Dib u mideynta qoyska

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 19/1-2023

Halkan waxaad ka akhrin kartaa wixi ku saabsan sida qoyskaagu u codsan karo inay adiga dib kuugula midoobaan gudaha Iswiidhan.

Waa maxay dib u mideynta qoyska?

Dib u mideynta qoyka micnaheedu waa in qoys kala maqnaa ay codsan karaan inay ku wada noolaadaan Iswiidhan oo la joogaan xubinta qoyska ee sharci degganaanho hehay.

Qofkee xaq u leh dib u mideynta qoyska?

Qoyskaaga kuugu dhow ayaa xaq u leh inay kuu soo guuraan (xaaska, ninka, lamaanaha la wada noolaa, lamaanaha iyo carruurta ka yar 18 jir).

Qoyskaagu wuxuu fursad u haystaa inay codsadaan sharciga deganaansho ee Iswiidhan si ay ugu soo guuraan adigaaga jooga Iswiidhan.

  • haysato sharci degganaansho ee joogto ah,
  • haysato sharci deggenaansho oo wakhtigiisu xadaysanyahay oo qaxoonti ahaan ah ama qof si kale ugu baahan badbaado oo la qiimeeyay inaad haysato sababo fiican oo ah in laguu oggolaado sharci deggenaansho oo waaraya,
  • heshay sharci deggenaansho oo wakhtigiisu xadaysanyahay sababtoo ah caqabado dhinaca fulinta ah, micnhii caqabado hortaagan in la fuliyo go’aan dal ka bixid ama mustaafurin, oo la qiimeeyay in aad haysato sababo fiican oo ah in laguu oggolaado sharci deggenaansho muddo wakhti dheer ah,
  • heshay sharci deggenaansho oo wakhtigiisu xadaysanyahay sababtoo ah xaalado gaar ah ama khaas ah oo la qiimeeyay in aad haysato sababo fiican oo ah in laguu oggolaado sharci deggenaansho muddo wakhti dheer ah.

Adiga iyo xaaskaaga, saygaaga, lammaanahaaga aad wada nooshihiin ama lamaanahaaga waa in labadiinuba aad ka weyn tihiin 18 jir. Haddii aad haysato sharci deggenaansho oo ku meel gaar ah waa in badanaaba aad is qabteen ama horay u wada nooleydeen. Haddii aad haysato sharci degenaansho oo joogto ah waad isu soo guuri kartaan ama isku guursan kartaan gudaha Iswiidhan.

Waa kuwee qawaaniinta ansaxa ah?

Si aad u keento qoyskaaga waxaad u baahan kartaa inaad caddayso inaad dabari karto masruufkiina (shuruuda masruufka). Adigu waxaad xitaa u baahantahya inaad haysato guri ku haboon qoyska oo dhan.

Haddii qoyskaagu codsado sharciga deganaansho saddex bilood gudaheed laga bilaabo markii aad heshay sharciga deganaansho markaasi ma ku khuseeyso shuruuda masruufka.

Shuruuda is masruufka ma ku khuseeyo haddii adigu aad timi adigoo ah qaxoontiga dalka dibediisa laga soo qaado, haddii qoyskaagu codsado sharci degganaanho gudaha saddex bilood oo ka billaabmaysa markii adigu aad timi Iswiidhan.

Sidee ayaan samaynayaa si aan u codsado dib u mideynta qoyska?

Qoyskaagu waxay codsigan ka dhiiban karaan dalka ay deganyihiin. Waxay iyagu ka codsan karaan safaarad Iswiidhan ah ama bogga intarnatka ee Hey'ada Socdaalka.

Marka qoyskaagu codsado dib u mideynta qoyska waa khasab inay caddeeyaan cida ay yihiin.