Baro iswiidhishka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/5-2023

Waxaa jira fursado badan oo kala duwan in la barto iswiidhishka. Halkan waxaad ka akhrin kartaa qaababka kala duwan ee in la barto iswiidhishka.

Marka aad hesho sharciga deganaansho waxaa muhiim ah in aad sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah u barato iswiidhishka. Waxay muhiim u tahay si aad dhakhso ugu awoodo sal-dhigashada bulshadan.

Degmadaadu waa inay ku siisaa waxbarashada iswiidhishka loogu talogalay ajaanibka. Tani waxaa lagu magacaabaa SFI. Waxaad xaq u leedahay inaad tagto waxbarashada SFI haddii:

  • aad buuxisay 16 sano.
  • aanad haysan aqoonta aasaasiga ah ee luqada iswiidhishka.
  • aad ka diiwaan gashantahay ama aad ka diiwaan gashanaan doontid gudaha degmo.

SFI waxaa loogu talogalay adigaaga u baahan aqoonta aasaasiga ah ee iswiidhishka. Waxaad baranaysaa iswiidhishka si aad u awoodo hadalka iyo qoraalka ee nolosha maalinlaha ah, nolosha bulshada iyo nolosha shaqada.

Waxbarashadani waa bilaash. Waxaad baran kartaa wakhti buuxa, wakhti nus ah ama ku dhex wadi kartaa tababar shaqo, la qabsashada nolosha shaqo, sugninta ama waxbarasho kale oo ku taala waxbarashada dadka waaweyn. Waxbarashadan waxay u dhacdaa talaabooyin kala duwan oo marka aad dhamaysato talaabo waxaad u sii gudbi kartaa ta ku xigta. Waxaad bilaabi kartaa SFI mar kasta oo ka mid ah sanadka. Waxaad raacaysaa qorshe waxbarasho oo gaar kuu ah.

La xiriir degmadaada si loo helo warbixin dheeraad ah oo ku saabsan SFI. Haddii aad ka diiwaan gashantahay Xafiiska Shaqada kana qayb qaadato barnaamijka meelaynta waxaad la xiriiri kartaa hawl-wadeenkaaga jooga Xafiiska Shaqada.

Waxaa jira dugsiyada dadka waaweyn kuwaas oo bixiya waxbarashada SFI. Haddii aad doonaysid inaad SFI ka dhigato dugsiga dadka waaweyn oo baddel u noqota degmada waxaad weydiin kartaa degmadaada nooca fursadaha jira. Haddii aad ka diiwaan gashantahay Xafiiska Shaqada kana qayb qaadato barnaamijka meelaynta waxaad la xiriiri kartaa hawl-wadenkaaga jooga Xafiiska Shaqada.

Dugsiyada dadka waaweyn waxaad xitaa ka baran kartaa koorsooyinka heerka dugsiga hoose-dhexe ah iyo heerka dugsiga sare. Qaar ka mid ah dugsiyada dadka waaweyn waxay bixiyaan koorsooyinka deganaanshaha looguna talogalay adigaaga dalka ku cusub ee dhinaca iswiidhishka, maadooyinka cilmiga bulshada iyo maadooyinka u diyaarinta shaqada.

Degmooyinka qaarkood waxay leeyihiin maqaaxiyaha luqada halkaas oo aad ku tababaran karto inaad iswiidhishka ku hadasho iyadoo koox lala joogo. Waxaa xitaa jiri kara ururo mutatawiciin ah kuwaas oo maqaaxiyaha luqada ka diyaariya meesha aad degantahay. La xiriir degmadaada si loo helo warbixin dheeraad ah. Haddii aad ka diiwaan gashantahay Xafiiska Shaqada kana qayb qaadato barnaamijka meelaynta waxaad la xiriiri kartaa hawl-wadeenkaaga jooga Xafiiska Shaqada.

Dugsiyada Ururrada taclinta dadka waawayn waxay ka hawlgalaan dalka Iswiidhan oo idil. Waana goobaha dalka Iswiidhan ugu wayn ee taclin iyo dhaqamada awgood lagu kulmo. Waxaa goobahaas xiriir la yeesho dad da'dooda kala duwan, oo doonaayo in wadajir aqoon-korsadaan iyo horumar. Dhammaan dugsiyada Ururrada taclinta dadka waawayn, waxay hirgeliyaan dhaqdhaqaaqyo kala duwan, kuwaasoo aad ka qaybgeli karto. Tusaale, tababarka luqadaha, goobabinta waxbarashada iyo dhaqdhaqaaqa dhaqamada. Tirada dugsiyada Ururrada taclinta dadka waawayn waa tobban. Mid kasta-na wuxuu leeyahay muqaal iyo fikrad u gaar ah. Warbixin dheeraad ku saabsan ururrada kala xiriir barta internetkooda. Isla barta waxaad ka heli karta dhaqdhaqaaqa ururka ee degmada degan tahay, kaasoo ka qaybgeli karto.

Iswiidhishka xirfada waa waxbarashada iswiidhishka looguna talogalay adigaaga og waxa aad doonaysid inaad ka shaqaysid laakiin u baahan inaad barato luqada
iswiidhishka ee khuseysa isla nooca xirfadaas.

Koorsooyinka iswiidhishka ee xirfada waxay jiraan iyagoo saddex heer oo kala duwan ah. Si wada jir ah hawl-wadeenkaaga jooga Xafiiska Shaqaday ayaad ula qorshaynaysaa nooca heerka kugu haboon adiga. Tani waxay ku xirantahay aqoontaada dhinaca luqada
iswiidhishka iyo haddii aad samayn doonto tababarka goobta shaqada, tegi doonto waxbarasho suuqa shaqada ah ama aad heshay shaqo.

Haddii aad dhamaysatay waxbarashadaada SFI waxaad sii wadan kartaa inaad barato iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah. Waxaad la hadli kartaa hagahaaga waxbarashada iyo xirfada ee ka shaqeeya Waxbarashada dadka waaweyn si loo helo caawimaada dhinaca codsigan. Hagaha waxbarashada iyo xirfada waxay xitaa kaa caawin karaan adiga in aad qorsheyso waxbarashadaada. Haddii aad ka diiwaan gashantahay Xafiiska Shaqadan kana qayb qaadato barnaamijka meelaynta waxaad la xiriiri kartaa hawl-wadeenkaaga jooga Xafiiska Shaqada si loo helo warbixin dheeraad ah.

Halkan Informationsverige.se waxaad iskaa uga baran kartaa af-Iswiidhish. Halkan waxaad ka heleysaa waxyaabo wax caawiya oo kala duwan iyo qalab kaligaa ama la jirka dadka kale aad swiidhishka ugu tababaran kartid.