay inaad xisaab bangi ka furato bangi Iswiidhish ah. Si aad macmiil uga noqoto bangi Iswiidhish ah waa inaad awoodo in aad aqoonsi leedahay oo aad ka jawaabto su’aalaha ku saabsan sababta aad ugu baahantahay xisaab bangi.

Dugsiga xanaanada iyo iskoolka carruurta

Carruurta iyo dhalinyarada heshay sharciga degganaansho ee ah gaboodka ku meel gaarka ah waxay xaq u leeyihiin inay dhigtaa dugsiga xanaanada iyo iskoolka. Dugsiga xanaanada ee guud, fasalka barbaarinta, dugsiga hoose-dhexe iyo dugsiga sare waa bilaash. La xiriir degmada aad ku nooshahay oo u sheeg inaad doonayso in carruurtaadu dhigtaan dugsiga xanaanada ama iskool.

Carruurta iyo dhalinyarada helay sharci deganaansho oo ah gabood ku meel gaar ah maaha inay tagaan iskool Iswiidhish ah. Iyaga waajib ma ku aha iskoolku. Laakiin haddii ay doortaan inay tagaan iskool Iswiidhish ah waa inay ka qaybgalaan waxbarashada iskoolkaas. Haddii arday iskoolka ka maqan yahay badanaaba ama wakhti dheer waxaa maamulaha iskoolka u baahanyahay in la baaro sababta ardaygan u maqanyahay, xitaa hadii ardaygan aanu iskoolku ku ahayn waajib.

Ka shaqaynta gudaha Iswiidhan

Xafiiska Shaqada boggeeda intarnatka waxaad ka helaysaa warbixin ku saabsan waxa ansaxa ah haddii aad shaqo ka raadinayso gudaha Iswiidhan.

Haddii aad hesho shaqo waa inaad iska diiwaan-geliso Hey’adda Canshuuraha si aad u bixiso canshuur.

Haddii aad hesho shaqo waa in adiga iyo shaqo bixiyuhu aad saxeexdaan heshiis shaqo oo ay ku caddahay nooca mushahaaro ee aad helayso. Haddii aad shaqo hesho waa inaad wargeliso Hey’adda Socdaalka.

Haddii aad heshay sharci degganaansho ku heshay xeerka qaxoontiga badan oo aad haysato shaqo waxa aad tusaale ahaan xaq u yeellan kartaa lacagta bukaanka haddii aad xanuusato oo aanad shaqayn karin. Waxaad lacagta bukaanka ka codsanaysaa Qasnadda Caymiska.

Waxbarashada dadka waaweyn

Af Iswiidhishka loogu talogalay ajnabiga (sfi)

Degmooyinka qaarkood waxaad ka baran kartaa waxbrashada af Iswiidhishka loogu talogalay ajnabiga (sfi).

Degmooyinka qaarkood waxaa laga helaa xitaa koorsooyinka af Iswidhishka oo luqad labaad ahaan ah oo aad baran karto ama af Iswidhishka loogu talogalay ajnabiga.

La xiriir degmada aad deggantahay si aad u hesho warbixin dheeraad ah oo ku saabsan af Iswidhishka loogu talogalay ajnabiga iyo af Iswidhishka oo luqad labaad ahaan ah.

Iswiidhish laga bilaabo maalinta kow

Adigaaga helay sharci deganaansho oo waafaqsan amarka qaxoontiga badan waxa aad xaq u leedahay inaad dhigato koorsada ”Svenska från dag ett”. Koorsadan waxaad ku baranaysa Iswiidhishka. Waxa kale oo aad ku baranaysaa wixi ku saabsan bulshada Iswiidhishka. Koorsadan waxaa laga helayaa meelo kala duwan oo ah gudaha Iswiidhan iyo iyadoo intarnetka ah.

Waa ururro waxbarasho iyo kulliyadaha dadka waaweyn kuwa bixiya koorsadan. Waa bilaash in laga qaybqaato.

"Baro af Iswiidhishka" – boggag loogu talogalay adigaaga raba inaad barato af Iswiidhishka

Dhanka Informationsverige.se ayay ku jiraan boggaga "Baro af Iswiidhishka". Halkaas ayaad ku tababaran kartaa af Iswiidhishka iyadoo la adeegsanayo kombiyuutar ama telafoon moobil ah. Waxaa ku jira casharo iyo filimo. Waa bilaash oo way sahlan tahay in la isticmaalo.

Hordhac bulsho ee loogu talagalay adigaaga ka soo qaxay Yuukrayn

Hey’adda Socdaalka waxay diyaarisay hordhac bulsho looguna talogalay dhammaan dadka helay sharci deganaansho oo waafaqsan amarka qaxoontiga badan.

Si loo awoodo in la helo hordhaca bulsho waxaad u baahantahay inaad haysato intarnet. Waxaad heli doontaa warqad ay ku qorantahay xiriirka bogga intarnetka ee hordhaca bulsho laga helayo.

Warqada wadata xiriirkan waxaa loo diraa dhammaan dadka helay sharci deganaansho oo waafaqsan amarka qaxoontiga badan ee ah 15 jir ama ka weyn. Haddii aanad helin wax warqad ah waxaad la xiriiri kartaa qaybtaada qaabilaadda ee Hey’adda Socdaalka.

Wax ka baro jaamacad ama kulliyad

Adigaaga helay sharciga degganaansho ee leh gaboodka ku meel gaarka ah sida waafaqsan go’aanka dad badan oo soo qaxay waxaad codsan kartaa inaad wax ka barato jaamacad ama kulliyad ku taala Iswiidhan. Adigu ma u baahnid inaad bixiso kharash diiwaangelin ama kharash waxbarasho. Adigu taageero lacag waxbarasho ma ka heli kartid Guddida dhexe ee taageerada waxbarashada (CSN). Si aad ugu qalanto waxbarashooyinka jaamacad ee Iswiidhan waxaad u baahantahay inaad buuxiso shuruudaha lagu galayo.

Adigu waxaad koorsooyin iyo barnaamijyo ka codsanaysaa bogga intarnatka Universityadmissions.se. Dhanka Universityadmissions.se ayaad xitaa ka akhrin kartaa dheeraad ku saabsan shuruudaha gelitaanka ee koorsooyinka iyo barnaamijyada kala duwan.

Haddii aad haysato waxbarasho dalka dibediisa ah

Haddii aad haysato waxbarasho dalka dibediisa ah waxaad heli kartaa qiimeynta waxbarashadaadi hore si loo ogaado waxa ay u dhiganto gudaha Iswiidhan. Tani waxay ku caawin kartaa marka aad tusaale ahaan codsanayso shaqo ama wax ka baranayso gudaha Iswiidhan. Waa Guddida Jaamicadaha sare iyo jaamicadaha kuwa sameeya qiimeyntan.

Haddii aad leedahay hoos u dhac awooda laxaadka ah

Hoos u dhac awoodda laxaadka ah waa hoos u dhac jir ahaan, maskax ahaan ama awoodda shaqo ee caqliyan.

Haddii aad leedahay hoos u dhac awoodda laxaadka ah oo keentay in ay kugu adagtahay inaad hadasho marka aad la xiriirto tusaale ahaan Hey’adda Socdaalka ama hey’addaha kale ee dawladeed waxaad heli kartaa caawimaad iyo taageero.

Hoos u dhac awoodda laxaadka ah raad ma ku yeelanayso fursadahaaga ah in aad hesho sharci degenaansho.

Waxa kale oo aad xaq u yeelan kartaa hoy ku haboon baahiyahaaga. La hadal qaybta ku qaabilsan ee Hey’adda Socdaalka wixi ku saabsan nooca taageero ee aad heli karto.

Haddii aad haysato sharciga degganaansho ee amarka dad badan oo soo qaxay xaq ma u lihid taageerada dhinaca LSS (sharciga taageerada iyo adeega la siiyo dadka laxaadkoodu kala dhantaalanyahay qaarkood). Laakiin waxaad la xiriiri kartaa degmadaada oo weydiin kartaa nooca taageero ee ka jirta halka aad ku nooshahay.

Waxaa jira dhowr ururro kala duwan ah oo caawimaad iyo taageero siiya dadka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah.

Hawlaha ka jira meesha aad ku nooshahay

Waxaa jira hawlo kala duwan looguna talogalay adigaaga ku cusub Iswiidhan. Degmooyinka iyo ururadu waxay hayaan hawlo kuwaas oo aad ku baran karto dad cusub kuna tababaranayso afka Iswiidhishka. Waxaa hawlo kuwaas oo aad wax dheeraad ah kaga ogaan karto bulshada Iswiidhishka iyo suuqa shaqada. Waxa jira xitaa hawlo kala duwan oo ku saabsan in la sii fiicnaysiiyo caafimaadka.

La xiriir degmadaada ama ka raadi boggooda intarnetka si aad u aragto nooca hawlaha laga helayo degmadaada.

Haddii ay ku soo gaartay rabshad dagaal ama ka ganacsiga dadka

Marka dadku qaxayaan waxaa jiri kara dad iska dhiga inay wax caawinayaan laakiin doonaya inay ka fa’iidaystaan xaaladdan. Waxaa jiri karta khatar ah ka ganacsiga dadka iyo noocyo kale oo xadgudub ah.

Ka fikir taas haddii qof kugu casuumo inuu kuu diyaarinayo safar, guri ama shaqo:

  • Marnaba ha dhiibin baasaboorkaaga, dukumentiga kale ee muhiimka ah ama telafoonkaaga.
  • Dadka ku caawinaya ka codso inay ku tusaan aqoonsigooda.
  • Hubso in aad hesho warbixin ku saabsan meesha loo safrayo iyo macluumaadka halka lagala xiriirayo kuwa mas’uulka ka ah inay diyaariyaan safarada. Qoro wixii aad ogaato.
  • Qof aad ku kalsoon tahay u sheeg halka aad joogto, halka aad ku socota iyo qofka aad la safrayso.
  • Waxa aad xaq u leedahay mushahaaro haddii aad ka shaqayso gudaha Iswiidhan. Ha aqbaal wax ah casuumad ah in aad u shaqayso si aad u hesho meel aad ku noolaato, cunto ama alaab kale.
  • La xiriir hey’addaha dawladeed ee Iswiidhishka. Iska diiwaan geli Hey’adda Socdaalka.

Haddii adiga ama qof aad garanayso ay soo gaarto dhib ah rabshad dagaal waxaa jirta caawimaad la helo. Wixi dembi ah wargeli ama u sheeg booliiska iyadoo la wacayo +46 77-114 14 00. Wac 112 haddii ay jirto xaalad deg-deg ah.

Haddii adiga ama qof aad garanayso ay haysato dhib ah hanjabaad iyo rabshad dagaal waxaad wici kartaa Khadka caawinta haweenka dhibaataysan. Khadka haweenka dhibaataysan wuu furanyahay mar walba. Waa bilaash in la waco. Adigu ma u baahnid inaad sheegto magacaaga marka aad wacdo. Telafoon lambarku waa +46 20-50 50 50. Khadka haweenka dhibaataysan waxay leeyihiin turjubaano wax ku turjuma dhowr luqadood.

Su’aalo iyo jawaabo

Bogga intarnetka Hey’adda Socdaalka waxaad ka helaysaa su’aalaha iyo jawaabaha ugu badan ee ku saabsan amarka qaxoontiga badan looguna talogalay adigaaga ka yimi Yuukrayn.

Qaraarka dad badan oo mar keliya soo qaxay wuxuu bixin karaa gabood ku meel gaar ah ugu badnaan saddex sano oo ma la sii dheerayn karo wixii ka dambeeya 4 Maarso 2025. Dawladda iyo Hey’adda Socdaalka ayaa baaraya nooca qawaaniinta khuseyn doona dadka aan dib ugu noqon karin Yuukarayn wixii ka dambeeya taariikhdaas. Hey’adda Socdaalka ayaa la xiriiri doonta dadka haysta gabood waafaqsan qaraarka dad badan oo mar keliya soo qaxay una sheegi doonta sida ay samaynayaan wakhti fiican ka hor intaan sharciyadooda ku meel gaarka ahi aanay ka dhammaan.

Maya, maaha sax. Waxaad bilaabi kartaa inaad gudaha Iswiidhan ka shaqaysa si toos ah marka laguu oggolaado sharciga deganaansho ee waafaqsan amarka qaxoontiga badan.

Haddii aad rabto in lagaa taageero inaad shaqo ka raadiso Iswiidhan waxaad iska diiwaan-gelin kartaa Xafiiska Shaqada. Adigaaga ka diiwaan-gashan Xafiiska Shaqada waxaad xitaa heli kartaa shaqooyinka qaarkood leh taageero, tusaale ahaan ”nystartsjobb”.

”Nystartsjobb” waa shaqo caadi ah, taas oo qofka ku shaqaalaysiiyay helayo gunno dhaqaale. Waa inaad shaqo raadiye ahaan ka diiwaan-gashanayd Xafiiska Shaqada ugu yaraan lix bilood si shaqo-bixiyuhu u awoodo inay ku shaqaalaysiiyaan iyadoo leh taageerada ”nystartsjobb”.

Haddii aad u baahantay baasaboor Yuukrayn oo cusub waa inaad la xiriirta Safaarada Yuukrayn ee Iswiidhan (Stockholm). Waxa aad ballan ku samaysan kartaa dhinaca telafoon ama ii-boosto.

Maya. Ma codsan kartid dheeraysiinta sharciga degenaanshaha si aad u dhammaystirto waxbarashadaada dugsiga sare. Sharcigaaga degganaansho ee ah gabood ku meel gaar ah wuxuu shaqaynayaa ilaa iyo 4 Maarso 2025. Dawladda iyo Hey’adda Socdaalka ayaa baaraya nooca qawaaniinta khuseyn doona dadka aan dib ugu noqon karin Yuukarayn wixii ka dambeeya taariikhdaas. Hey’adda Socdaalka ayaa la xiriiri doonta dadka haysta gabood waafaqsan qaraarka dad badan oo mar keliya soo qaxay una sheegi doonta sida ay samaynayaan wakhti fiican ka hor intaan sharciyadooda ku meel gaarka ahi aanay ka dhammaan.

Maya. Sharciyada daganaansho ee leh badbaado ku meel gaar ah sida waafaqsan sharciga qaxootiga badan wax xiriir ah lama laha haddii qofku ka qaybqaato waxbarasho gudaha Iswiidhan ah iyo in kale. Haddii ilmahaagu joojiyo iskool tegista gudaha Iswiidhan markaas saamayn ma ku yeelanayso sharciga degenaanshaha.

Si baabuur loogu wado Iswiidhan waa inaad buuxisay 18 jir oo haysta liisanka baabuur wadista.

Waad ku wadi kartaa baabuur Iswiidhan liisankaaga baabuur wadista ee Yuukrayn haddii uu ansax ka yahay Yuukrayn. Haddii booliisku ku joojiyo waxay la xiriiri karaan hey’adaha dawladeed ee Yuukrayn ama kaa codsan karaan inaad tusto aqoonsigaaga si loo arko in liisankan baabuur wadistu yahay ansax. Haddii liisankan baabuur wadistu aanu turjumnayn waxaa booliisku kaa codsan karaan xitaa inaad tusto kaarka sharciga deganaansho oo ansax ah (kaarka UT) si loo cadeeyo inaad haysato sharciga deganaansho ee waafaqsan amarka qaxoontiga badan.

Qawaaniinta taraafikada ee Iswiidhishka ayaa ansax ah xitaa haddii aad haysato liisan baabuur oo dalka dibediisa ah. Haddii aad jebiso qawaaniinta taraafikada ee Iswiidhishka waxaa booliiska ama Guddiga qaabilsan arrimaha gaadiidka ay kaa qaadi karaan liisankaaga baabuur wadista xitaa haddii uu yahay liisan baabuur wadis dalka dibediisa ah.

Haa. Waad baabuurkaaga Yuukrayn waad ku iibin kartaa gudaha Iswiidhan iyadoo aanad diiwaan-gelin. Markaas mulkiilaha cusub ayaa diiwaan-gelinaya baabuurkaas.

Haddii aad u baahantahay talo-bixin sharci waxaad la xiriiri kartaa sharci-yaqaan ka shaqeeya arrimaha haajiraada. Iyagu waxay aqoon u leeyihiin nooca sharciyada iyo xeerarka khuseeya qaxoontiga Yuukrayn.

Booliska Iswiidhishku waxay leeyihiin koox baarta dembiyada dagaalka ee ay dhici karto inay dhaceen xilligii Ruushka weerarkooda Yuukrayn. Waxay doonayaan inay ku dhegeystaan adigaaga loo geystay, ama markhaati ka ahaa dad kale oo shicib ah oo dhib soo gaartay, dhinaca weerar hubeysan ama rabshad dagaal oo la mid ah gudaha Yuukrayn intii ka dambeysay 24 Feebarwari 2022.

Ii-mayl u dir registrator.kansli@polisen.se oo ku calaamadi fariintaada ”till gruppen för utredning av krigsbrott”, ama toos u wac booliiska xaruntooda xiriirka ee telafoon lambar +46 77-114 14 00 markaas ayaa lagaa caawinayaa inaad la xiriirto qofka saxda ah.

Informationsverige.se waa bog intarnet lehna macluumaad urursan kuna saabsan bulshada Iswiidhishka oo ku qoral dhowr luqadood. Boggan intarnetka waxaa socodsiiya Maamulada gobolada oo hawshaas ay u dirsatay dawladda Iswiidhan.

Haddii aad hayso su’aalo ku saabsan sida Iswiidhan u shaqayso ama sida aad tusaale ahaan u codsan karto magan-gelyo waa inaad su’aashaas weydiiso hey’adda dawladeed ee mas’uul ka ah su’aashaas. Waxa kale oo aad xitaa la xiriiri kartaa xafiis adeeg.

Degmooyinka qaarkood degmada xafiiskeeda muwaadiniinta ayaa ka jawaabi kara su’aalaha.

Fiiro gaar ah u yeelo in qaybo ka mid ah warbixinta dhowr ka mid ah boggagan ay tahay mid guud. Tani micnaheedu waa in laga yaabee aanay ku khuseyn warbixnaha oo dhan adigaaga helay sharciga degganaanshaha ee waafaqsan xeerka qaxoontiga badan.