Haddii aad tahay qof waayeel ah
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 15/1-2026
Adigaaga ah qof waayeel ah ee aan rabin ama awoodin in aad shaqayso waxa aad xaq u yeelan kartaa lacagta hawlgabka ama taageero dhaqaale oo kale. Halkan waxaad ka heli doontaa wax badan oo ku saabsan waxa shuruud u ah in la helo lacagta hawlgabka iyo nooca taageerada kale ee adigaaga haysta sharciga deganaansho aad ka heli karto bulshada marka aad waayeel noqoto.

Waxaad codsan kartaa lacagta hawlgabka haddii aad ka soo shaqeysay gudaha Iswiidhan
Lacagta hawlgabku waa lacag aad codsan karto haddii aad ka soo shaqaysay gudaha Iswiidhan. Waa Hay’adda Hawlgabka ta bixisa lacagta hawl-gabka guud. Inta ay le’egtahay lacagta hawlgabku waxay ku xidhan tahay muddada aad degenayd gudaha Iswiidhan, inta aad shaqaysay iyo mushaharka aad qaadan jirtey.
Kolba marka aad wakhti dambe doorato in aad qaadato hawlgabkaaga waxaa sii kordhaysa lacagta aad helayso bil kasta. Waa sanadkaaga dhalashada waxa go’aaminaya xilliga ugu horeeya ee aad geli karto hawlgabnimo:
- Adigaaga dhashay 1962 ama ka hor waxaad lacagta hawlgabka qaadan kartaa isla imminka.
- Adigaaga dhashay 1963–1967 waxaad lacagta hawlgabka qaadan kartaa ugu horeyn marka aad tahay 64 jir.
- Adigaaga dhashay 1968 ama ka dib waxaad u baahantahay inaad ka war sugto macluumaad ku saabsan marka aad ugu horeyn qaadan karto lacagta hawlgabka. Tani waxaa sabab u ah in Hay’adda qaran ee hawlgabka aanay weli gaarin go´aan ah da´daada hawlgabka.
Haddii aad rabto inaad lacagta hawlgabka ka codsato waddan kale
Adigaaga ku soo noolaa ama ka soo shaqeeyay dalal kale oo aan ahayn Iswiidhan waxa aad xaq u yeelan kartaa lacag hawlgab oo aad ka hesho dalalkaas. Hay’adda Hawlgabka ayaa kaa caawin karta in aad lacagta hawlgabka ka codsato dal kale, haddii uu yahay dal ka tirsan Midowga Yurub/Dalalka Isbahaysiga Yurub ama dal ay Iswiidhan la leedahay heshiis. La xidhiidh Hay’adda Hawlgabka oo u sheeg dalalka aad ka soo shaqeysay, sidaas ayaad ku ogaan doontaa haddii aad heli karto caawimaad.
Haddii aadan heli karin wax ah lacag hawlgab
Adigaaga leh lacag hawlgab oo hooseysa amaba aan haysan gebi ahaan waxaad xaq u yeelan kartaa kabista hoyga ama taageerada masruufka waayeelka marka aad buuxiso 67 jir. Waa Hay’adda qaran ee hawlgabka ta go´aamisa haddii aad heli karto kabista guriga iyo taageerada masruufka waayeelka.
Waxaad sidoo kale kaalmo dhaqaale ka codsan kartaa degmada, haddii ay kugu adag tahay inaad keligaa is masruufto. La xidhiidh degmadaada si aad u ogaato nooca taageero ee aad heli karto.
Sida qof waayeel ah ugu noolaan karo Iswiidhan marka aad joojiso shaqada
Adigaaga aan shaqayn waxa aad xaq u leedahay in aad ku noolaato nolol fiican oo fir-fircoon. Waa muhiim inaad hesho fursado aad ku daryeesho caafimaadkaaga, lahaato nolol bulshaawi ah oo aad hesho caawinta aad u baahantahay dhanka nolosha maalinlaha ah. Markaad noqoto waayeel waxaad heli kartaa xanaanada dadka waayeelka ah.
Sharraxaadda kalmado iyo erayo
Hawlgabka guud
Hawlgabka guud waa lacagta hawlgabka dawladda ee ay bixiso Hay’adda Hawlgabka.
Daryeelka waayeelka
Daryeelka waayeelka waa taageerada loogu talogalay adigaaga ah waayeel si aad u kordhiso tayadaada nololeed iyo amaankaaga. Waxay ahaan kartaa tusaale ahaan:
- taageerada iyo caawinta laga helo shaqaale guriga kuugu yimaada (adeegga guriga)
- hoy adiga ku haboon adigaaga u baahan daryeel dheeraad ah (hoy gaar ah)
- hawl maalmeed leh waxqabadyo aad ka qayb qaadan karto.