Hel waxbarasho

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 31/3-2025

Adigaaga raba in aad wax barato ahna qof weyn waxaad kala dooran kartaa waxbarashooyin kala duwan taas oo ku xiran waxa aad rabto in aad barato iyo haddii aad horey wax u soo baratay. Halkaan waxaa ku jirta warbixin ku saabsan waxbarashooyinka kala duwan iyo nooca taageero ee aad heli karto haddii aad rabto in aad wax barato.

Två vuxna studenter sitter i ett klassrum och lyssnar på en lärare som förklarar något.

Miyaad haysataa waxbarasho dalka dibeddiisa?

Adigaaga haysta waxbarasho aad kala timi dal kale ee raba in aad ka shaqayso gudaha Iswiidhan waxaad u baahan kartaa in la turjumo shahaadadaada ama in waxbarashadaada dibedda la qiimeeyo. Haddii aanad haysan dukumentiga waxbarashadaadi hore waxaad heli kartaa caawin ah in la qiimeeyo aqoontaada.

Waxbarashada dadka waaweyn ee degmada ee loogu talogalay adigaaga aan soo dhigan dugsiga hoose-dhexe ama dugsiga sare

Shaqooyinka badankoodu waxay u baahan yihiin inaad dhammaysatay dugsi hoose-dhexe ama dugsiga sare. Adigaaga ah qof weyn ee aan sidaas soo samayn waxaad wax ka baran kartaa waxbarashada dadka waaweyn ee degmada (komvux). Halkaas ayaad ka dhigan kartaa maadooyin la mid ah kuwa dadka da’da yar ka dhigtaan dugsiga hoose-dhexe ama dugsiga sare. Dhanka komvux waxaad sidoo kale ka dhigan kartaa af-Iswiidhishka loogu talogalay ajnabiga (sfi), kana dhammaystiri kartaa waxbarashadaadi hore ama ka dhigan kartaa waxbarasho xirfad ah.

Booqo bogga intarnatka ee degmadaada ama la xiriir la-taliyaha waxbarashada iyo xirfadda jooga degmadaada si aad u ogaato nooca fursadaha ka jira degmadaada.

Sii wado waxbarasho ah jaamacad, kuliyad sare ama kuliyad sare oo xirfadeed

Adigaaga dhammaystirtay waxbarasho dugsi sare ee raba in aad sii wadato waxbarasho waxaad dooran kartaa in aad wax ka barato jaamacad, kuliyad sare ama kuliyad sare oo xirfadeed. Waxbarashadan badanaaba waa bilaash.

Waxaad dooran kartaa inaad barato koorso ama barnaamij dhan. Waxaa jira shuruudo ogolaansho oo kala duwan oo loogu talagalay koorsooyinka iyo barnaamijyada kala duwan. Wixii dheeraad ah ee ku saabsan waxbarashooyinka kala duwan iyo shuruudaha oggolaansho waxaad ka akhrin kartaa iskuuladaas boggagooda intarnatka.

Dhanka kuliyad dadweyne waxaad ka dhigan kartaa koorso ama waxaad ka baran kartaa xirfad

Dugsiyada dadweynaha waxaa laga helaa koorsooyin iyo waxbarashooyin kala duwan. Waad baran kartaa

  • maadooyin la mid ah kuwa ay dadka da'da yar ku bartaan dugsiga hoose-dhexe ama dugsiga sare
  • koorsooyinka maadooyinka aad xiisaynayso, sida tusaale ahaan muusiga ama farshaxanka
  • waxbarasho xirfadeed, tusaale ahaan ku xigeen kalkaaliye caafimaad.

Iskuulada qaarkood waxay xitaa leeyihiin koorsooyin gaar u ah adigaaga dhawaan yimi Iswiidhan. Dhammaan waxbarashooyinka kuliyadaha dadweynaha waa bilaash.

Dugsiyo dadweyne oo badan waad ku noolaan kartaa iskoolkaas inta aad wax baranayso. Markaas waxaad bixinaysaa kirada qolka.

Waxaad la xiriiri kartaa la-taliyaha waxbarashada iyo xirfada

Adigaaga raba taageero marka aad dooranayso waxbarasho waxaad la xiriiri kartaa la-taliyaha waxbarashada iyo xirfada ee jooga degmadaada.

Hel kaalmo iyo amaah laga helo CSN

Inta badan waa bilaash in Iswiidhan wax lagu barto. Si aad u awooddo in aad is masruufto inta aad wax baranayso waxaad heli kartaa kaalmo dhaqaale iyo amaah laga helo Guddida dhexe ee taageerada waxbarashada (CSN). Nooca kaalmo iyo amaah ee aad codsan karto waxay ku xirantahay da’daada iyo heerka aad wax ku baranayso.

CSN waxay samaysay filim ku saabsan kaalmada iyo amaahda kala duwan ee loogu talogalay adigaaga raba in aad wax barato. Filimkan waa af Iswidish wuxuuna leeyahay qoraalo xagga hoose ah oo ah dhowr luqadood ah.

Su’aalo iyo jawaabo

Haa, wax waad baran kartaa adigoo ku jira barnaamijka la qabsiga dalka. Tusaale ahaan waxaad baran kartaa

  • sfi dhanka waxbarashada dadka waaweyn ee degmada aad ku nooshahay
  • machadka waxbarashada ee dadka waaweyn
  • jaamacad xirfadeed
  • kulliyad ama jaamacad.

La xidhiidh Xafiiska Shaqada markaas iyaga ayaa adiga kula baarayo fursadaha jira.

Laga bilaabo 1da Luulyo ee sanadka aad buuxinayso 20 jir ayaad wax ka baran kartaa komvux. Xaaladaha qaarkood waxaad xaq u yeelan kartaa in aad wax ka barato komvux xitaa haddii aad intaas ka sii yartahay. La xiriir degmadaada oo markaas ayaad wixii dheeraad ah ogaanaysaa.

Haa. Waxaad lagaaga baahanyahay in aad dib u bixiso amaahdaada waxbarashada ugu horeyn lix bilood ka dib markay ka soo wareegto markii ugu dambeysay ee aad heshay lacag.

Sharraxaadda kalmado iyo erayo

Kuliyadda xirfadda

Kulliyad xirfad waxay bixisaa koorsooyin iyo barnaamijyo si gaar ah loogu qaabeeyay in ay keenaan in la helo shaqo. Shaqo-bixiyayaasha ayaa lug ku leh oo qorsheeya oo wax ka dhiga koorsooyinkaas. Haddii aad barato barnaamij waxaad tababar shaqo ka samaynaysaa goob shaqo. Tababarkaas waxaa loo yaqaan LIA (Wax ku barashada gudaha shaqo).

Kuliyadda dadweynaha

Kuliyadda dadweynaha waa iskool leh koorsooyin iyo barnaamijyo loogu talogalay dadka waaweyn. Kuliyaddaha dadweynaha ayaa go’aamiya nooca koorsooyin iyo waxbarashooyin ee ay rabaan inay bixiyaan iyo waxa ay yihiin shuruudaha oggolaanshaha ee loogu talogalay in wax laga barto halkaas. Dheeraad ku saabsan nooca koorsooyinka iyo shuruudahooga oggolaanshaha ka akhri iskooladaas boggagooda intarnatka.