Wax ka iibsiga dhanka intarnatka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/12-2022

Way sahlanaan kartaa in wax laga iibsado dhanka intarnatka. Laakiin si iibsigaaga dhanka intarnatka u ahaado mid amaan ah ilaa intii suurtagal ah waxaa jira dhowr waxyaabood oo ay tahay inaad ka fikirto.

Wax ka ogow shirkadan

Eeg inuu jiro cinwaan iyo telafoon lambar lagala xiriiro shirkadan. Tijaabi inaad la xiriirto shirkadan adeegeeda macmiisha. Shirkadan adeegeeda macmiisha waa inuu ahaado mid si fudud loola xiriiri karo.

Eeg dadka kale fikradooda ku saabsan shirkadan. Dhanka intarnatka waxaad ka akhrin kartaa dheeraad ku saabsan fikrada dadka kale ee waxa shirkadani ku fiicantahay ama ku xuntahay.

Casuumado raqiis ah

Mar kastaba ka shaki casuumadaha aadka raqiiska u ah ee dhanka intarnatka. Tani waxay ahaan kartaa casuumad soo jiidasho leh oo ku saabsan alaab raqiis ah taas oo keeni karta rukmasho qaali ah. Rukmasho waxaa xitaa lagu magacaabaa heshiis. Waxaa adkaan karta in la joojiyo heshiis.

Akhriso shuruudaha iibsiga oo eeg qiimaha guud, shuruudaha wakhtiga alaabtan ku imanayso iyo shuruudaha lacag bixinta.

Mar kastaba akhri shuruudaha iibsiga ama shuruudaha heshiiska ka hor intaanad wax ka iibsan shirkad.

Eeg inta uu noqonayo qiimaha guud ee waxa aad doonaysid inaad iibsato. Eeg waxa ku jira qiimahan, tusaale ahaan kharashka in alaabtan laguu soo diro.

Eeg inta uu leegyahay wakhtiga alaabta ku imanayso, micnihi inta ay leegtahay wakhtiga uu leegyahay in alaabtan la helo.

Eeg sida aad u bixin karto lacagta alaabtan. Marka aad wax ka iibsanaysid intarnatka waxaad lacagta u bixin kartaa qaabab kala duwan. Eeg noocyada lacag bixinta ee jira iyo waxa micnahoodu yahay.

Haddii aad lacagta ku bixinayso kaarka bangiga markaasi kaarka ku bixi oo keliya dhanka boggaga intarnatka ee amaanka ah. Marka bog intarnat yahay amaan wuxuu cinwaanka boggan ka bilaabmaa "https" taas oo baddel u ah "http". Haddii uu jiro sawirka quful ku yaala halka cinwaanka ee cinwaanka boggan waxay tani muujinaysaa in shirkadan tahay mid si dheeraad u ah bog intarnat oo amaan ah.

Loogu talogalay adigaaga aan haysan kaar aqoonsi

Miyaad dhawaan lambarka aqoonsiga ka heshay Hey'ada Cashuuraha? Ka fikir in aanad intarnatka wax ka iibsan ka hor intaanad helin kaarkaaga aqoonsiga, micnihii kaarka lagugu aqoonsanayo. Adigu waa inaad kaarkaaga aqoonsiga tustaa si aad alaab uga soo qaadato wakiilka alaabta la soo diray ama wakiilka boosta.

Dib uga noqoshada iibsi iyo ka cabashada alaab cun ama adeeg

Marka aad wax ka iibsato intarnatka waxaad xaq u yeelan kartaa inaad dib uga noqoto waxaad iibsatay ama aad ka cabato wixii aad iibsatay. Ka cabashada micnaheedu waa inaad ka cabanayso wax ka xun alaab ama adeeg aad iibsatay.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan in wax laga iibsado intarnatka

Bogga intarnatka ee Hallå konsument waxaa ku jira macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan in wax laga iibsado intarnatka. Hallå konsument waxay xitaa leedahay shaqaale ka jawaabi kara su'aalaha ku saabsan iibsiga alaabta, ka cabashada alaab la iibsaday iyo wixi kale ee adigu macmiil ahaan aad u baahantahay caawimaad.