Cashuurta

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 30/1-2023

Canshuurtu waa kharashka laga bixiyo dhanka kharashyada dawladeed. Inagu waxaynu cashuur ka bixinaa dakhligeena iyo alaabta iyo adeegyada. Canshuurta dakhliga waxaa la siiyaa dawlada, degmada iyo maamulka gobolka.

Waa maxay sababta aynu u bixino cashuur?

Waxaynu cashuurta u bixinaa si aynu wadajir ugu abuurno bulsho fiican. Fikrada aasaasiga ah ee cashuurta waa in dadka oo dhan helaan caawimaad iyo fursado isku mid ah.

Marka la bar-bardhigo dalalka kale waxaynu canshuur badan ku bixinaa Iswiidhan. In canshuurtu sareyso waxaa sabab u ah in dawlada, degmooyinka iyo maamulada gobolada ee Iswiidhan ay gacanta ku hayaan mas'uuliyado waaweyn. Dhinacyada sida waxbarasho, daryeelka caafimaadka iyo waxyaabaha aasaasiga ah ee wadan ku dhisanyahay ayaa lagu maal-geliyaa canshuurta.

Waa kuwee noocyada cashuurta ee jiraa?

Waxaa jira noocyo cashuur oo kala duwan. Qaar ka mid ah cashuuraha ugu caadisan waa cashuurta shaqada iyo dakhliga, baabuurta iyo gaadiidka, cabitaanada khamriga iyo tobaakada. Tani micnaheedu waa inaad cashuur ka bixiso mushahaaradaada, si aad mulkiile uga noqoto una wadato baabuur iyo marka aad iibsanayso cabitaanada khamriga iyo tobaakada.

Siyaasiyiinta ku jira baarlamaanka, maamulada gobolada iyo degmooyinka ayaa go'aamiya nooca canshuuraha aynu leenahay iyo inta ay leekaanayaan canshuuruhu.

Halkee ayay tagtaa lacagta cashuurtu?

Cashuurtu waxaa lagu bixiyaa tusaale ahaan waxbarashada, daryeelka bukaanka iyo waxyaabaha aasaasiga ah ee wadan ku dhisanyahay:

  • Gudaha iskoolka waxaad ka helaysaa waxbarashada ay bixiyaan macalimiin iyadoo ah bilaa lacag. Mushahaarooyinka macalimiinta waxaa laga bixiyaa cashuurtan.
  • Marka aad xanuusato waxaad daryeel ka helaysaa rug caafimaad ama isbitaal. Daryeelkan waxaa laga bixiyaa cashuurta.
  • Haddii dariiq jajabo una baahdo in la hagaajiyo waxaa laga dayac-tiraa jidkan dhanka cashuurta.

Waxaa jira waxyaabo badan oo kale oo laga bixiyo cashuurta, tusaale ahaan:

  • Daryeelka dadka gaboobay
  • Daryeelka caruurta
  • Adeega arrimaha bulshada
  • Cadaalada
  • Qaabilaada qaxoontiga
  • Dhaqanka

Maxay qabataa Hey'ada Cashuuraha?

Hey'ada Cashuuraha waa hey'ad dawladeed ee Iswiidhan ee mas'uul ka ah in shakhsiyaadka gaarka ah iyo shirkaduhu bixiyaan cashuuraha iyo khidmadaha ay siyaasiyiintu go'aamiyeen. Hey'ada Cashuuraha hawlaheeda waxaa ka mid ah:

  • soo qaadida cashuuraha
  • ka shaqaynta diiwaan-gelinta dadweynaha
  • diiwaan-gelinta hantida iyo deynta qofku ka dhintay
  • baarida dembiyada cashuurta

Dhamaan dadka ka diiwaan-gashan gudaha Iswiidhan ee buuxiyay 13 sano waxay kaarka aqoonsiga ka codsan karaan Hey'ada Cashuuraha.

Caddaynta dakhliga

Sanad kastaba waxaa khasab ah in dhamaan dadka lacag shaqeeyay u sheegan arintan Hey'ada Cashuuraha. Tani waxaa lagu magacaabaa caddaynta dakhliga. Tani waxay khuseysaa shakhsiyaadka gaarka ah iyo shirkadaha labadaba.

Hey'ada Cashuuraha ayaa bilowga sanadka foomka caddaynta dakhliga u dirta qofka ay tahay inuu sameeyo caddaynta dakhliga. Foomkan waxaa ku qoran inta ay leegtahay lacagta aad shaqaysay sanadkii la soo dhaafay. Adigu waa inaad hubisaa in macluumaadkani yihiin sax.

Haddii macluumaadkan sax yihiin waa inaad oggolaataa caddayntan dakhliga. Adigu waxaad ku oggolaan kartaa caddaynta dakhligaaga iyadoo aad dirayso fariinta sms, wacdo, isticmaasho app-ka Hey'ada Cashuuraha ama adeega elaktarooniga ee Hey'ada Cashuuraha bogeeda intarnatka. Adeega elaktarooniga ahi waa af-iswiidhish oo keliya.

Haddii macluumaadka caddaynta dakhliga aanay saxyihiin waa inaad adigu baddashaa. Adigu waxaad caddayntaada dakhliga ku baddeli kartaa gudaha adeega elaktarooniga ee Hey'ada Cashuuraha bogeeda intarnatka. Adeega elaktarooniga ahi waa af-iswiidhish oo keliya.

Haddii aanad fursad u haysan inaad caddaynta dakhliga ku dirto dhanka fariinta sms, wacdo, isticmaasho app-ka ama adeega elaktarooniga ah, markaasi waxaad caddaynta dakhliga ku samayn kartaa foomka warqada ah una diri kartaa Hey'ada Cashuuraha.

Haddii aanad helin oo foomka caddaynta dakhliga aan laguugu soo dirin guriga, xitaa markaasi waxaa waajib kugu noqon karta inaad samayso caddaynta dakhliga.

Bogga intarnatka ee Hey'ada Cashuuraha waxaad foomka caddaynta dakhliga ka dalban kartaa adeega dalbashada ee Hey'ada Cashuuraha. Adeega dalbashada waa af-iswiidhish oo keliya.

Maxaa dhacaya haddii aanad bixin cashuurta?

Haddii aanad bixin cashuurta waxay tani la mid ahaan kartaa inaad gashay dembi, tani waxaa lagu magacaabaa dembi cashuur.

Haddii aad shaqayso adigoo aan bixin canshuur waxaa lagu magacaaba tani inaad ku shaqaynayso madow. In lagu shaqeeyo madow waa sharci daro. Tani waxay keeni kartaa xabsi ah ilaa laba sanno.

Haddii aanad bixin cashuurta tusaale ahaan baabuurkaaga markaasi ma laguu oggola inaad isticmaasho baabuurkan. Adiga waxaa intaaasi kuu dheer inaad xitaa bixin doonto kharashka ah inaad la habsaantay. Tani micnaheedu waa inaad bixiso lacag dheeraad ah kana badan haddii aad cashuurtan toos u bixin lahayd. Haddii aanad weli bixin cashuurtan waxay Hey'ada Cashuuraha ay arintan u gudbinaysaa Hey'adda dawladda ee qaabilsan qasab ku ururinta lacagaha deymaha ee la bixin waayo.