Caawin loogu talogalay adigaaga ay dhib kaa soo gaartay hanjabaad iyo dagaal

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 23/1-2025

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin in ay ku noolaadaan nolol ah bilaa dagaal. Maaha khaladkaaga haddii lagugu dhibaateeyay dagaal. Waxa aad xaq u leedahay gabood iyo taageero. Halkan waxaad ka akhrin kartaa waxa dagaal yahay iyo sida aad u heli karto taageero iyo caawimaad. Tusaale ahaan waxaa jira ururo aad la xiriiri karto. Ma u baahid in aad u sheegto qofka aad tahay.

Waa maxay dagaal?

Waxaa jira noocyo badan oo kala duwan oo dagaal ah. Dhowr tusaale oo dagaal waa

  • garaacid, laadid ama jug-siin tuurid qof
  • cunaha in la qabto qof
  • alaab lagu tuuro qof
  • loo hanjabo ama la cabsi geliyo qof
  • qof loogu yeero waxyaabo xun oo bah-dilaad ah
  • laga mamnuuco qof in uu la kulmo qofka isaga ama iyadu rabo
  • la jajabiyo qof alaabtiisa
  • galmo lala sameeyo qof aan rabin, tusaale ahaan iyadoo la isticmaalayo dagaal, hanjabaad ama la sameeyo marka qofkaas hurdo
  • kantaroolo qof dhaqaalihiisa gaarka u ah, tusaale ahaan in qofka aan loo oggolaan xisaab bangi oo gaar u ah iyo kaar bangi ama lagu khasbo qofka qaadashada amaah bangi.

Dagaalka ka dhanka ah gabdhaha iyo haweenka wuxuu ka jiraa aduunka oo dhan. Qayb weyn oo ka mid ah dagaalka lagula kaco gabdhaha iyo haweenka wuxuu ka dhacaa gudaha qoyska. Hanjabaad, qasbid ama in la garaaco qof waa dembi, xataa haddii ay qoyska dhexdiisa ka dhacdo. Badanaaba waa rag kuwa gaystay dhibaatada dagaalka.

Maxaa la helaa dhanka taaageero iyo caawimaad?

Waxaad la xiriiri kartaa adeegga arrimaha bulshada, booliiska ama mid ka mid ah ururada bixiya taageero iyo caawimaad. Haddii aad u baahato in aad ka tagto guriga waxaa jira meelo ah hoy gaar ah oo gabood ah.

U sheeg qof saaxiib ah

Haddii laguu gaystay hanjabaad iyo dagaal waxaad xaaladaada uga sheekayn kartaa saaxiibadaa iyo dadka kale ee aad ku kalsoontahay. Iyaga ayaa ku dhagaysan kara oo kaa caawin kara in aad ogaato meesha aad ka heli karto taageero iyo caawin.

Khadadka telafoonnada taageerada ee aad wici karto adigoo aan u sheegayn qofka aad tahay

Khadadka taageerada waa lambar telafoon oo dadka lagu dhibaateeyay hanjabaad iyo dagaal ay wici karaan si ay u helaan taageero iyo caawin.

Wicitaankaas waa bilaash. Adigu ma u baahnid inaad sheegto qofka aad tahay marka aad wacayso. Wicitaankaaga ma laga arkayo marka la bixinayo xisaabta telafoonka. Kuwa ka jawaaba telefoonkan waxaa waajib ku ah xog-qarinta sirta oo ma loo oggola in ay qof kale u sheegaan wixii adigu aad u sheegtay.

Khadadka taageerada waxay haystaan turjumaano wax u turjuma luqado dhowr ah. U sheeg luqadda aad rabto in aad ku hadasho marka aad wacdo oo sug inta ay la xiriirayaan turjubaan.

Khadka nabadda haweenka waa telafoon lambar aad wici karto haddii laguu gaystay hanjabaad iyo dagaal oo u baahantahay taageero. Waxa aad wici kartaa maalin iyo habeenba.

Lambarka telafoonka Khadka nabadda haweenka waa 020 50 50 50

Khadka taageerada dadka trans-ka ah waa telafoon lambar ay dadka waaweyn ee ah trans-ka wici karaan si ay u helaan taageero. Khadkan taageerada wuxuu furanyahay maalin walba saacadda 11:00 ilaa 19:00.

Lambarka telafoonka Khadka taageeradaas ee dadka trans-ka ah waa 020 55 00 00

Xaqqa in wax la doorto (Rätt att välja) waa lambar telefoon oo aad wici karto haddii aad ku hoos nooshahay xeerar iyo shuruudo lagu ilaalinayo sumcadda ama sharafta qoyska. Waxay noqon kartaa in lagugu hayo dhib ah kantaroolid, hanjabaad ama dagaal.Khadkan taageerada wuxuu furanyahay maalin walba saacadaha 07:00 ilaa 21:00.

Lambarka taleefanka ee Rätt att välja (Xaqqa in wax la doorto) waa 020 57 70 70

Khadka taageerada ragga waa telafoon lambar aad wici karto haddii aad tahay nin oo laguu gaystay dhibaato ah hanjabaad iyo dagaal oo aad u baahantahay taageero. hadkan taageerada wuxuu furanyahay maalin walba saacadda 07:00 ilaa 21:00.

Lambarka telafoonka Khadka taageeradaas waa 020 80 80 80

Ururada aad la xiriiri karto adiga oo aan u sheegin qofka aad tahay

Heeganka haweenka waa urur taageero iyo gabood siiya haweenka iyo carruurta loo gaystay dhibaato dagaal oo xiriiryada dhow ah ama dagaal la xiriira sharafta iyo cadaadis. Waxa kale oo jira heeganyada gabdhaha looguna talogalay dadka da’da yar. Dhammaan dadka taageero ka raadsada heegan haween ama heegan gabdho waxay dooran karaan in aanay sheegin cidda ay yihiin. Heeganku ma qoro qofka aad tahay ama waxa aad u sheegtay.

Heeganyada haweenka iyo heeganyada gabdhaha badankooda waxaa hawshooda socodsiiya ururo samafal ah. Heeganyo haween iyo heeganyo gabdho ayaa ku yaala dalka oo dhan.

Degmada iyo hey’adaha dawladda waa in ay bixiyaan taageero iyo gabood

La xiriir xafiiska arrimaha bulshada ee degmadaada

Degmada ayaa mas’uul ka ah in la ilaaliyo dadka loo gaystay dhibaato dagaal. Waxay ahaan kartaa tusaale ahaan in la siiyo hoy gabood ah.

Xafiiska adeegga arrimaha bulshada ee degmada waa in uu bixiyo taageero iyo caawimaad la siiyo carruurta, haweenka iyo ragga ku nool dagaal ah xiriiryada dhow iyo dagaal la xiriira sharafta iyo cadaadis.

Macluumaadka xiriirka ee xafiiska arrimaha bulshada waxaad ka helaysaa bogga intarnatka ee degmadaada.

La xiriir rug caafimaadka

Daryeelka caafimaadka iyo bukaanka ayaa ku caawin kara haddii laguu gaystay dhibaato hanjabaad ama dagaal ah. Waxaad la xiriiri kartaa rug caafimaad haddii laguu gaystay dhibaato hanjabaad ama dagaal ah.

Iyadoo lala joogo ayaa rugta caafimaadka ay kaa caawin karaan tusaale ahaan in la qoraalo laga diyaariyo dhaawacyadaada, xitaa haddii imminka aanad diyaar u ahayn in aad samayso ashkato booliis.

Haweenay dhakhtarad ah oo dhinac fadhida miis oo la hadlaysa bukaan socod.

La xiriir booliiska

Haddii adiga ama qof aad garanayso loo gaystay dhibaato dagaal waxaad wargelin kartaa booliska. Booliiska ayaa ku siin kara gabood haddii aad u baahato taas.

Waxaa jira laba qaab oo loola xiriiro booliiska:

  • booliiska ka wac 114 14
  • booqato saldhig booliis.

Dhaawacyada iyo hanjabaaduhu waa caddaymo muhiim ah. Sawir ka qaad wixii dhaawacyo ah ee jiri kara ama qof kale ka codso inay sidaas ay sameeyaan. Kaydi hanjabaad laguugu soo diray tusaale ahaan sheekaysi qoraal ah, fariin moobil, ii-mayl ama halka fariimaha codka lagu dhaafo ee telafoonkaaga. Ka codso qof kale inuu kaydiyo caddaymaha haddii adiga laf ahaantaadu aanad kaydin karin kuwaas.

Wac 112 haddii ay jirto xaalad deg-deg ah.

Waxaad heli kartaa macluumaad shakhsi oo dhowrsan

Haddii aad khatar ugu jirto in laguu gaysto hanjabaad iyo dagaal waxaad xaaladaha qaarkood heli kartaa macluumaad shakhsi oo dhowrsan. Taas tusaale ahaan micnaheedu waa in magacaaga iyo cinwaankaaga aan laga arkin diiwaan-gelinta dadweynaha. Markaas waxaa ku adkaanaysa dadka kale in ay ogaadaan halka aad ku nooshahay.

Su’aalo iyo jawaabo

Xafiiska adeegga arrimaha bulshada mas’uuliyad ayaa ka saaran inay dadka loo gaystay dhibaato dagaal ay ku casuumaan taageero. Iyagu waa in ay baaraan xaaladda, haddii aad rabto. Tani waa si aad u hesho taageerada aad u baahantahay.

Xafiiska adeegga arrimaha bulshada waxa ay kaa caawin karaan tusaale ahaan in aad

  • samayso ashkato booliis
  • la xiriirto hey’adaha dawladeed ee kale, tusaale ahaan daryeelka caafimaadka, Qasnadda Caymiska iyo Hey’adda Cashuuraha
  • codsato mamnuucidda xiriir
  • u guurto hoy gabood ah
  • codsato taageero dhaqaale.

Xafiiska adeegga arrimaha bulshada waa in uu xitaa carruurta siiyo gabood iyo taageero marka taas loo baahdo. Haddii adeegga arrimaha bulshada qiimeeyo in ilmo u baahan karo ilaalin ama taageero markaas waa hawshooda inay ogaadaan waxa ugu fiican ilmahan iyo qoyskan. Ta ugu caadisan waa in lagu heshiiyo nooca taageero ee ugu haboon. Tusaale ahaan waxaa laga yaabaa in adiga iyo ilmahaaga la idiin oggolaado in aad ugu wada guurtaan hoy gabood ah. Ilmahaagu wuxuu xitaa helayaa dhakhtar cilmi-nafsi oo lala hadlo ama in lala kulmo carruur kale oo ku jirta xaalad la mid ah.

Dhammaan dadka tuhunsan in ilmo laga yaabee dhibaataysanyahay waxay wel-welka ay ka qabaan ilmahaas ku wargelin karaan xafiiska adeegga arrimaha bulshada. Wargelin micnaheedu maaha in qof ashkateeyay tusaale ahaan waalid, laakiinse waa in qof sameeyay wargelin ah in laga wel-welsanyahay ilmo. Dadka ka shaqeeya tusaale ahaan iskoolka, booliiska ama daryeelka bukaanka waxaa saaran mas’uuliyad aad u badan in ay u sheegaan xafiiska adeegga arrimaha bulshada haddii ilmo aanu ku sugnayn xaalad fiican. Taas waxay ku qorantahay sharciga in ay ku khasbanyihiin in ay wargeliyaan xafiiska adeegga arrimaha bulshada haddii ay ka wel-welsanyihiin ilmo.

Maamulka arrimaha bulshada ayaa sameeyay filim ku saabsan nooca caawinta ee adeegga arrimaha bulshadu bixin karto marka ay iyaga soo gaarto warbixin wel-wel oo ku saabsan ilmo carruur ah. Filimka waxaa la helayaa isagoo dhowr luqadood ah.

Qasnadda Caymiska boggeeda intarnatka waxaad ka baddali kartaa qofka helaya lacagta kaalmada carruurta. Haddii adiga iyo lamaanahaagu aydaan heshiis ahayn markaas adiga laf ahaantaada ayaa samayn kara wargelinta baddalka iyadoo aan lamaanahaagu oggolaan baddalkan. Markaas ayaa Qasnadda Caymiska ay baaraysaa meesha ilmuhu ku noolyahay. Haddii ilmuhu qayb badan oo wakhtiga ka mid ah adiga kula noolyahay waxaad heli kartaa lacagta kaalmada carruurta oo dhammaystiran.

Haddii adiga iyo lamaanahaagu aad wada nooshihiin oo ilmihiinu la noolyahay labadiinaba waxaa loo kala qaybiyaa labadiina.

Qasnadda Caymiska ayaa la xiriiraysaa lamaanahaaga oo u sheegaysa nooca macluumaadka ee aad dhiibtay. Lamaanahaaga waxaa la siinayaa laba toddobaad in la dhiibto aragtiyo ka hor inta aan Qasnadda Caymiska aanay gaarin go’aan.

Haddii aad keligaa la nooshahay ilmahaaga waxaad lacagta uu bixiyo waalidka aan la noolayn carruurta aad ka codsan kartaa Qasnadda Caymiska. Lacagta uu bixiyo waalidka aan la noolayn carruurta waa lacag ay Qasnadda Caymiska ku siin karto haddii aanad wax ah lacagtaas ka helin waalidka kale. Qasnadda Caymiska waa in ay waalidka kale ku wargeliso in ay soo gaartay codsi ka yimi adiga oo ah lacagta uu bixiyo waalidka aan la noolayn carruurta. Qasnadda Caymiska ayaa warqad u direysa waalidka kale marka ay bilaabaan in ay guda galaan hawsha codsigaaga.

Haddii aad welwelsantahay waxaad wici kartaa Qasnadda Caymiska ka hor inta aanad dirin codsigan. Waxaad xitaa codsiga ku qori kartaa in ay ku haysato dhibaato ah hanjabaad. Haddii aanad rabin in aad codsiga ku sheegto in ay ku haysato dhibaato hanjabaad waxaad ku qori kartaa codsiga in aad rabto in Qasnadda Caymiska ay ku soo wacdo marka ay bilaabayaan in ay ka shaqeeyaan codsigaaga.

Haddii aad ku timi Iswiidhan dhanka xiriir aad la leedahay qof oo si xun kuula dhaqmay qofkaas waxaa Hey’adda Socdaalka ay xaaladaha qaarkood dheereyn kartaa sharcigaaga deganaansho xitaa haddii xiriirkaas dhammadey. Tani waxay ahaan kartaa tusaale ahaan haddii xiriirkaas dhammaadey sababtoo ah in lamaanahaaga uu adiga iyo ilmahaaga idiin gaystay dhibaato dagaal ama xad-gudub kale oo khatar ah.

Haddii aad ka fikirayso waxa khuseeya isla arrintaada waxaad la xiriiri kartaa sharci-yaqaan takhasus u leh arrimaha sharciyada socdaalka, tusaale ahaan xarunta xuquuqda magangelyada ee Asylrättscentrum.

Sharraxaadda kalmado iyo erayo

Heeganyada haweenka iyo heeganyada gabdhaha

Heeganyada haweenka iyo heeganyada gabdhaha waa ururo siiya taageero, taloooyin iyo caawimaad dadka loo gaystay hanjabaad iyo dagaal.

Hoy gabood ah

Hoy gabood ah waa hoy loogu talogalay dadka loo gaystay dhibaato dagaal dhanka xiriiryada dhow una baahan in ay ka tagaan gurigooda. Heeganyada haweenka badankoodu waxay bixiyaan hoy gabood ah. Badankooda haweenka ku nool hoy gabood ah waxay halkaa ku haystaan caruurtooda.

Raggu dagaalka ay kula kacaan haweenka

Dagaalka ka dhanka ah gabdhaha iyo haweenka waxa uu ka jiraa aduunka oo dhan iyo gudaha dhaqamada oo dhan. Qayb weyn oo ka mid ah dagaalka lagula kaco gabdhaha iyo haweenka wuxuu ka dhacaa gudaha qoyska. Badanaaba waa rag kuwa gaystay dhibaatada dagaalka.

Dagaalka gudaha xiriiryada dhow

Dagaalka gudaha xiriiryada dhow micnahiisu waa in dhibaato dagaal uu kuu gaystay qof aad kuugu dhow, tusaale ahaan ninkaaga, xaaskaaga, qofka aad wada nooshihiin, lamaanahaaga, waalidkaaga ama qof kale oo qaraabo ah.

Dagaalka iyo cadaadiska la xiriira sharafta

Qoysaska qaarkood iyo qaraabada waxaa jira aragtiyo xoogan oo ku saabsan sida haweenka iyo gabdhuhu ay tahay inay u dhaqmaan. Waxaa jiri karaa qawaaniin qoys oo sheegaya kuwa loo oggolyahay in ay la kulmaan ama in iyaga aan loo oggolayn in ay galmo sameeyaan ka hor inta aanay guursan. Haddii qof loo gaysto dhibaato dagaal ama lagu ciqaabo sababtoo ah in isaga ama iyadu ay jebiyeen qawaaniinta qoyska ama qaraabada waxaa taas lagu magacaabaa dagaal iyo cadaadis la xiriira sharafta. Badanaaba dhowr qof ayaa dagaalkan si wadajir ah u fuliya. Dadka dhibta gaysanaya uma baahna inay ahaadaan lamaane. Waxay xitaa ahaan karaan waalidka, walaalaha, qaraabada ama dad ay aqoon isu leeyihiin qoyska.

Hbtqi

Hbtqi waxaa loo soo gaabiyaa dadka ka hela dadka ay isku jinsiga yihiin, dadka labada jinsiba ka hela, dadka dareemaya inay yihiin jinsi kale oo aan ahayn ka sharciyan u qoran, dadka aan doonayn inay qeexaan jinsigooda ama jinsiga ay ka helaan iyo dadka labeebka ah.

Qof trans ah

Qof trans ah waa qof dareemaya, ama isku cabbiraya sida, jinsi kale oo aan ahayn jinsiga loo diiwaan-geliyay xilliguu dhashay. Trans maaha hanaan galmo.