Shaqo hel iyadoo loo marayo barnaamijka laqabsiga dalka
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 21/1-2025
Markaad hesho sharciga deganaanshaha, waxaad fursad u haysataa inaad ka qaybgasho barnaamijka laqabsiga dalka ee Xafiiska Shaqada. Barnaamijka laqabsiga dalka waxaad ka qaybqaadan kartaa hawlo kaa caawinaya inaad barato luqadda Iswiidhishka oo aad hesho shaqo. Halkan waxaad ka akhrisan kartaa waxa uu yahay barnaamijka laqabsiga dalka, nooca taageero ee aad heli karto iyo sida aad isu diiwaan-gelinayso.

Adigaaga ah 20-65 jir waxaad ka qaybqaadan kartaa barnaamijka laqabsiga dalka haddii aad
- adigu dhawaan heshay sharciga deganaanshaha ee qaxoonti ahaan ama dadka u baahan gabbaadka.
- adigu aad qaraabo tihiin qof helay sharciga deganaanshaha ee qaxoonti ahaan ama dadka u baahan gabbaadka.
Waxaad ka qaybqaadan kartaa hawlo adiga kugu habboon
Barnaamijka laqabsiga dalka waxaad kaga qaybqaadan kartaa hawlo kaa caawinaya inaad barato luqadda Iswiidhishka oo aad hesho shaqo. Waxay noqon kartaa tusaale ahaan af Iswidhishka loogu talogalay ajnabiga (sfi), hanuuninta bulshada ama waxbarasho kale. Waxa kale oo ay noqon kartaa tababar goob shaqo ama in xirfadahaaga xirfad laguu qiimeeyo.
Adiga iyo Xafiiska Shaqada ayaa wada qorsheynaya nooca taageero ee aad heli karto iyo nooca hawlaha aad ka qayb qaadan doonto.
Hawlahaas caadi ahaan waa wakhti buuxa (40 saacadood calaa toddobaadkiiba). Xaaladaha qaarkood, waxaad ka qaybqaadan kartaa wakhti nus ah, tusaale ahaan haddii adigu aad
- ku jirto fasax waalid
- shaqeyso waqti nus ah
- leedahay cudur ama hoos u dhac awoodda laxaadka ah oo kaa horjoogsanaya in aad ka qaybqaadato wakhti buuxa.
Iska diiwaan geli Xafiiska Shaqada
Si aad uga qaybgasho barnaamijka laqabsiga dalka, waxaad u baahan tahay inaad is qorto (iska diwaangeliso) Xafiiska Shaqada inaad tahay shaqo raadiye Iska diwaangeli Xafiiska Shaqada una sheeg inaad rabtid inaad ka qaybgasho barnaamijka laqabsiga dalka iyadoo ah mid ka mid ah qaababka soo socda:
- Iska diwaangeli bogga Xafiiska Shaqada, haddii aad haysato aqoonsi elektaroonig ah.
- Booqo xafiiska adeega
Iska diwaangeli Xafiiska Shaqada sida ugu dhakhsaha badan ka dib marka aad hesho go´aanka oggolaanshaha sharciga degganaanshaha. Macluumaadka sida loola xiriirayo waxaad ka helaysaa Xafiiska Shaqada boggooda intarnatka.
Wadahadalka ugu horreeya ee lala yeesho Xafiiska Shaqada
Wadahadalkaaga ugu horreeya ee Xafiiska Shaqada wuxuu ku dhici karaa dhanka telafoonka ama in aad la kulanka hawlwadeen. Inta wadahadalku socdo ayaad ka sheekaynaysaa waxa aad horey uga soo shaqayn jirtay, waxbarashadaada, waxaad xiisayso iyo waxa aad rabtid in aad ka shaqayso xilliga mustaqbalka. Waxaad sidoo kale ka hadli doontaa haddii ay jiraan wax saameynaya fursadahaaga shaqo ama ka qaybqaadashada hawlaha barnaamijka laqabsiga dalka, tusaale ahaan caafimaadkaaga. Ka dib ayaad isla meel dhigaysaan qorshe leh hawlo kala duwan.
Ka codso gunno Qasnadda Caymiska
Waxaad taageero dhaqaale ka codsan kartaa Qasnadda Caymiska marka aad ka qayb-qaadanayso barnaamijka laqabsiga dalka. Tani waxaa lagu magacaabaa gunnada laqabsiga dalka.
Adigaaga ka qaybqaadanaya barnaamijka laqabsiga dalka waxa kale oo aad xaq u yeelan kartaa
- kabka dheeraadka ee laqabsiga dalka, haddii aad leedahay carruur kula nool
- kaalmada kirada guriga, haddii aad keli ahaan nooshahay.
Xafiiska Shaqada ayaa kaa caawin kara in aad hesho caddaynta iyo shahaadada dhanka aqoontaada
Adigaaga haysta waxbarasho ama khibrad shaqo ah waxaad u baahantahay in aad haysato taas caddaynteeda iyo shahaadadeeda. Haddii aanad haysan dukumentiyo noocaas ah Xafiiska Shaqada ayaa kaa caawin kara in aad hesho in aqoontaada iyo khibradaada la qiimeeyo. Taas waxaa loo yaqaan ansaxin. Aqoonta lagu qiimeynayo ansaxinta waxaa laga yaabaa in aad ku heshay dhanka waxbarasho, laakiin xitaa dhanka nolosha shaqo ama noloshaada maalinlaha ah.
Haddii aad rabto in aad bilowdo ganacsi kuu gaar ah
Haddii aad rabto in aad bilowdo ganacsi adiga kuu gaar ah waxaad tusaale ahaan Xafiiska Shaqada ka heli kartaa caawin iyo talo-bixin. Xafiiska Shaqada wuxuu leeyahay barnaamij lagu magacaabo "Taageerada dhanka bilaabidda ganacsi". La xidhiidh Xafiiska Shaqada haddii taas in aad ka qaybgashaa ay adiga ku khuseyso.
Su’aalo iyo jawaabo
Haa, waad ka qayb qaadan kartaa barnaamijka taabo gelinta hal gelin haddii aad ku jirto fasax waalid oo hal gelin ah. Kama qaybqaadan kartaa barnaamijka laqabsiga dalka haddii aad ku jirto fasax waalid wakhti buuxa.
Haa, waad ka qayb-qaadan kartaa barnaamijka laqabsiga dalka haddii aad shaqayso hal gelin. Tusaale ahaan waxaad baran kartaa sfi oo iyo in aad shaqayso hal gelin.
Kama qaybqaadan kartid barnaamijka laqabsiga dalka haddii aad shaqayso wakhti buuxa ama aad haysato shirkad gaar kuu ah.
Haa, waad ka baran kartaa barnaamijka laqabsiga dalka. Tusaale ahaan waxaad baran kartaa
- sfi dhanka waxbarashada dadka waaweyn ee degmada aad ku nooshahay
- machadka waxbarashada ee dadka waaweyn
- jaamacad xirfadeed
- kulliyad ama jaamacad.
La xidhiidh Xafiiska Shaqada markaas iyaga ayaa kula baarayo fursadaha jira.