Hoos u dhac awooda laxaadka ah
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 27 6 2019
Qof leh hoos u dhac awooda laxaadka ah waa qof leh hoos u dhac awoodeed oo ah jir ahaan, maskax ahaan ama awooda shaqo ee caqliyan. Gudaha Iswiidhan qiyaastii afartii qofba hal ayaa leh nooc ka mid ah hoos u dhaca awooda laxaadka.
Adigaaga leh hoos u dhac awooda laxaadka ah waxaad leedahay xuquuq la mid ah dhamaan dadka kale in aad ka qayb qaadato nolosha bulsho. Caruurta leh hoos u dhac awooda laxaadka ah waa inay tusaale ahaan helaan xanaanada caruurta iyo iskool sida dhamaan caruurta kale. Dhamaan noocyada takoorida ay sabab u tahay hoos u dhac awooda laxaadka ah waa mamnuuc sida ku cad sharciga ka hortagida takoorida.
Taageero shakhsiyan ah
Si ay suurtagal u noqoto in looga qayb-galo bulshada dhanka shuruudo siman waxaa jira taageeroyin badan oo shakhsiyan ah looguna talogalay dadka leh hoos u dhac awooda laxaadka ah. Nooca taageero waxay ku xirnaan kartaa hoos u dhacaaga awooda laxaadka iyo nooca taageerada aad u baahantahay.
Dhanka Qasnada Caymiska waxaad xaq ugu yeelan kartaa magdhabyo kala duwan tusaale ahaan haboonaysiinta guriga iyo baabuur ama noocyo kala duwan oo ah magdhabyo dhaqaale.
Dhanka daryeelka caafimaadka iyo bukaanka waxaad heli kartaa taageero dhanka sida baxnaaniska iyo in laguu qoro alaabta caawimaada dhaq-dhaqaaqa. Haddii aad hayso su'aalo ku saabsan nooca taageero ee aad heli karto waa inaad la hadashaa maamulka gobolkaaga.
Waxaa kale oo aad degmadaada ka heli kartaa taageero shakhsiyan ah. Tani waxay ahaan kartaa tusaale ahaan kalkaaliye gaar ah, hoy leh adeeg gaar ah ama qof markaad meel tagaysid ku sii raaca. Haddii ay kugu adagtahay inaad keligaa safarto ama qaadato gaadiidka dadweynaha (basaska, tareenka, tareenka magaalada gudaheeda) waxaad xaq u yeelan kartaa adeega dadka laxaadkoodu kala dhantaalanyahay iyo waayeelka. Markaasi waxaad ku safraysaa tagsi ama bas yar. Haddii aad hayso su'aalo ku saabsan nooca taageero ee aad heli karto la hadal adeega arimaha bulshada ee degmadaada.
Adigaaga leh hoos u dhac awooda laxaadka ah waxaad xitaa heli kartaa taageero gaar ah si aad u hesho shaqo ama hawl-qabad kale oo adiga kugu haboon. Waxaad tusaale ahaan heli kartaa caawimaad in lagu shaqaalaysiiyo iyadoo loo maray qaabab shaqaalaysiin oo gaar ah ama codsashada alaabta caawimaada ee dhanka shaqada.
-
Ururka Xuquuqda Awooda ee Iswiidhan
Xuquuqda Awooda ee Iswiidhan waa urur wada-shaqayn kana kooban dhowr ah ururada qaranka ee dadka leh hoos u dhac awooda ah.
-
Ururka qaranka ee dadka leh dhibaato aragtida ah
Ururka qaranka ee dadka leh dhibaato aragtida ah waa urur loogu talogalay dadka leh dhibaato aragtida ah.
-
Ururka qaranka ee dadka leh dhibaato maqalka ah (HRF)
Ururka qaranka ee dadka leh dhibaato maqalka ah (HRF) waa ururka ugu weyn Iswiidhan ee dadka leh dhibaato maqalka ah.
-
Ururka Awooda ka qayb-qaadashada iyo Xoriyada dhaq-dhaqaaqa (DHR)
DHR waa urur loogu talogalay dadka awoodooda dhaq-dhaqaaqu hooseyso.
-
Neuro
Neuro waa urur madax-banaan kuna takhasusay neerfayaasha.
-
Ururka ruumatisamka
Ururka ruumatisamka wuxuu ururiyaa oo fidiyaa aqoonta ku saabsan cudurada ruumatisamka.