Qaado liisanka darawalnimada oo baabuur ku wad Iswidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 3/6-2025

Baabuur waxaad Dalka Iswiidan ku wadi kartaa haddii aad 18 sano buuxsatay oona haysato shatiga baabuur wadista ee Dalka Iswiidan ka ansaxsan. Halkan waxaad ka akhrisan kartaa sida aad samaynayso si aad baabuur u wado marka aad hesho ruqsadda deganaanshaha.

Haweenay baabuur wadata.

Shatiga baabuur wadista ee dalka dibediisa laga soo saaray wuxuu ansax yahay hal sano, tiriskaas oo laga soo bilaabo taariikhda diiwaan-gelinta dadweynaha

Haddii markii jawaabta aad sugaysay aad baabuur ku waday jirtay shatiga baabuur wadista oo dalka dibediisa laga soo saaray, waa inaad qaadato shatiga baabuur wadista ee Dalka Iswiidan kadib markii lagu siiyo ruqsadda deganaanshada, waa haddii aad rabto inaad baabuur wado. Waa inaad shatiga baabuur wadista hal sano gudihiis ku qaadato ka dib markii dalka laga diiwaan geliyay diiwaanka dadweynaha.

Qaadashada shatiga baabuur wadista ee Dalka Iswiidan

Sidii lagu siiyo shatiga baabuur wadista ee ee baabuurta shakhsiga ah iyo baabuurka xamuulka ee fudud ee Dalka Iswiidan (ruqsadda darajada B) waxaa inaad

  • Hey`adda gaadiidka ka codsato ruqsadda oggolaanshaha wadista
  • waa in aad tahay qof si joogto ah Dalka Iswiidan ku noolaan doono ama ugu yaraan lexdii bilood ee ugu dambeeyeen wax ku baranaay dalka.
  • waa inaad buuxsatay 18 sano
  • ka qaybgasho koorsada tababarka khataraha
  • ku gudubtay imtixaanka aqoonta yo imtixaanka baabuur wadista.

Waxaad ruqsadda baabuur wadista ka codsanaysaa Hey`adda gaadiidka. Waxaad imtixaanka aqoonta iyo imtixaanka wadista ka samaynaysaa dhinaca Maamulka Gaadiidka.

Baabuurkaaga waa inuu caymis leeyahay

Haddii aad baabuur leedahay waa in u caymiska traafikada leeyahay. La xiriir shirkad caymis si aad u samaysato caymiska traafikada. Haddii aadan samaysan caymiska traafikada waxaad bixin doontaa ganax. Lacagta ganaxa aad ayay ugu badan tahay kharashka caymiska traafikada ee aad bixin lahayd.

Waa in aad tixgeliso nidaamyada traafikada ee Dalka Iswiidan u degsan

Nidaamyada traafikada ee Dalka Iswiidan u degsan ayaa hirgelayo xitaa haddii aad haysato shatiga baabuur wadista oo dal kale laga soo saaray. Waa inaad tusaale ahaan buuxsatay 18 sano sidii aad baabuur ugu wado Dalka Iswiidan. Ma laguu oggola inaad baabuur wado haddii aad cabtay khamri ama qaadatay maan-dooriye. Haddii nidaamyada traafikada aadan tixgelin, wuxuu ciidanka booliiska ama Hey`adda gaadiidka awooda ka qaado shatiga baabuur wadista xitaa haddii dalka dibediisa laga soo saaray. Ciqaabta dembiyada qaarkood waxay xitaa ahaan kartaa ganaax ama xabsi.

Sharraxaadda kalmado iyo erayo

Ruqsadda baabuur wadista

Ruqsadda baabuur (körkortstillstånd) waa ruqsad Hey'adda gaadiidka laga dalbado kahor inta aadan bilaabin tababarka baabuur wadista. Markii aad codsanayso ruqsadda baabuur wadista, waa in aad buuxiso foomka caddaynta xaalad-caafimaadeedka, kana jawaabto dhowr su`aalood ku saabsan cudurrada iyo daawooyinka aad qaadato. Tan kale waa in dhakhtarka indhaha oo shati haysta u baara awoodda aragga.

Tababarka khataraha

Tababarka khataraha (riskutbildning) waa tababar laga qaybgalo imtixaanka aqoonta iyo imtixaanka baabuur wadista kahor. Qofka waxaa lagu tababara khataraha traafikada ay leedahay.