Raadi hawl ama urur
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 23/4-2025
Ku biirista urur ama ka qaybqaadashada hawlaha kale ee wakhti firaaqaha ee ka jira degmadaada waa qaab fiican oo lagu baran karo dad cusub laguna tababarto af Iswiidhishka. Halkan waxaad ka akhrisan kartaa sida aad u helayso hawlo adiga kugu haboon.

Ururadu waxay abaabulaan hawlo faro badan
Dad badan oo jooga Iswiidhan ayaa ka qaybqaata hawlaha ka jira ururadaas. Ururku waa urur abaabula hawlo iyo goobo ay ku kulmaan dadka, badanaaba ma ka macaashaan lacag. Gudaha urur waxaad si wadajir ah aad dad kale kagala qaybqaadan kartaa hawlo badan oo kala duwan, tusaale ahaan
- ciyaarta kubbadda cagta, qoob ka ciyaar ama waxaad ku hawlanaan kartaa isboorti kale
- ciyaarta qalab ama barashada hiwaayad cusub
- u shaqeynta xuquuqda bani’aadamka ama arrin kale oo muhiim ah.
La xiriir degmadaada ama ka raadi internetka si aad u hesho urur. Ururada qaarkood waxay mararka qaarkood qabtaan hawlo loogu talagalay dadka ku cusub Iswiidhan.
Raadi saaxiib luqadeed
Degmooyin badan ayaa adigaaga ku cusub Iswiidhan kaa caawin kara in aad hesho sidaad ula xiriiri lahayd dad horey ula qabsaday gudaha Iswiidhan. Markaas waxaad ku tababaranaysaa luqadda Iswiidhishka oo wax dheeraad ah oo ku saabsan Iswiidhan ayaad baranaysaa. Qofkaas waxaa badanaa lagu magacaabaa saaxiib luqadeed ama hagaha qaxootiga. La xidhiidh degmadaada haddii aad rabto inaad la kulanto saaxiib luqadeed ama hagaha qaxoontiga.
Maktabadahu waxay abaabulaan hawlo loogu talogalay dadka oo dhan
Maktabado badan ayaa abaabula hawlo aad ka qaybqaadan karto, tusaale ahaan maqaaxiyaha luqadda. Halkaas waxaad kula kulmi kartaa dad kale si loogu tababarto af Iswiidhishka. Maktabado badan ayaa xitaa abaabulo caawinta casharada guriga, muxaadarooyin iyo kulamo loogu talogalay waalidiinta. La xidhiidh maktabadda ku taal degmadaada si aad u ogaato nooca hawlaha halkaas ka jira.
Maktabadda waxaad xitaa ka amaahan kartaa buuggaag, ku akhrin kartaa joornaallada, kuna dhagaysan kartaa muusig oo isticmaali kartaa kombiyuutarada. Halkaas waxaa laga helaa buuggaag iyo joornaallo ku qoran luqaddo badan oo kala duwan. Waa bilaash in la amaahdo buuggaagta, joornaallada, cajaladaha cd-ga iyo ciyaaraha. Si aad u awoodo in aad amaahato waxaad u baahantahay kaarka maktabadda (kaarka amaahda). Kaas waxaad ka helaysaa maktabadda.
Xaqa tamashlaynta wuxuu fursad kuu siinayaa in aad joogto deegaanka dabiiciga ah
Gudaha Iswiidhan dadka oo dhan way joogi karaan deegaanka dabiiciga ah, ma ku xirna qofka mulkiile ka ah dhulkaas. Taas waxaa lagu magacaabaa xaqa tamashlaynta.
Sida waafaqsan xaqa tamashlaynta waxaad tusaale ahaan laguu oggolyahay in aad
- ku lugeyso baaskiilna ku wadato gudaha duurka
- soo gurato miraha, barkin-waraabaha iyo ubaxyada
- teendha ka taagato deegaanka dabiiciga ah
- ku dabaalato gudaha harooyinka.
Xaqa tamashlaynta waxa kale oo uu sheegayaa in aan laguu oggolayn in aad waxyeelo gaarsiiso deegaanka dabiiciga ah. Tusaale ahaan ma laguu oggola in aad qashin ku tuurto deegaanka dabiiciga ah.
In la kalluumeysto waxaa shuruud u ahaan karta in la haysto oggolaansho
In la kalluumeysto ma ku jirto xaqa tamashlaynta. Harooyinka badankooda waxaa loo baahanyahay shatiga kalluumeysiga (ogolaansho) si looga kalluumeysto.
Waa laguu oggolyahay in aad usha kalluumaysiga kaga kalluumeysato meelaha ku dherarsan xeebaha iyo shanta harooyin ee ugu waaweyn Iswiidhan ee ah: Harooyinka Vänern, Vättern, Mälaren, Hjälmaren iyo Storsjön. Waxaa jira qawaaniin loogu talogalay inta ay leegtahay weynaanta kaluun si aad u awoodo in aad haysato. Haddii kalluunku aad u yar yahay waa inaad dib ugu sii daysaa biyaha.
Fritidsbanken waxaad ka amaahan kartaa qalab
Haddii aad rabto inaad tijaabiso isboorti ama hawl waxaad qalab ka amaahan kartaa Fritidsbanken. Tusaale ahaan waxaad amaahan kartaa qalabka barafka lagu dul socdo, kabaha ciyaarta barafka, jaakaddaha badbaadada, teendho, kabaha kubadda cagta, koofiyadaha adag iyo waxyaabo badan.
Dadka oo dhan qalab way ka amaahan karaan Fritidsbanken oo wax walba waa bilaash. Waxaad alaabtaas amaahan kartaa ilaa 14 maalmood. Ka dib waa inaad dib u soo celisaa iyaga.
Su'aalo iyo jawaabo ku saabsan ururada
Haa, badanaaba waxaad u baahantahay in aad bixiso khidmad si aad u noqoto xubin. Khidmaddu waxay ku kala duwantahay hawlaha kala duwan iyo ururada. Khidmadda waxaad kaga qaybqaadan kartaa hawlaha ururka. Waxa kale oo aad kaga mid ahaan kartaa oo wax ka go’aaimanaysaa gudaha ururka.
Ururada badankoodu waa kuwo ay ku midoobeen dad leh ujeeddo guud. Taas macneheedu waxa weeye in aan qofna wax lacag ah lagu siin si uu u noqdo tababare ama hawlo kale u sameeyo ururka. Ma jirto cid mulkiile ka ah ururka ama lacag ka macaashta ururka. Sidaa darteed urur ay ku midoobeen dad leh ujeeddo guud maaha shirkad ay kuwa ka shaqeeyaa ka helaan mushahaaro.
Ururada ay ku midoobeen dad leh ujeeddo guud waa dimoqraadi. Taas macneheedu waa in xubnuhu yihiin kuwa gaara go’aamadda ururka. Sidoo kale waa xubnaha kuwa caawin ka gaysta hawsha ururka.
Haa, dadka oo dhan xaq ayay u leeyihiin inay bilaabaan ama ku biiraan urur.