Bangi, adeegyada bangiga iyo adeegyada lacagta lagu bixiyo ee dijitaalka ah

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 8/12-2022

Halkan waxaad ka akhrin kartaa wixi dheeraad ah ee ku saabsan bangiga, kaarka bangiga, bangiga intarnatka iyo adeegyada lacagta lagu bixiyo ee dijitaalka ah. Adigu waxaad xitaa ka akhrin kartaa dheeraad ku saabsan BankID iyo sida ay u shaqayso in la lacagta lagu bixiyo aabyada moobilka.

Haweenay ag fadhida kombiyuutar yar, shaashada waxaa laga arkaa bogga bangiga ee intarnatka. Gacan waxay ku haysaa moobil telafoon oo uu ka furanyahay aabka adeega bangiga ee moobilka.

Bangi

Bangi waa shirkad badanaaba ka shaqaysa saddex wax:
lacag bixinaha, kaydinta iyo amaahda lacagta. Bangiyada iyo shirkadaha raasamaalka waxay kaa caawinayaan inaad xawisho lacag. Waxaa kale oo ay kaa caawinayaan inaad lacag kaydsato oo kuu suurtagalinayaan inaad samayso maal-gashiyo. Sidaas darteed waxay iyagu muhiim u yihiin in dhaqaaluhu si fiican u shaqeeyo. Bangi ahaan waxaa xitaa xisaabsan shirkadaha ka shaqeeya adeegyada lacag bixinta iyo lacagaha elaktarooniga ah, lacagta amaahiya macaamiisha, kaydiya lacag lagu helo ribo, sarifka lacagaha iyo hawlaha kale ee dhaqaale. Haddii aad ka yartahay 18 sano ma amaahan kartid lacag, laakiin waad kaydsan kartaa oo lacag bixin kartaa labadaba haddii dadka mas'uulka kaa ahi oggolyiiin arintan. Si loo kaydiyo lacag loona bixiyo lacag waxay bangiyadu leeyihiin adeegyo kala duwan, sida tusaale ahaan xisaab bangi, bangiga intarnatka, kaar bangi iyo bangiga telafoonka.

Si loo awoodo in wax kuugu socdaan bulshada qaab fiican waxaa muhiim ah inaad haysato saddex adeegyo bangi oo muhiim ah: xisaab bangi, kaar bangi iyo bangiga intarnatka.

Macmiil ka noqo bangi

Adigaaga helay sharciga deganaansho waa inaad samaysaa diiwan-gelinta dadweynaha sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah. Markaasi waxaad helaysaa tobanka lambar ee aqoonsiga ee Iswiidhan. Marka tani dhamaato ayaad codsan kartaa kaarka aqoonsiga Iswiidhan. Marka aad hesho kaarkaaga aqoonsiga ee Iswiidhan ayaad furan kartaa xisaab bangi.

Ka hor intaanad macmiil ka noqon bangi oo helin adeegyada bangiga waxaa bangigu u baahanyahay inuu hubiyo aqoonsigaaga. Bangigu waxaa kale oo uu u baahanyahay inuu ogaad halka lacagtaadu ka imanayso iyo sida aad u isticmaali doonto adeegyada bangiga. Sidaas darteed waxay ku weydiin doonaan su'aalo ka hor intaanad helin adeegyada bangiga.

Xisaab bangi

Waa inaad haysataa xisaab bangi si aad u maarayso dhaqaalahaaga gaarka kuu ah. Xisaabta aad u baahantahay waxay lahaan kartaa magacyo kala duwan tusaale ahaan xisaab mushahaaro, xisaab xawilaad, xisaab shakhsiyan ah, xisaab gaar ah ama xisaabta lacag bixinta. Wax macno ah ma laha magaca xisaabta. Ta muhiimka ahi waa inaad awooddo helista adeegydan soo socda:

  • Lacag soo gelida, sida mushahaaro iyo kaalmo
  • Lacag bixinta dhanka xawilaada, lacag bixinta brevgiro iyo autogiro
  • La bixida lacag naqad ah

Kaar bangi

Si loo awoodo in si fiican loogu maareeyo xisaabtan waxaad xitaa u baahantahay kaar bangi. Markaad lacag bixinayso ama kula soo baxayso kaarkan waxaa lacagtan laga jarayaa xisaabta bangiga ee kaarkani ku xiriirsanyahay. Waxaa jira noocyo kaar oo kala duwan sida Visa ama Mastercard. Kaarkan waxaad ku samayn kartaa waxyaabaha soo socda:

  • Lacag ku bixinta dukaanada
  • Lacag ku bixinta intarnatka
  • Lacag kala soo bixida makiinadaha lacagta

Bangiga intarnatka

Dhanka bangiga intarnatka ee shakhsiyaadka gaarka ah waxaad ku bixin kartaa biilasha, saxeexida caymisyo iyo eegida amaahdaada marka adiga kuu haboon. Wuu jiraa xitaa bangiga intarnatka oo loogu talogalay caruurta iyo dhalinyarada iyo adigaaga leh shirkad gaar ah. Dhanka bangiga intarnatka si degan oo xasiloon ayaad adigu ku samayn kartaa arimahaaga bangiga marka aad doonayso. Marka aad gasho waxaad si fudud u arkaysaa xisaabahaaga, kaarkaaga, deymanka iyo hantidaada. Halkan ayaad xitaa ku maarayn kartaa adeegyada kala duwan sida tusaale ahaan BankID iyo Swish.

BankID

BankID waa aqoonsi shakhsi oo elaktaroonig ah, xitaa waxaa lagu magacaabaa aqoonsiga elaktarooniga ah. BankID waa qaab sahlan in lagugu aqoonsado si tusaale ahaan loo galo heshiis oo si elaktaroonig ah loogu saxeexo lacag bixinaha intarnatka. In la isticmaalo saxeexa elaktarooniga ah dhanka BankID waa mid sharciyan aad ku xirmayso qaab la mid ah sida saxeex warqad ah.

Bangiga ayaa bixiya BankID. Si aad u samaysato BankID waxaad u baahantahay inaad lahaato tobanka lambar ee aqoonsiga ee Iswiidhan.

Amaanka:

  • BankID waa aqoonsi shakhsi oo elaktaroonig ah. Ha isticmaalin BankID haddii qof kale kaa codsado inaad samayso, tusaale ahaan haddii lagaala soo xiriiro telafoon ama baraha bulshada ee intarnatka.
  • Lambarka sirta ah ee amaanka ee BankID adigu aad leedahay waa mid shakhsiyan ah. Marnaba lambarka sirta ah ee amaanka ha siin qof kale. Waxaa jirta khatarta in lagu khiyaameeyo.

Dirida iyo gudoomid lacag dhanka moobilka

Adigu waxaad lacag bixinta ku samayn kartaa aababka moobilka. Tusaalooyin ka mid ah waa Swish, Samsung Pay iyo Apple Pay. Aababkan waxaad lagu xawili karaa lacag dhanka shakhsiyaadka gaarka ah dhexdooda iyo shirkadaha. Lacagahan waxaa si toos ah looga qaataa xisaabta. Waxaa fiican in la ogaado in bangi kastaaba isagu go'aamiyo khidmadaha gaarka u ah. Adigu waa laguu soo diri karaa lacag xitaa adigoon haysan moobil casri ah.

Sida aad u bilaabayso Swish:

  • Si loo isticmaalo Swish si loogu diro lacag waxaad u baahantahay inaad soo dejisato app-ka Swish iyo BankID dijitaalka ah dhanka moobilkaaga. Tani waxaad ka samayn kartaa dhanka Google Play ama App Store.
  • Waxaa kale oo aad u baahantahay inaad gasho bangigaaga intarnatka ama moobilka halkaas oo aad xisaabtaada bangiga ku xiriirin karto Swish.
  • Waxaad Swish ku dhaqaajin kartaa inaad furto app-ka Swish kuna xiriiriso lambarkaaga telafoonka.

Lacagta ku bixi oo arrimaha bangiga ku maaraa moobilka

Waa caadi in qofku arrimahiisa bangiga iyo lacag bixinaha ku sameeyo telafoonka moobilka. Haddii aanad telafoonka moobilka taas ugu isticmaalin horey way yara adkaan kartaa in la bilaabo. Waxaa jira tilmaamayaal fiican oo laga eegto sida looga isticmaalayo dhinaca iPhone iyo telafoonada Android ah. Tilmaamayaashan waxay tallaabo, tallaabo u guud marayaan sida aad u soo dejisan karto ee u bilaabi karto BankID iyo Swish iyo sida sida aad u bilaabayso lacag bixinaha iyadoo la adeegsanayo caawimaada telafoonkaaga moobilka.