Faahfaahinta xiriirka ee ururrada iyo hay’adaha dawaladeed bixin kara taageerada iyo caawinta
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 9/12-2024
Halkaan waxaad ka heleysaa macluumaadka xiriirka ururada iyo hay´adaha dawladeed ee ku siin kara taageero iyo caawin haddii aad la kulanto rabshado.
Khadadka telafoonnada taageerada ee aad wici karto adigoo aan u sheegayn qofka aad tahay
Khadadka taageerada waa lambar telafoon oo dadka lagu dhibaateeyay hanjabaad iyo dagaal ay wici karaan si ay u helaan taageero iyo caawin.
Wicitaankaas waa bilaash. Adigu ma u baahnid inaad sheegto qofka aad tahay marka aad wacayso. Wicitaankaaga ma laga arkayo marka la bixinayo xisaabta telafoonka. Kuwa ka jawaaba telefoonkan waxaa waajib ku ah xog-qarinta sirta oo ma loo oggola in ay qof kale u sheegaan wixii adigu aad u sheegtay.
Khadadka taageerada waxay haystaan turjumaano wax u turjuma luqado dhowr ah. U sheeg luqadda aad rabto in aad ku hadasho marka aad wacdo oo sug inta ay la xiriirayaan turjubaan.
Khadka nabadda haweenka waa telafoon lambar aad wici karto haddii laguu gaystay hanjabaad iyo dagaal oo u baahantahay taageero. Waxa aad wici kartaa maalin iyo habeenba.
Lambarka telafoonka Khadka nabadda haweenka waa 020 50 50 50
Khadka taageerada dadka trans-ka ah waa telafoon lambar ay dadka waaweyn ee ah trans-ka wici karaan si ay u helaan taageero. Khadkan taageerada wuxuu furanyahay maalin walba saacadda 11:00 ilaa 19:00.
Lambarka telafoonka Khadka taageeradaas ee dadka trans-ka ah waa 020 55 00 00
Xaqqa in wax la doorto (Rätt att välja) waa lambar telefoon oo aad wici karto haddii aad ku hoos nooshahay xeerar iyo shuruudo lagu ilaalinayo sumcadda ama sharafta qoyska. Waxay noqon kartaa in lagugu hayo dhib ah kantaroolid, hanjabaad ama dagaal.Khadkan taageerada wuxuu furanyahay maalin walba saacadaha 07:00 ilaa 21:00.
Lambarka taleefanka ee Rätt att välja (Xaqqa in wax la doorto) waa 020 57 70 70
Khadka taageerada ragga waa telafoon lambar aad wici karto haddii aad tahay nin oo laguu gaystay dhibaato ah hanjabaad iyo dagaal oo aad u baahantahay taageero. hadkan taageerada wuxuu furanyahay maalin walba saacadda 07:00 ilaa 21:00.
Lambarka telafoonka Khadka taageeradaas waa 020 80 80 80
La xidhiidh heeganka haweenka ama heeganka gabdhaha
Heeganka haweenka waa urur taageero iyo gabood siiya haweenka iyo carruurta loo gaystay dhibaato dagaal oo xiriiryada dhow ah ama dagaal la xiriira sharafta iyo cadaadis. Waxa kale oo jira heeganyada gabdhaha looguna talogalay dadka da’da yar. Dhammaan dadka taageero ka raadsada heegan haween ama heegan gabdho waxay dooran karaan in aanay sheegin cidda ay yihiin. Heeganku ma qoro qofka aad tahay ama waxa aad u sheegtay.
Heeganyada haweenka iyo heeganyada gabdhaha badankooda waxaa hawshooda socodsiiya ururo samafal ah. Heeganyo haween iyo heeganyo gabdho ayaa ku yaala dalka oo dhan.
La xiriir xafiiska arrimaha bulshada ee degmadaada
Degmada ayaa mas’uul ka ah in la ilaaliyo dadka loo gaystay dhibaato dagaal. Waxay ahaan kartaa tusaale ahaan in la siiyo hoy gabood ah.
Xafiiska adeegga arrimaha bulshada ee degmada waa in uu bixiyo taageero iyo caawimaad la siiyo carruurta, haweenka iyo ragga ku nool dagaal ah xiriiryada dhow iyo dagaal la xiriira sharafta iyo cadaadis.
Macluumaadka xiriirka ee xafiiska arrimaha bulshada waxaad ka helaysaa bogga intarnatka ee degmadaada.
La xiriir rug caafimaadka
Daryeelka caafimaadka iyo bukaanka ayaa ku caawin kara haddii laguu gaystay dhibaato hanjabaad ama dagaal ah. Waxaad la xiriiri kartaa rug caafimaad haddii laguu gaystay dhibaato hanjabaad ama dagaal ah.
Iyadoo lala joogo ayaa rugta caafimaadka ay kaa caawin karaan tusaale ahaan in la qoraalo laga diyaariyo dhaawacyadaada, xitaa haddii imminka aanad diyaar u ahayn in aad samayso ashkato booliis.
La xiriir booliiska
Haddii adiga ama qof aad garanayso loo gaystay dhibaato dagaal waxaad wargelin kartaa booliska. Booliiska ayaa ku siin kara gabood haddii aad u baahato taas.
Waxaa jira laba qaab oo loola xiriiro booliiska:
- booliiska ka wac 114 14
- booqato saldhig booliis.
Wac 112 haddii ay jirto xaalad deg-deg ah.
Hawlaha shaqo ee kale ee ku siin kara taageero iyo caawimaad
Bris (Carruurta xuquuqdoda gudaha bulshada)
Bris waa urur taageero siiya carruurta iyo dhalinyarada. Carruurta iyo dhalinyarada ka yar 18 jir waxay wici karaan, sms, ii-mayl ama sheekaysi qoraal ah kala xiriiri karaan Bris si ay ula hadlaan la-taliye.
Lambarka telafoonka ee Bris waa 116 111
Wicitaankan waa bilaash oo ma u baahnid in aad sheegto qofka aad tahay marka aad wacayso.
Heeganka dhibanayaasha dembi loo gaystay
Heeganka dhibanayaasha dembi loo gaystay waa urur taageero iyo taloooyin siiya dadka loo gaystay dembi, markhaati u ahaa dembi iyo qaraabada dadka loo gaystay dembi.
Lambarka telafoonka Heeganka dhibanayaasha dembi loo gaystay waa 116 006
Wicitaankaas waa bilaash. Adigu ma u baahnid inaad sheegto qofka aad tahay marka aad wacayso.
Killar.se
Killar.se waa bog intarnat lehna sheekaysi qoraal ah oo wiilasha u dhaxeeya 10–25 ay kala hadli karaan qof kana helayaan taageero.
Rugta Linnamottagningen
Rugta Linnamottagningen waxay bixisaa taageero, gabood iyo talooyin la siiyo dhalinyarada lagu hayo kantaroolid, hanjabaad iyo dagaal kaga yimi qoyska ama qaraabada.
Lambarka telafoonka Rugta Linnamottagningen waa 020 40 70 40
Wicitaankaas waa bilaash. Adigu ma u baahnid inaad sheegto qofka aad tahay marka aad wacayso.
Hawsha Matildaverksamheten
Hawsha Matildaverksamheten waxay taageero, gabood iyo talooyin siisaa haweenka asal ahaan ajnabiga ah ee lamaanahoodu u gaystay dhibaato hanjabaad iyo dagaal. Adigu ma u baahnid inaad sheegto qofka aad tahay marka aad wacdo Hawsha Matildaverksamheten.
Lambarka telafoonka ee Hawsha Matildaverksamheten waa 08 646 10 70
RFSL
RFSL waa urur u shaqeeya dadka hbtqi ah xuquuqdooda. Iyagu waxay leeyihiin rug taageero looguna talogalay dadka hbtqi ah ee loo gaystay dhibaato hanjabaad iyo dagaal.
Terrafem
Terrafem waa urur wada-hadal taageero, talooyin sharciyan ah iyo gabood ku casuuma haweenka loo gaystay dhibaato dagaal. Iyagu waxay taageero ku bixiyaan dhowr luqadood.
Lambarka telafoonka Terrafem waa 020 52 10 10
Wicitaankaas waa bilaash. Adigu ma u baahnid inaad sheegto qofka aad tahay marka aad wacayso.
TRIS (Gabdhaha xuquuqdooda dhanka bulshada)
TRIS waa urur taageero ku casuuma dadka ku hoos nool dagaal iyo cadaadis la xiriira sharafta.
Lambarka telafoonka TRIS waa 010 255 9191
1000 Möjligheter
1000 Möjligheter (Fursadood) waa urur taageero iyo caawimaad siiya dadka da’da yar ee lamaanahoodu gaystay dhibaato dagaal ama galmo u sameeyay iyagoo wax kale ku baddashay.
Sharraxaadda kalmado iyo erayo
Heeganyada haweenka iyo heeganyada gabdhaha
Heeganyada haweenka iyo heeganyada gabdhaha waa ururo siiya taageero, taloooyin iyo caawimaad dadka loo gaystay hanjabaad iyo dagaal.
Hoy gabood ah
Hoy gabood ah waa hoy loogu talogalay dadka loo gaystay dhibaato dagaal dhanka xiriiryada dhow una baahan in ay ka tagaan gurigooda. Heeganyada haweenka badankoodu waxay bixiyaan hoy gabood ah. Badankooda haweenka ku nool hoy gabood ah waxay halkaa ku haystaan caruurtooda.
Raggu dagaalka ay kula kacaan haweenka
Dagaalka ka dhanka ah gabdhaha iyo haweenka waxa uu ka jiraa aduunka oo dhan iyo gudaha dhaqamada oo dhan. Qayb weyn oo ka mid ah dagaalka lagula kaco gabdhaha iyo haweenka wuxuu ka dhacaa gudaha qoyska. Badanaaba waa rag kuwa gaystay dhibaatada dagaalka.
Dagaalka gudaha xiriiryada dhow
Dagaalka gudaha xiriiryada dhow micnahiisu waa in dhibaato dagaal uu kuu gaystay qof aad kuugu dhow, tusaale ahaan ninkaaga, xaaskaaga, qofka aad wada nooshihiin, lamaanahaaga, waalidkaaga ama qof kale oo qaraabo ah.
Dagaalka iyo cadaadiska la xiriira sharafta
Qoysaska qaarkood iyo qaraabada waxaa jira aragtiyo xoogan oo ku saabsan sida haweenka iyo gabdhuhu ay tahay inay u dhaqmaan. Waxaa jiri karaa qawaaniin qoys oo sheegaya kuwa loo oggolyahay in ay la kulmaan ama in iyaga aan loo oggolayn in ay galmo sameeyaan ka hor inta aanay guursan. Haddii qof loo gaysto dhibaato dagaal ama lagu ciqaabo sababtoo ah in isaga ama iyadu ay jebiyeen qawaaniinta qoyska ama qaraabada waxaa taas lagu magacaabaa dagaal iyo cadaadis la xiriira sharafta. Badanaaba dhowr qof ayaa dagaalkan si wadajir ah u fuliya. Dadka dhibta gaysanaya uma baahna inay ahaadaan lamaane. Waxay xitaa ahaan karaan waalidka, walaalaha, qaraabada ama dad ay aqoon isu leeyihiin qoyska.
Hbtqi
Hbtqi waxaa loo soo gaabiyaa dadka ka hela dadka ay isku jinsiga yihiin, dadka labada jinsiba ka hela, dadka dareemaya inay yihiin jinsi kale oo aan ahayn ka sharciyan u qoran, dadka aan doonayn inay qeexaan jinsigooda ama jinsiga ay ka helaan iyo dadka labeebka ah.
Qof trans ah
Qof trans ah waa qof dareemaya, ama isku cabbiraya sida, jinsi kale oo aan ahayn jinsiga loo diiwaan-geliyay xilliguu dhashay. Trans maaha hanaan galmo.