Xuquuqda marka aad iibsato alaab iyo adeegyo

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 2/10-2023

Iswiidhan waxaa ka jira sharciyo ku ilaalinaya marka aad iibsato alaab iyo adeegyo. Sharciyadan waxay ku siinayaan tusaale ahaan xaqa inaad ka cabato alaab aad iibsatay iyo inaad dib uga noqoto.

Caddaynta lacag bixinta

Waxaad xaq u leedahay inaad hesho caddaynta lacag bixinta markaad wax ka iibsato dukaan. Haddii aad dhanka intarnatka wax ku iibsatay waxaad xaq u leedahay inaad hesho xaqiijinta dalabkan. Ka fikir inay fiicantahay inaad kaydiso caddayntan wixi aad iibsatay iyo intaad lacag ka bixisay.

Caddaynta lacag bixinta waa inay ku qornaataa macluumaadka taariikhda, qiimaha, magaca badeecadan iyo tirada alaabtan. Waa inay xitaa ku qornataa magac, lambarka shirkada iyo cinwaanka shirkadan.

Cabbasho

Haddii wax ka xunyihiin alaabtan ama adeegan aad iibsatay waxaad xaq u leedahay inaad ka cabato. In laga cawdo waxay tahay in cabasho laga gudbiyo waxa xun. Iibiyuhu waa inuu fursad u helo inuu hagaajiyo wixi ka xumaa alaabtan. Badanaaba waxaad helaysaa alaab cusub oo lagu badalo tii xumayd. Marka aad iibsato adeeg waa in iibiyuhu saxo qaladkan.

Waxaad xaq u leedahay inaad samayso cabasho haddii aad leedahay xaqa wax kale ku baddalka ama aanad lahayn. Xitaa alaabta lagu iibsado qiimahoodi oo raqiis laga dhigay waa laga caban karaa haddii wax ka qaldanyihiin. Gudaha Iswiidhan waxaad leedahay xaqa ka cabashada muddo saddex sano ah.

La xiriir iibiyaha oo u sheeg waxa ka qaldan alaabtan ama adeegan sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah ka dib markaad iibsatay. Haddii aad ka cabato gudaha laba bilood oo ka soo bilaabanta markii aad ogaatay qaladkan markaasi waxay tani xisaabsantahay wakhti macquul ah. Wakhti macquul ah micnaheedu waa wakhti caqli gal ah.

  • Mar kastaba kaydi caddaynta lacag bixinta markaad iibsato alaab. Markaasi waxaa sii fududaanaysa inaad celin karto alaabtan.
  • Cabashada ku gudbi qoraal ahaan, tusaale ahaan dhanka e-boostada.

Kaydi koobiga cabashadaada si aad u caddayn karto inaad ka cabatay iyo xilligii aad u cabatay iibiyaha.

Iiibka furan

In wax lagu iibsado iibka furan micnaheedu waa inaad lacagta dib u helaysid haddii aanad doonayn alaabtan oo aad dib u celiso wakhti cayiman.

Waxaa jira sharci xaq kuu siinaya iibka furan. Iibka furan bixinteedu khasab maaha taas oo micnaheedu tahay in dukaamadu ay go'aamiyaan qawaaniintooda. Tani waxay tahay in qaar ka mid ah dukaamada ay bixiyaan 30 maalmood oo iibka furan ah halka kuwa kalena aanay bixin wax ah iib furan.

  • Mar kastaba dukaanka weydii nooca qawaaniinta ka shaqeeya halkaas.
  • Eeg caddaynta lacag bixinta inay ku qorantahay dhererka wakhtiga aad haysato fursada iibka furan.
  • Kaydi cadaynta lacag bixinta oo dib u celi alaabtan ka hor intaan wakthigi iibka furan kaa dhamaan.

Xaqa wax kale ku badalka

Xaqa wax kale ku badalka micnaheedu waa inaad dib u soo celin karto alaab aad iibsatay oo dooran karto mid kale oo aad ku badalato.Dib uma helaysid lacagta marka ay noqoto xaqa wax kale ku badalka.

Ma jiro wax sharci ah oo sheegaya inaad leedahay xaqa wax kale ku badalka. Xaqa wax kale ku badalka khasab maaha taas oo micnaheedu tahay in dukaamadu ay go'aamiyaan qawaaniintooda.

  • Mar kastaba dukaanka weydii nooca qawaaniinta ka shaqeeya halkaas.
  • Eeg caddaynta lacag bixinta inay ku qorantahay dhererka wakhtiga aad haysato xaqa wax kale ku badalka.
  • Kaydi cadaynta lacag bixinta oo dib u celi alaabtan ka hor intaan wakthigi wax kale ku badalku kaa dhamaan.
  • Alaabtan celi iyadoo ah siday ahayd markaad iibsatay.

Xaqa dib uga noqoshada

Markaad alaab ka iibsato dukaan markaasi xaq uma lihid inaad dib uga noqoto waxaad iibsatay. Waxaad xaq u leedahay inaad dib uga noqoto oo dib u hesho lacagtaadi haddii aad wax ka iibsatay adigoo meel fog ka joogay sida tusaale ahaan intarnatka, iibiye dhanka telafoonka ah ama dalabka boosta. Waxaa kale oo aad xaq u leedahay inaad dib uga noqoto haddii aad heshiis la gashay iibiye jooga dukaan hortiisa. Heshiis waa wax lagu heshiiyay qoraal ama hadal ahaan.

Adigu waxaad dib uga noqotid gudaha 14 maalmood haddii aad heshiis meel fog adigoo ka jooga gashay ama banaanka dukaanka iibiyaha.

  • Wakhtiga dib uga noqoshada wuxuu bilaabmaa maalinta ka dambeysa markaad heshay alaabtan. Haddii aad adeeg iibsatay waxaa wakhtiga dib uga noqoshada la xisaabiyaa maalinta ka dambeysa markaad gashay heshiiskan. Wakhtiga dib uga noqoshada waa wakthiga aad haysato inaad dib uga noqoto wax aad iibsatay. Dhanka iibka dhinaca iibinta telafoonka waxaa heshiis la galay ugu horeyn marka aad xaqiijisay qoraal ahaan.
  • Shuruuda qoraal ahaan waxay khuseysaa heshiisyada qoraalka ah ee dhanka warqad iyo qaab elaktaroonig ah, tusaale ahaan e-boostada ama fariinta moobilka ee sms.
  • Iibiyuhu waa inuu ku siiyo macluumaad ku saabsan sida aad dib uga noqon karto iibkan ka hor intaanad gelin heshiiskan. Haddii iibiyuhu aanu ku siin macluumaad kugu filan waxaa la dheereeyaa wakhtiga dib uga noqoshada.
  • Xaqa dib uga noqoshada ma khuseyso dhamaan noocyada iibka. Waxay khuseysaa tusaale ahaan markaad iibsato safar ama alaab si gaar ah loo soo saaray. Iibiyuhu waa inuu kugu war-geliyaa in xaqa dib uga noqoshadu aanu khuseyn iibka noocan ah.
  • Ka fikir inaad dib uga noqoshadan u samayso qoraal ahaan, tusaale ahaan e-boostada. Kaydi nuqulka si uu u ahaado caddayn.
  • Waxaa lagaaga baahanyahay inaad alaabtan dib ugu celiso iibiyaha gudaha 14 maalmood kana soo bilaabantay maalinti aad sheegtay inaad dib uga noqotay. Waa in adigu aad bixisaa kharashka boosta ee alaabtan lagu celinayo haddii iibiyuhu arintan kuu sheegay ka hor intaanad gelin heshiiskan. Waa inaad caddayn kartaa inaad alaabtan dib ugu celisay iibiyaha. Sidaas darteed kaydi warqada cadaynta ee inaad dib u celisay alaabtan si ay u ahaato caddayn.