Haddii aad leedahay waxbarasho dalka dibediisa ah

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 4/6-2025

Miyaad haysataa waxbarasho dalka dibediisa ah oo raadin doontaa shaqo ama waxbarasho ah gudaha Iswiidhan? Marka aad raadinayso shaqo waxaa fiican in dadka kale ay fahmi karaan waxa aad awooddo. Halkan ayaad ka akhrin kartaa sida aad u heli karto caawinta in la turjumo shahaadooyinkaaga waxbarasho ama in laguu qiimeeyo waxbarashadaada dalka dibeddiisa ah.

Haweeney dhakhtar ah oo isbitaal joogta.

Turjumidda shahaadooyin dalka dibeddiisa ah ama dukumentiyo kala

Dukumiintiyadaada aad ka heshay waxbarasho waxay u baahanyihiin in la turjumo haddii ay ku qoranyihiin luqad kale oo aan ahayn af Ingiriisi, Faransiis, Isbaanish, Jarmal ama luqaddaha waqooyiga Yurub.

Turjumidda waa in uu sameeyo turjubaan la aqoonsayahay dhanka af Iswidishka ama mid ka mid ah luqaddaha kor lagu soo sheegay. Hey’adda Maamulka dawladda boggeeda intarnatka waxaa ku jira diiwaanka turjubaanada la aqoonsanyahay.

Haddii aad shaqo raadiye ahaan ka qorantahay Xafiiska Shaqada waxay iyagu kaa caawin karaan in dukumentiyada la turjumo.

Hel in waxbarashadaada la qiimeeyo

Guddida Jaamicadaha Sare iyo Jaamicadaha (UHR) waxay leeyihiin adeeg aad ku awooddo in la qiimeeyo waxbarashadaada. Taas micneheedu waa in aad is-barbardhigeyso waxbarashooyinka Iswiidhiska, oo aad arkayso waxa waxbarashadaadu u dhiganto gudaha Iswiidhan. Waxa aad ka dib helaysaa dukumenti leh qiimeyntaas oo aad tusi karto tusaale ahaan marka aad raadinayso shaqo. Adeeggan waa bilaash.

Faallo ka codso dhanka UHR

Dalalka oo dhan way ku jiraan adeegga qiimeynta ee UHR. Haddii dalkaagu aanu ku jirin waxaad taas baddalkeeda aad faallo ka codsanaysaa UHR.

Faallo waa dukumenti muujinaya waxa ay waxbarashadaadu u dhiganto dhanka nidaamka waxbarasho ee Iswiidhishka. Si loo sameeyo faalladaas waxay UHR baaraan dukumiintiyadaada waxbarasho. Waa bilaash in la codsaso faallo.

Waxaad u baahantahay aqoonsi oggolaansho gaar ah dhinaca xirfadaha qaarkood gudaha Iswiidhan

Xirfadaha qaarkood waa kuwo nidaamsan gudaha Iswiidhan. Taas micnaheedu waa in loo baahanyahay oggolaansho aqoonsi ama awood siin si loogu shaqeeyo dhanka xirfad. Macallimiinta, dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha caafimaad ayaa ah tusaalaha xirfadaha noocaas ah.

Si aad uga shaqayn karto xirfad nidaamsan waxaad u baahantahay in aad la xiriirto hey’adda dawladeed ee mas’uulka ka ah xirfadaas. Si loo helo aqoonsiga xirfadeed ee kalkaaliye caafimaad ama dhakhtar ahaan waxaad u baahantahay in aad la xiriirto Maamulka Arrimaha Bulshada. Si loo helo aqoonsiga xirfadeed ee macallin ahaan waxaad u baahantahay in aad la xiriirto Wasaaradda Waxbarashadda.

UHR waxay haysaa liistada noocyada xirfadda ee ah kuwo nidaamsan gudaha Iswiidhan. Liistadaas waxaad xitaa ka arki kartaa hey’adda dawladeed ee aad u baahantahay in aad la xiriirto ka hor inta aanad bilaabin in aad ku shaqayso xirfadaas.

Dhammeystir waxbarashadaada

Waxaad u baahan kartaa in aad dhammeystirto waxbarashadaada si aad u awooddo isticmaalka shahaadadaada dalka dibeddiisa ee dhinaca xirfad nidaamsan gudaha Iswiidhan.

Ka dib markaad dhammeystirto waxbarashadaas ayaad helaysaa wixii shuruud u ahaa in aad ku shaqayso dhanka xirfadaas. Waxay noqon kartaa tusaale ahaan shahaado ama aqoonsi xirfadeed.

Waxbarasho sare oo la bilaabay

Haddii aad waxbarasho tacliin sare ah ka bilowday dalka dibediisa, taas oo aad doonaysid inaad ka dhamaystirto Iswiidhan, markaasi qaybo ka mid ah waxbarashadan waa la xisaabin karaa. In waxbarashadan la xisaabiyo micnaheedu waa in aanad u baahnayn inaad wax la mid ah mar kale dib uga barato gudaha Iswiidhan.

Waa jaamicada sare ama jaamicada aad codsatay kuwa go'aaminaya nooca ay yihiin qaybaha waxbarashadaadi hore ee la xisaabin karo. Iyagaa go'aaminaya xitaa haddii aad haysato inaad u qalanto in la codsado waxbarashadan.

Ula xiriir iskuulka haya waxbarashada aad xiisaynayso talobixin ahaan.

Su’aalo iyo jawaabo

Xafiiska Shaqada ayaa kaa caawin karta in laguu qiimeeyo aqoontaada. Taas waxaa loo yaqaan ansixinta karti xirfadeed. Qiimaynta ka dib waxa aad heli doontaa shahaado ama caddeyn muujinaysa aqoontaada.