Lacag u dirida qoyska

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/12-2022

Waxaa jira dhowr bangi iyo shirkado kale oo qofku la xiriiri karo si lacag loogu diro dalka dibediisa.

Shirkad bixisa adeegan waxay qaadataa khidmad si loo xawilo loona baddalo sarifka. Mararka qaarkood waxay xitaa kharash ka qaataan qofka gudoomaya lacagtan. Kharashka in la diro lacag way ku kala duwanaan karaan shirkadahan iyo bangiyadan kala duwan gudaha Iswiidhan.

"Money from Sweden" waa adeeg bilaash ah kaas oo la isku bar-bar dhigi karo qiimayaasha. Waxaa socodsiisa dawlada Iswiidhan. Halkani waxaad isku bar-bardhigi kartaa inta uu leegyahay kharashka in lacag lagu diro shirkadaha kala duwan. Waxaad xitaa ka arkaysaa wakhtiga ay qaadato si lacagahani ay u gaaraan meeshi loo diray. Adigu toos lacag ugama diri kartid dhanka boggan intarnatka, laakiin waxaa jira xiriiryada boggaga bangiyada iyo shirkadaha bixiya adeegan.

Waxaa jira qaabab lacag bixin kala duwan marka aad doonaysid inaad xawisho lacag. Dhanka lacag naqad ah, kaar ama xawilaad bangi. Shirkadaha kala duwan waxay aqbalaan qaabab lacag bixin oo kala duwan. Waxaa fiican in la ogaado in xitaa dhamaan shirkaduhu aanay lacag u xawilin dalalka oo dhan.