Caymisyada

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/5-2023

Waxaa jira caymisyo gaar ah oo kala duwan kuwaas oo aad saxeexi karto si aad u ilaaliso naftaada iyo alaabtaada. Lahaanshaha caymis waxaad mag-dhow ku heli kartaa haddii wax shil ahi ku dhaco wixii ama shayga aad caymiska gelisay.

Caymis gaar ah wuu ka duwanyahay caymisyada guud sida Qasnada Caymiska iyo Hey'ada Hawl-gabka ay gacanta ku hayaan. Caymisyada guud oo xitaa lagu magacaabo caymisyada bulshada waxaa ku jira gunada bukaanka, lacagta hawl-gabka iyo gunada waalidka. Waxaa adiga iyo alaabtaada lagama maarmaan idiin noqon karta ilaalin dheeraad ah oo dheer caymisyada bulshaaada.

Qofku wuxuu caymis ka saxeexaa dhanka shirkad caymid. Lacagta qofku u bixiyo caymis waxaa lagu magacaabaa kharash ama kharash caymis.

Caymiska guriga

Caymiska guriga wuxuu bixiyaa ilaalin aasaasi ah taas oo dadka oo dhan u baahanyihiin. Ku dhawaad dhamaan dadka Iswiidhan waxay leeyihiin caymis guri. Adiga waxaa lagugula talinayaa inaad mid yeelato. Caymiskan wuxuu ku ilaalinayaa hantidaada dhanka dabka, dhaawac ama in la xado. Caymiska guriga waxaa xitaa ku jirta caymisyada mas'uuliyadaha, ilaalin sharciyan ah, ilaalinta weerar iyo caymiska safarka.

Caymisyada lacagta hawl-gabka

Caymiska caruurta

Waalidka badankoodu waxay caruurtooda u saxeexaan caymiska caruurta. Caymiska caruurta wuxuu bixin karaa magdhow xilliga hoos u dhac awooda laxaadka ah oo jir ama maskax ahaan ah oo joogto ah, haddii ilmahaagu xanuusado wakhti dheer iyo xilliga awooda shaqo oo hooseysa. Waxa ku jira caymiska caruurta way kala duwantahay. Sidaas darted waxaa muhiim ah inaad akhrido waxa caymiskani khuseeyo ka hor intaanad saxeexin. Caymis caruur oo fiican wuxuu bixiyaa magdhow dhanka cudur iyo xaalad shil labadaba.

Caymiska cudurka iyo xaalad shil

Caymiska cudurka iyo xaalad shil wuxuu ku siin karaa magdhabid dhaqaale haddii aad xanuusato ama gasho shil.

Caymiska nolosha

Caymiska nolosha wuxuu magdhabid dhaqaale siiyaa ehelka qofka geeriyooday haddii aad geeriyooto.

Caymisyada baabuurka

Haddii aad leedahay baabuur waa in sida ku cad sharciga aad lahaataa caymiska taraafikada si aad u kaxayso baabuurkan. Caymiska baabuurka waxaa la saxeexaa laga bilaabo maalinta aad iibsatay baabuurkan. Haddii baabuurkan aanu caymis ku jirn waxaad bixinaysaa kharashka caymiska taraafikada. Kharashka caymiska taraafikada waxaa la qaadaa maalin kasta oo baabuurkani ahaa bilaa caymis oo wuu ka sareeyaa kharashka caymiska ee caadiga ah.

Caymiska taraafikada wuxuu magdhabaa dhamaan dhaawacyada qofka soo gaara iyo dhaawacyada hanti kale ee aad ku sababtay baabuurkan. Haddii aad doonaysid inaad baabuurkan gelisid caymis dheeraad ah waxaad saxeexi kartaa caymis buuxa ama mid kala bar ah dhanka baabuurkaaga.