Ku safar gaadiidka dadweynaha
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 3/6-2025
Si aad ugu safarto gaadiidka dadweynaha waxaad u baahan tahay inaad tigidh iibsato. Halkan waxaad ka akhrisan kartaa siyaabo kala duwan oo loo iibsado tigidh. Waxaad sidoo kale leemanka boggaga intarnatka ka helaysaa warbixino ku saabsan gaadiidka dadweynaha ee gobolada kale.

Waxaa jira dhowr siyaabood oo lagu iibsan karo tigidhada gaadiidka dadweynaha ee Iswiidhan, tusaale ahaan
- gudaha aab-ka shirkad
- bogga intarnatka ee shirkad
- mashiinada tigidhada ee xarumaha gaadiidka dadweynaha
- xarunta macaamiisha ee shirkad
- gudaha dukaamo sida tusaale ahaan Pressbyrån, 7-eleven ama Ica.
Badanaaba waxaad u baahantahay in aad tigidhkaaga iibsato ka hor inta aanad korin baska, tareenka, tareenka magaalada gudaheeda iyo tareenka dhulka hoostiisa mara.
Safarada dhanka tareenka
Sharraxaadda kalmado iyo erayo
Gaadiidka dadweynaha
Gaadiidka dadweynuhu waa gaadiidka loogu talogalay dadweynaha, tusaale ahaan bas, tareen, tareenka magaalo gudaheeda, tareenka dhulka hoostiisa mara iyo doonida rakaabka.