Hel guri

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 4/6-2025

Markaad hesho sharcigaaga deganaanshaha, adiga ayaa mas'uul ka ah inaad hesho hoy. Halkan waxa aad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida aad samayn karto iyo waxa muhiim ah in aad ka fikirto.

Xaafad guryo lehna guryaha aqalka ah.

Haddii aad ku noolayd hoyga magangelyo-doonka intii lagu jiray wakhtigaaga magangelyada

Adigaaga ku noolaa Hey´adda Socdaalka hoygeeda magangelyo-doonka intii lagu jiray wakhtiga magangelyo-doonka waa in aad ka guurto marka aad hesho sharciga deganaansho. Hey´adda Socdaalka ayaa kaa caawin karta in aad hesho hoy cusub.

Waa laguu oggolyahay in aad ku sii noolaato hoyga magangelyo-doonka ilaa iyo inta Hey´adda Socdaalka ay hoy cusub kaaga helayso. Haddii aad diido guriga lagugu casuumey markaas xaq uma lihid in aad ku sii noolaato hoyga magangelyo-doonka.

Haddii aad diyaarsatey hoy keligaa intii lagu jiray wakhtiga magangelyo-doonka

Adigaaga keli ahaanta diyaarsadey hoy waxaad ku sii noolaan kartaa halkaas marka aad hesho sharciga deganaansho. Haddii aad u baahato in aad guurto markaas adiga ayaa ka mas´uul ah in aad hesho guri cusub.

Gal safka guryaha xilliga ugu horeeya ee suurtagalka ah

Degmooyinka qaarkood waxaa ka jira xafiiska guryaha kaas oo guryaha u kireeya dhowr shirkadaha guryaha ah oo kala duwan. Waxaad iska diiwaan gelin kartaa wakaaladda guryaha oo aad safka geli kartaa si aad guri u hesho. Is diwaangeli oo gal saf sida ugu dhaqso badan ee suurtagalka ah! Inta badan waxaad tan ka samayn kartaa bogga intarnetka ee wakaaladda guryaynta.

Degmooyinka qaarkoodna ma ka jirto wakaalad guri. Markaas waa in aad safka gashaa oo guri si toos ah uga raadisaa dhanka shirkadaha guryaha. La xiriir degmadaada haddii aad hayso su'aalo ku saabsan waxa halkaas ka ah ansax.

Waa inaad diiwaan-gelinta dadweynaha kaga jirtaa cinwaanka aad ku nooshahay. Cinwaankaaga cusub ka diiwaan-geli Hey’adda Cashuuraha haddii aad guurto.

Idaacadda waxbarashada (UR) waxay samaysay filim leh talooyin ku socda adigaaga raadinaya guri. Filimkan waa af Iswidish wuxuuna leeyahay qoraalo xagga hoose ah oo ah dhowr luqadood.

Waxaad u baahantahay inaad lahaato caymis guri, meel kasta oo aad ku nooshahay. Caymis guri wuxuu dhowrayaa gurigaaga iyo alaabtaada, tusaale ahaan haddii aad la kulanto dab, dhaawac biyo ama tuug jabsada guriga.

Sharraxaadda kalmado iyo erayo

Xafiiska xiriirinta guryaha

Xafiiska xiriirinta guryaha wuxuu dadka raadinaya guri uu guryo uga kireeyaa dhowr shirkado guryo oo kala duwan.

Diiwaan-gelinta dadweynaha

In lagu jiro diiwaangelinta dadweynaha micnaheedu waa in aad diiwaan-gashantahay in aad ku nooshahay gudaha Iswiidhan. Dhammaan dadka ku jira diiwaan-gelinta dadweynaha waxay helaan lambar shakhsi. Waa Hay’adda Cashuuraha ta mas’uulka ka ah diiwaangelinta dadweynaha. In lagu jiro diiwaangelinta dadweynaha ma la mid aha in la haysto sharciga deganaanshaha.