Heshiis, rukumasho, xisaabaha lacag bixinta iyo deynka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 13/2-2024

Halkan waxaad ka akhrin kartaa dheeraad ku saabsan heshiis, rukumasho, xisaabaha lacag bixinta iyo deynka iyo waxay ay tahay calaamada lacag bixinta.

Heshiis

Marka adiga ama dhinac kale aad ku heshiisaan wax markaasi waxaad gasheen heshiis. Heshiiskani waxaa ku xirmaya labada dhinac oo tani waxay tahay in labadiinuba aad samaysaan wixii heshiiskan lagu ballan qaaday in la sameeyo, tusaale ahaan in dhinac uu keeno alaab ka dibna dhinaca kale uu bixiyo lacagta.

Marka aad wax ka iibsato dukaan ama intarnatka ka ballansato safar waxaad gashay heshiis. Waa inaad ahaato 18 sano si aad heshiis u geli karto. Waxaa jirta faa'iidooyin badan oo heshiis leeyahay iyo qawaaniin kala duwan oo khuseeya kuna xiran waxa aad ku heshiiseen.

Waxaad geli kartaa heshiis hadal ama qoraal ahaan ah labadaba. Dhanka qaababka heshiisyada qaarkood waxaa shuruud u ah in heshiisku yahay qoraal si uu u noqdo mid lagu xirmo, tusaale ahaan iibsashada guri.

Adigu uma baahnid inaad lacag ka bixiso wax aanad dalban

Si heshiis u noqdo ansax waa inaad aqbashay soo bandhigid ama dalbatay wax. Haddii shirkad sheegato inaad wax dalbatay, waa in shirkadaasi ay xitaa caddayn karto arrintan.

Adigu uma baahnid inaad lacag ka bixiso wax aanad dalban, laakiin waxaad mar kastaba u baahanaysaa inaad la xiriirto shirkadan oo ka dacwooto. Ka dacwood micnaheedu waa inaad diidantahay shirkadan shuruudeeda qaldan ee in lacag lagaa qaado.

Qoraal ahaan u dacwood, tusaale ahaan e-boostada oo kaydi nuqulka e-boostadaada ama warqada. Xitaa waajib ma kugu aha inaad bixiso lacagta alaab celinta dhanka wax aanad adigu dalban.Lacagta alaab celinta waa kharashka dib loogu dirayo alaab iibiya. Haddii shirkadani ay doonayso in loo soo celiyo alaabtan waxaad ka codsan kartaa warqada boosta ee lagu celinayo.

Rukumasho

Rukumasho waa heshiis uu alaab qaybie si joogto ah macmiil ugu soo gudbiyo alaab ama adeeg. Rukumasho waxay ansax ahaan kartaa wakhti cayiman ama joogto ah. Alaab qaybiye waa qofka ama shirkada bixisa alaab ama adeeg.

Rukumasho waxay tusaale ahaan noqon kartaa heshiis in bixiyo koronto, in laga wacdo shirkad moobiil oo gaar ah ama in la daawan karo Tiifiiga lacagta laga bixiyo dhanka kaabalka ama satalaytka.

Badanaaba waa alaab qaybiyaha kuwa soo diyaariya heshiiskan. Heshiiskan badanaaba waa qoraal qaab ahaan loo isticmaali karo xaalado ganacsi oo la mid ah. Tani micnaheedu waa in adigu macmiil ahaan badanaaba aanad raad ku yeelan karin sida heshiiskani u eekaanayo. Adigu macmiil ahaan waxaad dooran kartaa inaad aqbasho heshiiskan rukumashada ama doorato alaab qaybiye kale.

Macmiilka badanaaba waxaa lagu magacaabaa rukunte.

Dabinka rukumashada

Dabinka rukumashada wuxuu ka koobanyahay soo bandhigid soo jeedasho leh iyo badanaaba carbuun qarsoon. Dhanka intarnatka welib ugu horeyn baraha bulshada waxaa caadi ku ah soo bandhigyo alaab raqiis ah kuwaas oo keena marka dambe carbuun kharash badan. Tusaale ahaan soo bandhigida in laga qayb qaato baaritaan suuqa ganacsiga ah oo lagu helo iibsashada telafoon qiimihiisu aad raqiis u yahay. Waxaa kale oo ay noqon kartaa soo bandhigid tijaabo dhanka alaab caafimaad taas oo ay u muuqato in kharashka alaabta lagu soo dirayaa uu yahay waxa keliya ee macmiilku u baahanyahay inuu bixiyo. Dabinada rukumashada waxaa kale oo ay ka yimaadaan dhanka telafoon wax ku iibinta.

  • Haddii markii hore aanay caddayn in soo bandhigidani ku xirnayd carbuun markaasi adiga si ootomaatik ah ma kuugu aha waajib inaad bixiso lacag.
  • Adigu waxaad qaanuun ahaan xaq u leedahay inaad is-badashid gudaha 14 maalmood haddii aad heshiis meel fog lagala galay shirkad ka diiwaan gashan gudaha Midowga Yurub, Noorway ama Iislaand.
  • Waajib ma kugu aha inaad bixiso kharashka lagu celinayo alaab aanad dalban.
  • Inta ay socoto dacwadaada sheegashadan qaladka ah ee shirkadan uma baahnid inaad ka wel-welto calaamadaha lacag bixinta.
  • Qoraal ahaan dacwad ugu dir shirkadan tusaale ahaan e-boostada oo kaydi nuqulka e-boostadaada ama warqada.

Hallå konsument waxay sameeyeen filimo sharaxaya dabinada rukumashada. Filimadan waxaa lagu helayaa af Iswiidhish oo keliya.

Waxaad heli kartaa talo-bixin bilaa kharash ah haddii aad u malaynayso inaad ku dhacday dabin rukumasho:

Xisaabaha lacag bixinta

Xisaab lacag bixin waa warqad cadaynaysa kharashka wax. Xisaabta lacagta waxaa ku qoran macluumaadka ku saabsan inta ay tahay inaad bixiso. Waxaad tusaale ahaan heli kartaa xisaabta lacag bixinta telafoon ama xisaabta lacag bixinta ee dugsiga xanaanada iyo dugsiga xilli firaaqaha. Waxaa kale oo kuu iman kara xisaabta lacag bixinta tiifiiga, korontada iyo diirimaadka guriga. Xisaabta lacag bixinta waxaa lagu magacaabaa qaan sheeg.

Waa inaad bixisaa xisaabaha lacag bixinta ka hor maalinta lacag bixinta ee ku qoran. Ka fikir mar kastaba inay qaadan karto dhowr maalmood laga bilaabo markaad dirtay lacagtan ilaa inta kuwa loo diray helayaan. Badanaaba waxaa ku qoran "Betalning oss tillhanda" ama "Förfallodag" iyo taariikh. Tani micnaheedu waa in lacagtan ay soo gaarto ugu dambeyn taariikhdaas.

Waxaad tegi kartaa bangiga kana bixin kartaa xisaabaha lacagta, laakiin tani badanaaba wakhti dheer ayay qaadataa waana qaali. Bangiyo badan waxay qaataan khidmad sareysa haddii dhankooda aad ka bixinayso.

Waxaa ka dhakhso badan in laga bixiyo dhanka intarnatka. Xitaa tan ayaa raqiis ah. Si lacag looga bixin karo intarnatka waa inaad marka hore leedahay xisaab bangi. Markaasi bangiga ayaa xisaabtaada ku xiriirin kara adeega bangiga intarnatka. Dhanka bangiga intarnatka waxaad ku bixin kartaa xisaabahaaga adigoo isticmaalaya kombiyuutar.

Xisaabaha lacag bixinta waxaa ku qoran lambarka xisaabta bangi-jiirada ama boos-jiirada kuwa aad lacagtan siinayso. Adiga ayaa qoraya lambarka xisaabta aad lacagta siinayso adigoo isticmaalaya bangiga intarnatka.

Qaan sheegashooyinka qaladka ah qaan sheegashooyinka beenta ah

Mararka qaarkood shirkaduhu si qalad ah ayay u soo diraan qaan sheegashooyin oo waad heli kartaa qaan sheegasho qalad ah. Waxaa qalad ahaan karta qaan sheegashada oo dhan ama qaybo ka mid ah.

Tani waxaa xitaa lagu magacaabaa qaan sheegasho been ah marka aad hesho qaan sheegashada alaab ama adeeg aanad adigu dalban.

  • Markastaba ka bilow inaad la xiriirto shirkadan oo u sheegto qaladkan.
  • Qoraal ahaan dacwad ugu dir shirkadan tusaale ahaan e-boostada oo kaydi nuqulka e-boostadaada ama warqada.
  • Ha isticmaalin alaabtan ama adeegan aad heshay ee aanad dalban.

Waxaad heli kartaa talo-bixin bilaa kharash ah kuna saabsan sida aad uga dacwoonayso qaan sheegasho:

Deymanka iyo calaamada lacag bixinta

Waa maxay deyn?

Deyn waxaa la galay isla markiiba marka qofka ay waajib wax ku noqdaan. Xaaladaha badankooda waxaa deynku ku saabsanyahay lacag, caadi ahaan xisaabo lacag bixin oo aan la bixin iyo amaah.

Xisaabaha lacag bixinta lagaa rabo ku bixi wakhtigooda

Xisaabaha lacag bixinta waa khasab in lagu bixiyo wakhtigooda. Haddii aad seegto inaad wakhtigeeda ku bixiso xisaabtaada waxaad deyn ugu jirtaa iibiyaha. Markaasi iibiyuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu ku darsado khidmada xusuusinta iyo ribada la habsaamida. Kharashyadan waxaa lagu darayaa xisaabtan aanad bixin. Sidaas darteed deynku wuu kordhaa haddii aanad wakhtigeedi ku bixin. Deynku si dhakhso ah ayuu u badan karaa.

Haddii aad heshay xusuusin waa inaad lacagta bixisaa sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah si aanad ugu dhicin deyn intaasi ka sii weyn.

Haddii weli aad bixin waydo xisaabtan ka dib markaad heshay xusuusinahan waxaa shirkada ama wakiilka shirkadu u diri karaan shirkada deynka soo ururisa. Tani micnaheedu waa inaad heshay fursadi ugu dambeysay inaad ku bixiso xisaabtan kharashyadeeda iyo khidmadaha dheeraadka ah iyo ribada ka hor intaan arrintan loo gudbin Hey'ada dawladeed ee soo ururinta deynka.

Laakiin maaha inaad bixiso wax aanad dalban. Markaasi waa inaad ka dacwootaa qaan sheegashadan, dheeraad ka akhri qaybta "Qaan sheegashooyinka qaladka ah ama qaan sheegashooyinka beenta ah".

Shuruuda Hey'ada dawladeed ee soo ururinta deynka

Haddii shuruud kaaga timi Hey'ada dawladeed ee soo ururinta deynka, waxa lagu magacaabo amarka lacag bixinta, oo aad isla markiiba bixiso lacagtan markaasi ma kugu dhacayso calaamada lacag bixinta.

Haddii aad u aragto in shuruudani qalad tahay waad ka dacwoon kartaa. Tani waxay tahay in adigu aad la xiriirayso Hey'ada dawladeed ee soo ururinta deynka
oo u sharaxayso waxa qaladka ah.

Maxay tahay micnaha calaamada lacag bixinta?

Calaamada lacag bixinta waa calaamad ka jirta dhanka shirkadaha baara deynka kuna saabsan in adigu aad si fiican u daryeeshid lacag bixinaha. Shirkadaha baara deynka waxay macluumaad ka soo ururiyaan meelo ay ka mid tahay Hey'ada dawladeed ee soo ururinta deynka. Marka aad ay kugu dhacdo in laguu diiwaan-gelyay calaamada lacag bixinta waxaa kugu adkaan karta inaad kireysato guri, alaab ku iibsato deyn loo bixiyo qayb qayb ama codsato amaah bangi. Micnihii maaha suurtagal in la iska indho tiro deymanka. Calaamada lacag bixinta waxay diiwaan-gashanaataa ugu yaraan saddex sano.

Maxaan samaynayaa haddii aanan iska bixin karin lacagtan?

Mararka qaarkood waxaa soo bixi kara xaalado keeni kara in aanad lacagta ku bixin karin wakhtigeedi. Waxay ahaan kartaa xanuun, shil ama in adigu sababo kale awgood aanad shaqayn lacagtan badan ee loo baahanyahay si aad u bixiso deynkaaga. Markaasi sida ugu dhakhso badan ula xiriir alaab iibiyahan aad heshiiska la gashay ama deynkan kaga jirto. Qaabkan ayaa laga yaabaa in idinku aad ku heshiisaan qorshe ah in qayb qayb loo bixiyo lacagtan.

Adigu waxaad heli kartaa talo bixin bilaa kharash ah oo ku saabsan heshiisyada, rukumashada, xisaabaha lacag bixinta iyo deymanka:

Talo-bixinta miisaaniyada dhaqaale iyo deynka:

Waxaad caawimaad ku saabsan dhaqaalahaaga ka heli kartaa degmada aad degantahay. Dhamaan degmooyinku waxay bilaash ku bixiyaan talo-bixinta miisaaniyada dhaqaale iyo deynka.