Dhaqaale, lacag iyo xisaabaadka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/5-2023

Ereyga dhaqaale waxay ka timi kalmada giriiga ah ee oikonómos oo micnaheedu tahay maareynta arimaha guriga. Tani micnaheedu waa qorshaynta dhaqaalaha si loogu hayo xadyo la doonayo. Dhaqaalaha arintani waxay ahaan kartaa lacag, alaab ama hantida kale.

Dhaqaalaha maalinlaha ah wuxuu ku saabsanyahay isku dheeli-tirka dakhliyada iyo kharashyada. Dakhliyadu waa tusaale ahaan mushahaaro iyo kaalmo. Kharashyadu waa tusaale ahaan xisaabaadka iyo lacagta si loogu iibsado raashin, dhar iyo kabo.

Mararka qaarkood waxaa dhici kara waxyaabo aan la filayn oo markaasi waxaa fiican in la haysto lacag la kaydsaday, waxa lagu magacaabo iska moosid, taas oo aad si dhakhso ah u haysato haddii loo baahdo. Haddii kale waxaa adkaan karta in la dabaro kharashyada aan la filayn.

Qaab loo qorshayn karo dhaqaalaha maalinlaha ah waa in la samaysto miisaaniyad sahlan. Miisaaniyadan waxaad meel keliya ku ururinaysaa macluumaadka dhamaan dakhliyada qorshaysan iyo kharashyada. Qaabkaas ayaad u helaysaa sawirka guud ee dhaqaalahaaga.

Waxaa jira waxyaabo badan oo abuuri kara dhaqaale maalmeed xun. Tusaale ahaan in la lahaado kharashyo badan dhanka raashinka, baabuur iyo dhar. Xitaa heshiisyada isgaarsiinta ee qaaliga ah, dalbashooyinka, amaahda iyo caymisyadu waxay keeni karaan inay adkaato in dhaqaalaha maalinlaha ahi kuu shaqeeyo.