Dhaqaalaha guriga

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/12-2022

Dakhliyada iyo kharashaadka gurigaaga waa dhaqaalaha gurigaaga. Si loo helo dhaqaale guri oo fiican waa inaad isku dheeli-tirtaa lacagaha ku soo gala iyo lacagaha aad kharashgarayso bil kastaba.

Si looga war-hayo dhaqaalahaaga waxaa fiican inaad samayso miisaaniyad sahlan. Ururi oo qor dakhliyadaada iyo kharashyadaada oo macluumaadkan isticmaal marka aad qorshaynayso miisaaniyada bisha soo socota. Markaasi waxaad fahmaysaa wax walba kharashkooda iyo inta aad wax ku iibsan karto.

Kharashaadka miisaaniyadu way ku kala duwanyihiin guryuhu. Hey'ada Macaamiisha waxay sanad kastaba samaysaa xisaabinta waxa kharashyo macquul ah dhanka qayb ka mid ah kharashyada ka jira guri. Waxaad isticmaali kartaa lambaradooda inay saldhig u ahaato markaad samaynayso miisaaniyadaada gaarka ah. Dhanka bogga intarnatka ee Hallå Konsument waxaa xitaa ku jirta xisaabinta miisaaniyad taas oo aad isticmaali karto si aad u xisaabiso miisaaniyada gurigaaga.

Haddii miisaaniyadaadu ay kugu filnaan waydo bal eeg in uu jiro kharash aad meesha ka saari karto. Adigu waxaad mararka qaarkood kharashyadaada ku yarayn kartaa haddii aad doorato wax raqiis ah. Marar kalena waxaad lacag ku kaydin kartaa inaad doorato wax leh tayo saraysa oo wakhti badan ku haysa.

Iska ilaali inaad wax ku iibsato nidaamka in qayb-qayb lacag loo bixiyo iyo inaad qaadato amaah deg-deg ah haddii aad wax iibsanayso. Taas badelkeeda ka fikir haddii aad kaydin karto lacag. Amaahda deg-dega ah iyo in wax lagu iibsado in qayb-qayb lacagta loo bixiyo waxay badanaaba wadataa ribo iyo kharashyo kuwaas oo iibsigan ka dhiga mid aad qaali u ah.