Nolosha jaaliyada

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 7/12-2022

Nolosha jaaliyada xooga ayay ka tahay Iswiidhan. Dad badan oo ku nool Iswiidhan waxay ku jiraan hal ama dhowr jaaliyadood. Haddii aad leedahay xiiso gaar ah ama baahi waxaad ku biiri kartaa jaaliyad ah dhanka xiisahaaga.

In si wada-jir ah dad kale loogala mid ahaado jaaliyad waxay ahaan kartaa qaab ah in kooxo kala duwan loo socodsiiyo xiisahaaga. Gudaha jaaliyada waxaad ka shaqayn kartaa arimaha bulsho ee aad xiisaynayso. Waxa kale oo ay tahay fursad in aad ku horumariso xiisahaaga iyo aqoontaada, abuurato shabakad xiriir oo weyn kuna barato dad cusub. Iyadoo loo marayo jaaliyadaha kala duwan ayaad xitaa awoodaa inaad hesho caawimaad iyo taageero dhanka waxyaabaha aad dareemayso inay adagyihiin ama haddii qof ka mid ah qoysku uu xanuusanayo.

Iswiidhan waxaa ka jirta xoriyada jaaliyadaha taas oo qayb muhiim ah ka ah bulshada dimoqraadiga ah. Xoriyada jaaliyadaha micnaheedu waa in dadka oo dhan ay xaq u leeyihiin inay bilaabaan ama ku biiraan jaaliyad. Koox dad ah oo leh xiiso wada-jir ah ama asal ahaan meel ka soo wada jeeda waxay bilaabi karaan jaaliyad.

Waxaad dooran kartaa inaad ku lug yeelatid jaaliyad sida xubin ka mid ah maamulka, hogaamiye ama sida xubin/tabaruc ahaan dhanka shaqada jaaliyadan. Nolosha jaaliyadaha waxaa mararka qaarkood lagu tilmaamaa sidii iskoolka dimoqraadiyada. Xubnuhu waxay fursad u helaan inay bartaan in laga shaqeeyo nidaamyada dimoqraadiyadeed iyo gaarida go'aamo waafaqsan mabda'yada dimoqraadiyada. Nolosha jaaliyadeed oo urursan waxay kaalin weyn ku soo yeelatay dimoqraadiyadaynta bulshada Iswiidhan. Dad badan waxay xubno ka yihiin jaaliyad iyagoo aan si toos ah uga hawl galin ururkan.

Haddii aad doonaysid inaad ku biirto jaaliyad, bilowdo jaaliyad ama lacag u codsatid jaaliyadaada waxaad la xiriiri kartaa degmadaada. Gudaha degmadan waxaa tusaale ahaan caawiya jaaliyadaha qaybta maamulka xilli firaaqaha.