Soo booqdayaal ka yimi dalka dibediisa

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 7/12-2022

Haddii ay ku soo booqan doonaan qaraabo iyo saaxiibo ka imanaya dal ka baxsan EU waxay soo booqdayaashani heli karaan fiise.

Soo booqdayaashan waxay u baahanyihiin casuumad adiga ay kaa helaan si ay u helaan fiise. Hey'ada Socdaalka waxay leedahay foom gaar ah oo ay tahay inaad buuxiso una dirto dadka aad doonaysid inaad casuunto. Fiise wuxuu shaqeeyaa 90 maalmood. Codsade kastaa waa inuu haystaa casuumad gaar ah.

Qofkii doonaya inuu soo booqdo Iswiidhan wakhti ka dheer 90 maalmood wuxuu u baahanyahay sharciga booqashada. Markaasi waxaa khuseeya foom kale.

Si wada-jor ah foomkan waa inaad xitaa u dirtaa:

  • caddayn shakhsi gaar ah oo ay bixiso Hey'ada Cashuuraha,
  • koobiga kaarkaaga aqoonsiga iyo
  • dukumenti muujinaya qofka dabaraya masruufka xilliga booqashadan.

Soo booqdayaashani waa inay cadeeyaan inay haystaan lacagta booqashadan iyo joogitaankooda. Iyagu waxay xitaa u baahanyihiin caymiska bukaanka kaas oo daboolaya kharashyada haddii ay iyagu xanuusadaan xilliga booqashadooda.

Soo booqdayaashan laf ahaantoodu waa inay dhiibtaan codsiga fiisada, adigu ma u dalban kartid qof kale. Codsigan waxaa loo dhiibayaa safaarad Iswiidhan leedahay ama qunsuliyad.