Haddii aad u baahato daryeel caafimaad
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 22/8-2024
Nidaaamka daryeelka bukaanka siyaabo kala duwan ayuu uga eekaan karaa dalalka kala duwan. Waxaa jira noocyo badan oo kala duwan oo ah rugo aad daryeel caafimaad ka raadsan kartid gudaha Iswiidhan. Nooca rugaha ee jira iyo waxa magacyadoodu yahay way ku kala duwanaan karaan goobaha kala duwan ee gudaha dalka. Haddii adiga ama qof kale ay si halis ah u xanuusanayaan ama dhaawac khatar ah ku soo gaaray waa in aad wacdo 112.
Marka aad ku jirto diiwaan-gelinta dadweynaha waxaad xaq u leedahay daryeel caafimaad sida dhammaan dadka kale ee ku nool Iswiidhan
Adigaaga ku jira diiwaan-gelinta dadweynaha ee Iswiidhan waxa aad xaq u leedahay daryeelka bukaanka si ah shuruudo la mid ah dadka kale ee ku nool gudaha Iswiidhan. Taas micnaheedu waa in tusaale ahaan aax bixinayso khidmadda bukaan socodka sida dhammaan dadka kale ee ku jira diiwaan-gelinta dadweynaha.
La xiriir rugta caafimaadka marka aad u baahato daryeel caafimaadka
Marka adiga ama carruurtaadu xanuusataan waa inaad la xiriirto rug caafimaad. Halkaas ayaad ka helaysaa caawimaada cudurada iyo dhibaatooyinka ugu badan. Rugta caafimaadka waxa ay badanaaba leedahay talo-bixinta bukaanka oo gaar u ah taas oo aad wici karto.
Adiga laf ahaantaada ayaa dooran kara rugta caafimaad ee aad rabtid in aad tagto marka aad u baahato daryeel caafimaad. Waxa aad dooran kartaa in aad ka tirsanaato rug caafimaad. Taas waxaa lagu magacaabaa in la galo liistada. Gobolada qaarkood waxaa lagugu qorayaa rugta caafimaad ee ugu dhow haddii aanad dooran mid kale.
Xitaa haddii aad ku qorantahay rug caafimaad waxaad daryeel caafimaad ka raadsan kartaa rug caafimaad oo kale.
Dhanka bogga intarnatka ee 1177.se waxaa ku jira macluumaadka xiriirka iyo wakhtiyada furitaanka ee rugaha caafimaad ee gudaha Iswiidhan. Rugo caafimaad oo badan waxaad xitaa wakhti ballan ah ka samaysan kartaa adiga oo galaya gudaha 1177.se. Badanaaba waxaad ka dooran kartaa oo baddalan kartaa rugta caafimaad adigoo galaya gudaha 1177.se.
Si loo galo gudaha 1177.se waxaad u baahantahay in aad haysato aqoonsiga elaktarooniga, dhanka BankID ama Freja+.
Waxaad mar walba wici kartaa 1177
Haddii aanad hubin haddii ay tahay in aad raadsato daryeel caafimaad waxa aad mar walba wici kartaa lambarka telafoonka ee 1177. Markaasi waxaad la hadli doontaa kalkaaliso caafimaad taas oo ku siin karta talo. Kalkaalisadan caafimaad waxay xitaa ku siin kartaa macluumaad ku saabsan halka aad ka helayso daryeelka saxda ah. Waxa aad telafoon lambarka 1177 wici kartaa maalintii iyo habeenkiiba. Gobollada qaarkood waxa aad talo-bixin ku heli kartaa luqado kale oo aan ahayn af Iswidhish.
1177 waa wada-shaqayn u dhaxaysa gobollada Iswiidhan. Gobollada ayaa mas’uul ka ah daryeelka caafimaadka iyo bukaanka iyo daryeelka ilkaha ee gudaha Iswiidhan.
Wac 112 si aad u hesho caawimaad xilliga xaalado deg-deg ah
Haddii adiga ama qof kale ay si halis ah u xanuusanayaan ama dhaawac khatar ah ku soo gaaray waa in aad wacdo 112. Haddii loo baahdo waxaa imanaysa ambalaas taas oo kuu qaadi doonta rugta deg-degga ee isbitaal.
Wac 1177 haddii aanad hubin inta ay leegtahay halista cudurkaaga ama dhaawacaaga. Waxaad la hadlaysaa kalkaaliye caafimaad oo ku siin karaya talooyin.
Sii qaado kaarkaaga aqoonsiga marka aad raadsanayso daryeel caafimaad
Waxaad u baahantahay in aad wadato kaarkaaga aqoonsiga marka aad raadsanayso daryeel caafimaad ama aad soo qaadanayso dawo.
Shaqaalaha daryeelka caafimaadka waxaa waajib ku ah xog qarinta sirta
Xog qarinta sirta micnaheedu waa in cidnaba gudaha daryeelka caafimaadka aan loo oggolayn inay dhiibaan macluumaad kugu saabsan iyadoo adigu aanad oggolaan taas. Laakiin waxaa jira waxyaabo ka reeban. Mararka qaarkood tusaale ahaan booliiska, Qasnadda Caymiska ama adeegga arrimaha bulshada waxay heli karaan macluumaad kugu saabsan iyadoo adigu aanad oggolaan taas.
Waxa aad xaq u leedahay turjumaan
Waxa aad haddii loo baahdo helaysaa turjumaan haddii aanad ku hadlin af-Iswiidhishka ama ay kugu adagtahay in aad macluumaadka ku fahanto af-Iswiidhishka. Sheeg in aad u baahantahay turjumaan marka aad ballansanayso booqasho.
Mararka qaarkood turjumaanku wuu joogaa xilliga booqashada daryeelka caafimaadka, mararka qaarkoodna turjumaanku wuxuu ku jiraa khadka telafoonka. Xitaa turjubaanada waxaa waajib ku ah xog qarinta sirta.
Carruurta iyo qaraabadu maaha inay turjumaan.
Waxa aad dareemi kartaa welwel, murugo ama kadeed marka aad timi dal cusub
In loo soo guuro dal cusub waa isbaddal weyn. Laga yaabee inaad ku khasbanayd inaad ka qaxdo dalka aad u dhalatay. Waa caadi in la dareemo welwel, murugo ama cadaadis.
Haddii aad dareemayso inaad maskaxiyan aanad dareemayn wanaag waa inaad la xiriirtaa rugtaada caafimaadka. Iyaga ayaa kaa caawin kara talobixin, taageero iyo wada hadal. Adigu waxaad xitaa heli kartaa dawooyin haddii aad taas u baahato.
Su’aalo iyo jawaabo
Haddii aad ka weyntahay 20 jir badanaaba waaxaad bixinaysaa khidmad marka aad booqato daryeelka caafimaadka. Inta ay leegtahay lacagta aad bixinaysaa way ku kala duwanyihiin maamulada gobolada ee kala duwan.
Ballanta baaji haddii aad caafimaad hesho oo aanad u baahnayn in aad tagto, ama haddii aanad iman karayn. Haddii kale waxaad bixinaysaa khidmad dheeraad ah.
Caruurta iyo dhalinyarada ka yar 20 sano waxay helaan daryeel bukaan iyo daryeelka ilkaha oo bilaash ah gudaha maamulada gobolada badankooda.
Haddii badanaaba aad u baahato daryeel caafimaad waxaa jirta daboolida kharashka badan. Tani waa ilaalin loogu talogalay adiga si aanay u badan kharashaadka daryeelka caafimaadka iyo dawada.
Sharraxaadda kalmado iyo erayo
Diiwaan-gelinta dadweynaha
In lagu jiro diiwaan-gelinta dadweynaha micnaheedu waa in aad diiwaan-gashantahay in aad ku nooshahay gudaha Iswiidhan. Waa Hey’adda Cashuuraha ta mas’uulka ka ah diiwaan-gelinta dadweynaha.
Kaarka LMA
Kaarka LMA micnihiisu waa "sharciga qaabilaadda magan-gelyo doonka". Kaarka LMA waa kaar balaastig ah lehna sawirkaaga kaas oo muujinaya in aad tahay magan-gelyo doon. Kaarkan maaha kaar aqoonsi (aydhii-kaar), laakiinse waa caddeyn ah in aad tahay magan-gelyo doon iyo in laguu oggolyahay in aad joogto Iswiidhan inta lagu jiro wakhtiga aad sugayso go’aan.
Khidmadda bukaan socodka
Khidmadda bukaan socodka waa lacagta aad bixinayso marka aad booqato daryeelka caafimaadka, tusaale ahaan marka aad la kulanto dhakhtar jooga rug caafimaad.