Wararka Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 27/2-2026

Halkan ka akhriso wararkii ugu dambeeyay ee Iswiidhan. Waxaad ka helaysaa warar ku qoran af Iswiidhish fudud, luqadda dhagoolayaasha ee faraha laga hadlo iyo in loo turjumo luqaddo kale.

Warar ku baxaya af Iswiidhish fudud

Halkan waxaad ka helaysaa leeman internetka ah ee warar ku baxaya af Iswiidhish fudud.

Warar dhowr luqadood ku qoran

Halkan waxaad ka helaysaa xiriirka warar ku baxaya dhowr luqadood.

Wararka luqadda dhagoolayaasha ee faraha laga hadlo

Halkan waxaad ka helaysaa xiriirka warar ku baxaya luqadda dhegooleyaasha.

Wararkii ugu dambeeyay ee Raadiyaha Iswiidhan

Halkaan waxaad ka heleysaa wararkii ugu dambeeyay ee Raadiyaha Iswiidhan. Guji ciwaan warar oo ku jira liistada hoose si aad u akhrido warkaas oo ka imanaya Raadiyaha Iswiidhan boggiisa intarnatka. Haddi wararka oo luqaddaada ku qoran aanu jirin markaas wararkaas waxey jiraan iyaga oo af Iswiidhishka fudud ah.

  • Tirada dadka iyagoo meyd ah laga helo guryaha hal bil kadib oo korortay

    309 qof oo ku dhintay guryahooda sanadkii hore ayaa la ogaaday ugu yaraan hal bil kadib, sida lagu sheegay tirakoob cusub oo ka yimid Hay’adda Cilmi-baarista sharciga ee Sweden.Tiradaasi way ka badan tahay tii sanadkii ka horreeyay, markaas oo ay ahaayeen 281 qof.Inta badan dadkaasi waxay ahaayeen rag.
  • 19 000 bay hoos u dhacday dadka shaqo la'aanta ah bisha april

    Waxaa sii yaraanaya tirada dadka shaqo la'aanta ah, sida uu sheegay xafiiska shaqada. Dhammaadkii bishii april ku dhowaad 346 000 qof oo shaqo la'aan ah ayaa ka diiwaangashanaa xafiiska shaqada. Xafiiska ayaa sheegay in tiradaasi 19 kun ka yar tahay inta diiwaan gashanaa sannadkii hore. Tiradda dadka shaqo la'aanta ahaa in ka badan labo sano ayaa weli sii korortay.
  • Kobaca dhaqaale ee wax soo saarka gaashaandhiga Iswiidhen oo aad u kordhay

    Labaduba iibka iyo tirada shaqaalaha ee wax soosaarka gaashaandhiga ee Iswiidhen ayaa ayaa si deg deg ah sare ugu kacay sannadkii aynu soo dhaafnay, sida lagu sheegay tirakoob uu soo saaray ururka shirkadaha gaashaandhiga iyo amniga ee SOFF.Guud ahaan, dakhliga, wareegga ganacsiga, ayaa kordhay 24 boqolkiiba, wuxuuna gaaray 124 bilyan sannadkii hore, sida uu sheegay xoghayaha guud Robert Limmergård.Qeyb weyn oo iibinta ayaa waxaa sammeysa shirkadda Saab, balse waxaa sidoo kale sare u soo kacay shirkadaha kale ee agabka u geeya qeybaha wax soo saarka gaashaandhiga.
  • Keliya saddex ka mida tobankii qof ayaa aminsan in ay heli karaan adeega daryeelka caafimaadka- saf la'aan

    Keliya saddex ka mida tobankii qof ee Swedish ah ayaa aaminaad weyn ama mid yara weyn u haya in maamulka caafimaadka gobolada ay bixin karaan adeeg caafimaad oo aan loo marin sugitaan wakhti dheer. In ka badan afar ka mid ah tobankii qof ayaa aaminaad yar ama mid iska yara yar u hayaan arrintaa. Waxaa sidaasi muujisay daraasad ay Indikator Opinion u sammeysay idaacadda P4. Anna Olausson oo ka soo jeeda Umeå ayaa qabta dareen ah in wakhti dheer qaadanayo helida adeeg caafimaad kolka loo baahdo.
  • Foos: Shaqooyin badan waan helay, haddana ma aysan aheyn kuwo ku habboon daruufaheeyga

    Shirkadda guryaha Familjebostäder ee Bergsjön oo kaashaneeysa maamulka shaqada iyo waxbarashada dadka waaweyn ee Göteborg ayaa sameeyey hannaan taageero cusub ah oo muddo dheer soconeeysa, looguna talagalay haweenka shaqo la'aanta ah.Waana mashruuc looguu talaga haweenka waxbarashadoodu hooseeyso ee ku dhashay dalal ka baxsan Yurub. ”Qof xor ah ayaa tahay, oo isaga kiradiisa baxsanaayo, cidna aan saacidaad uga baahneyn". ayey tiri Food Daa'uud Maxamuud oo mashruucan ka qeyb qaadaneysa.
  • Xukun xabsi daa'in oo laga gaaray dilkii saddexleyda ee Uppsala

    Nin 21 jir ah ayaa lagu riday xukun xabsi daa'in dil saddexle ah oo willal dhallinyaro ah loogu geystay gudaha timo jire ku yaalla magaaladda Uppsala.Labo nin kale oo dheeri ah ayaa lagu xukumay xukuno sannado dhaadheer ku lug lahaanshiyahooda weerarkaasiLama ogaan waxa ay tahay sababta ka dambeysay dambigaasi.
  • Waxaa imminka socda Eurovision - Sweden ayaa ku tartameysa semifinalka kowaad

    Fiidka caawa ayaa Felicia oo u dhalatay Sweden waxaa laga filayaa in ay u gudubto faynalka tartanka heesha Eurovision oo ka socda magaaladda Vienna ee dalka Austria.Sida ay sheegayaan khubarada iyo shirkadaha sharadka ciyaara Felicia ayaan wax dhib ah kala kulmeen in ay ka soo gudubto. Hase yeeshee dalal kale oo lala dhacsan yahay ayaa sidoo kale ku jira tartanka semifinalka
  • Xog: Xubin sare oo ka tirsan Foxtrot oo lagu qabtay Tuuniisiya

    Xubin sare oo ka tirsan shabakada dambiyada ee Foxtrot ayaa lagu xiray dalka Tunisien, sida ay sheegayaan wararka P3 Krim. Mohamed Mohdi, oo caan ku ah magaciisa fanaanimada rap ka ee ”Moewgli”, ayaa lagu tuhmayaa liis dheer oo dambiyo culus ah. Qareenkiisa ayaa goor hore u sheegay P3 Krim in uu ninkani iska fogeeyey inuu ku lug leeyahay dhammaan tuhunada loo heysto.
  • Swedish la socday markabkii dalxiiska oo aysan ka soo muuqan astaamo

    Ururka caafimaadka caalamka ee WHO, hay'adda Yurub ee ka hortaga cudurada faafa ee ECDC iyo hay'adda caafimaadka dadweynaha Sweden ee Folkhälsomyndigheten ayaa dhammaantood ku qiimeyey in dilaaca cudurka hantavirus uusan ahayn bilowga faafid cusub oo baahsan. Qofka Swedish ka ahaa ee saarnaa markabka dalxiiska ee fayrasku aafeeyay ayaa weli waxaan ka soo muuqan astaamaha cudurka hase yeeshee waxuu isku go'doomiyay gurigiisa.Xuluukamada ayaan imminka qaadayn wax talaabo gaar ah oo la xiriira dilaaca cudurka balse si dhab ah oo weyn ayay u daneyneysaa arrintan iyadoo xiriiro dhow la leh hay'adda caafimaadka dadweynaha sida uu sheegay wasiirka arrimaha bulshada Jakob Forssmed.
  • Ra’iisal wasaare Kristersson oo iska fogeeyay eedeyn dhan u janjeerid

    Ra’iisal wasaare Ulf Kristersson ayaa ka hadlay baaritaan wargeyska Aftonbladet sammeeyay oo ah in uu ku jiray oo uu qeyb ka ahaa go’aan lacag fara badan lagu siiyay urur oo guddiga maamula ku jirto dumaashidiisa.Arrinka ayay dhaleeceen kaga timid jahooyin fara badan. Dadka dhaliilay waxaa ka mid ah Olle Lundin, oo ah bare sharciga maamulka oo ka tirsan jaamacadda Uppsala kaasoo u sheegay wargeyska in ay ahayd in Ulf Kristersson isaga baxo goobta marka go’aanka la gaarayay haddii kale waxaa jiraya tuhun xaalad dhan u janjeerta ama eex ah.Balse Ulf Kristersson ayaa iska fogeeyay dhaliisha isaga oo sheegay in uusan ogeyn howsha dumaashidiisa ka heysay guddiga.