Taageero iyo kaalmo

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/5-2023

Waxaa jira noocyo dhowr ah oo ah taageero iyo kaalmo dhaqaal oo aad ka codsan karto gudaha Iswiidhan. Adigu waa inaad buuxiso shuruudaha qaarkood si aad xaq ugu yeelato gunnadan.

Qasnada Caymiska waa hey'ad dawladeed taas oo mas'uul ka ah qaybo badan oo ka mid ah nidaamka amaanka Iswiidhan. Lacagaha gunooyinka ah badankooda waxaa ansax ku ah inaad caymis kaga jirto Iswiidhan.

Noocyo taageero dhaqaale oo kala duwan

Kaalmo dhaqaale waxaa waagi hore lagu magacaabi jiray kaalmada bulshada. Kaalmada dhaqaale waa taageero taas oo adigaaga ay haysato dhibaato dhaqaale aad ka codsan karto dhanka adeega arrimaha bulshada ee degmadaada. Haddii aad xaq u leedahay lacagta qasnada shaqo la'aanta, lacag waxbarasho ama dakhli ama kaalmo kale waa inaad marka hore kuwaas la xiriirto.

Taageerada masruufka waa qayb ka mid ah kaalmada dhaqaale. Taageeda masruufka waad heli kartaa si aad u dabarto masruufkaaga. Laakiin waxaad xitaa kaalmo dhaqaale u heli kartaa baahiyo kale sida daryeelka ilkaha, dawo, muraayadaha indhaha ama alaabta guriga.

Gunada waalidka waa lacag waalidku heli karo si ay guriga ula joogaan ilmahooda halkii taas badelkeeda ay shaqayn ama wax baran lahaayeen. Gunada waalidka waxaa laga codsadaa dhanka Qasnada Caymiska. Gunada waalidka waxaa la bixiyaa ugu badnaan 480 maalmood calaa hal caruur ah.

Si xaq loogu lahaado gunada waalidka waa inaad ku noolaataa oo caymis kaga jirtaa gudaha Iswiidhan.

Filimka macluumaadka ee Qasnada Caymiska

Kaalmada caruurta waa taagero dhaqaale taas oo si ootamaatig ah ay u bixiso Qasnada Caymiska siisana waalidka ku nool Iswiidhan lehna caruur ka yar 16 sano. Kaalmada caruurta waa 1250 karoon bishii waxaana la bixiyaa 20-ka bil kastaba. Haddii aad leedahay caruur dhowr ah waxaad helaysaa kaalmada caruurta badan.

Kaalmada la siiyo caruurta hal waalid oo keliya la nool waa kaalmo dhaqaale lagana helo Qasnada Caymiska taas oo la siin karo adigaaga keli ahaan ula nool caruur, haddii waalidka kale aanu bixin kaalmada la siiyo caruurta la nool waalidka kale.

Si loo helo kaalmada la siiyo caruurta hal waalid oo keliya la nool waxaa shuruud u ah in adiga iyo caruurtan ku nooshihiin Iswiidhan. In ilmahan ka yaryahay 18 sano oo kugula jiro diiwaan-gelinta cinwaankaaga. Si loo helo kaalmada la siiyo caruurta hal waalid oo keliya la nool waxaa xitaa khuseysa in adigu aad haysato mas'uuliyada sharci ee ilmaha iyo in adiga iyo waalidka kale aanaydin wada noolayn.

Filimka macluumaadka ee Qasnada Caymiska

Kaalmada kirada guriga waa taageero dawladeed taas oo la siin karo adigaaga dakhligaagu hooseeyo una baahan caawimaada dhanka kharashka gurigaaga. Kaalmadan waxaa la siin karaa:

  • Qoysaska caruurta leh
  • dhalinyarada u dhaxaysa 18-28 sano.

Intay leegtahay lacagta aad u heli karto kaalmo waxay ku xirantahay inta qof ee ku nool gurigan, dakhligaaga iyo maalkaaga, kharashka guriga iyo inta uu leegyahay gurigu.

Codsiga kaalmada kirada guriga waxaa laga sameeyaa Qasnada Caymiska. Si wada-jir ah codsigaaga waa inaad ku lifaaqdo waraaqaha ku saabsan kharashka guriga iyo macluumaadka ku saabsan dakhligaaga.

Haddii dakhligaaga ama xaalada gurigaaga is-badasho waxaa muhiim ah inaad la xiriirto Qasnada Caymiska si aad u hesho kaalmo sax ah. Haddii aad qaadatay kaalmo aad u badan waxaa khasab kugu noqon karta inaad dib u bixiso lacagtaas.

Halkan waxaa ku jira filimo macluumaad ah kana yimi Qasnada Caymiska looguna talogalay adigaaga doonaya inaad dheeraad ka ogaato kaalmada kirada guriga:

Kaalmada kirada guriga ee qoysaska

Kaalmada kirada guriga ee dhalinyarada

Haddii aad ka qayb qaadato barnaamijka la qabsiga dalka ee Xafiiska Shaqada waxaad codsan kartaa kaalmada dhaqaale ee dajinta dadka cusub. Haddii aad leedahay caruur ama aad keligaa degantahay guri waxaad xitaa xaq u yeelan kartaa kaalmooyin kale.

Gunada bukaanka waxaa lagu siinayaa haddii aad xanuusato oo sidaas darteed aanad shaqayn karin. Waxaad gunada bukaanka ka codsanaysaa Qasnada Caymiska. Gunada bukaanka waa lacag ku meel gaar ah taas oo magdhabaysa dakliga shaqo ee aad wayday ilaa inta aad caafimaadayso ee dib u shaqayn karto mar kale. Inta ay leegtahay gunada bukaanka ee aad helaysaa waxay ku salaysantahay dakligaaga. Nooca qawaaniinta khuseeya gunada bukaanka waxay ku xirantahay haddii aad tahay bilaa shaqo, shaqaale tahay ama leedahay shirkad gaar ku ah.

Haddii aad shaqaale tahay markaasi shaqo bixiyahaaga ayaa bixinaya mushahaarada bukaanka oo baddalaysa mushahaaro caadi ah 14-ka maalmood ee ugu horeeya ee aad xanuusanayso. Ka dib ayaad codsan kartaa gunada bukaanka.

Waa inaad caymis kaga jirtaa gudaha Iswiidhan si aad xaq ugu yeelato gunada bukaanka.

Lacagta hawl-gabka waxaa lagu magacaabaa magdhabka aad helayso marka aad waayeel noqoto ee ka tagto nolosha shaqada. Lacagtaada hawl-gabka waxay ka iman kartaa meelo dhowr ah oo kala duwan. Lacagta hawl-gabka ee guud waxaa lagu magacaabaa qaybta lacagta hawl-gabka ka mid ah ee dhamaan dadka shaqeeyaa ee bixiya cashuur ay helaan. Lacagta hawl-gabka ee guud waxaa maareeya Hey'ada Hawl-gabka. Iyaga ayaa xitaa leh hawsha ah in la bixiyo macluumaadka ku saabsan hawl-gabka.

Taageerada masruufka ee dadka waayeelka ah

Haddii aad lacagtaada hawl-gabka hooseyso ama aanad lahaynba waxaad heli kartaa taageerada masruufka waayeelka si aad u awoodo inaad bixiso masruufkaaga iyo gurigaaga.

Lacagta hawl-gabka ee ehelka qofka geeriyooday waa taageero dhaqaale oo la bixin karo haddii qofku lahaa qof qaraabo u dhow oo geeriyooday. Lacagta hawl-gabka ee ehelka qofka geeriyooday waxaa laga fikiray inay daboosho qayb ka mid ah masruufidii qofkii geeriyooday ka gaysan jiray kaalmada.